Xildhibaan Bukhaari oo iska deedifeeyey warar sheegay in xukuumaddu guri u dhisayso

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ay saxaafada maxaliga ahi qortay in ay madaxtooyaddu guri uga dhisayso Hargeysa ayaa gebi ahaanba warkaas deedifeeyey, kuna tilmaamay mid been abuur ah.

Xildhibaan Bukhaari ayaa sheegay in gurigaas ay sheegeen saxaafaddu uu isaga dhisanayo ee cid u dhisaysaa aanay jirin, gurigan ayuu xildhibaanku ka dhisanayaa Beri Hargeysa.

Xildhibaanka oo ka hadlay arrimahaasina waxa uu yidhi:

”Guri sadex dabaq ah oo madaxtooyaddu ii dhisaysaa adeer wax jira maaha waa jago yar oo anigu aan lahaa oo beri hore aan nin kasiistay 6,000 oo Doolar iminkana aan guri yar ka dhisanyo.”

Isagoo hadalka sii watana waxa uu yidhi:

“Lix boqol oo kun [$ 600,000] iyo waxa ay sheegayaan ku bixi maayaan ee 50-kun wax ka yar baa ku baxaya anaana dhisanaya cidna iima dhisayso, iimana maalgelinayso lacagta yar ee ku baxaysana deyn baaba wax laygaga leeyahay.”

Xildhibaanka oo ka hadlaya wakhtiga uu guriga bilaabay ayaa waxa uu yidhi:

“Mooshinadan iyo sheekooyinkana ka hor ayaan jagadan yar lahaa, markaa waa been qaawan waxba madaxtooyadu iima dhisayso.”

Xildhibaan Bukhaari ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada aad u taageersanaa mooshinka wareejinta haamaha kaydka shidaalka Berbera oo ay xukuumaddu dabada ka riixaysay.

bandhige@gmail.com