Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne-xigeenka oo soo guryo noqday

Wefti uu hoggaaminaayo Madaxweyne-xigeenku Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu ugu maqnaa Itoobiya.

Ugu horeyn waxaa safarkaasi ka warbixiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis waxaanu yidhi:

“Alxamdulilaah waxa mahadleh ilaahay oo noo suurta galieyey in aanu dib ugu soo noqono Hargeysa, anaga oo ka kooban wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo madaxweyne-xigeenku Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu ka nimid Itoobiya, halkaasi oo aanu ku lahayn shirar aanu Dawlada Itoobiya la lahayn oo faro badan, ku luglahaa arrimo khuseeya horumarka, ganacsiga, iyo nabada iyo hawlo badan oo labada dal ee jaarka ah ka dhexeeya, sidaad la socotaanba dawlada Itoobiya waa Dawlad aynu jaarnahay, asxaab aynu nahay, walaalo aynu nahay, cilaaqaad faro badana inaga dhexeeyo, markaa hawlo badan oo cilaaqaadkaa ku lugleh ayaanu u tagnay.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Sido kale waxaanu la kulanay anaga iyo Madaxweyne ku xigeenku, Madaxweynihii hore ee waddanka Koonfur Afrika Thapo Mbeki, Mbeki waxaanu u sharaxnay qadiyada Somaliland nabada iyo horumarka, sidoo kale waxaanu la kulanay wufuud ka soctay dalwada Koonfurta Suudaan oo mucaaridka waddankaasi u badnaa oo qudhoodu doonaayay inay wax ka bartaan halka ay Somaliland nabada ka gaadhay.”

Dhinaca kale waxaa isaguna safarka xagiisa ka warbiyey Madaxweyne-xigeen Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxanu yidhi:

“Waxaad la wada socoteen in aanu muddo yar oo kooban idinka maqnayn sidaanu idin sheegnay maalintii aanu halkan uga ambabaxaynay Itoobiya, sidaa la sheegayna safarkani safar kooban ayuu ahaa, kolay dal kasta oo aan cilaaqaad leenahay kolay waxa laga wadda hadlayaa waxyaabaha inaga dhexeeya Oo hadii maanta halkan ka tago iyo hadii barito la tagaba danihii markaa labbada waddan ee yaalay ayuunba laga wadda hadlayaa, runtii hawlo badan ayaanu ka soo qabanay sida sasiirku idiin sheegay, si wanaagsana way noogu dhamaadeen, madaxdaa kale ee afrikaanka ahna waanu la kulanay, inaga oo ah waddan curdina ujeedeeduna ay tahay inaynu marwalba qadiyadeena adduunyada ka iibino meelkasta oo la tago, waana waajib in aad cidkasta oo dublamaasiyiin ah oo aad la kulanto inaad ka dhaadhiciso qadiyadeena, laguma koobnaado oo kaliya waddanka aad tagtay.”

Weftigan ayaa muddo koobab ku maqnaa Itoobiya oo ay kale hadleen danaha labada dalka ka dhexeeya bandhige@gmail.com