Xisbiga talada haya ee Turkiga oo doorashadii maanta dhibco sare ku hoggaaminaya

Xisbiga haya talada Turkiga ee Caddaaladda iyo Horumarka “AK Party” ayaa inta la tiriyey haysta 51% codadkii maanta la dhiibtay isagoo dhibco aad u sarreeya ka horreeya xisbiyada kale ee isku dayey in ay doorashadan kula tartamaan.

Xisbiga AK party oo 13 sanno dalka soo hoggaaminayey ayaa guul-darro kooban kala kulmay doorashadii dhacday 5 bilood ka hor kadib markii ururradii kale ay diideen in ay is bahaysi la sameeyaan si dawlad loo sameeyo.

Ilaa hadda waxa la tiriyey codadka 73% iyadoo la wada xidhay goobihii codbixinta.

54 milyan oo qof ayaa isku diwaangeliyey in ay ka codeeyaan 175000 oo codbixineed oo ku kala yaal daafaha dalka Turkiga.

Ilaa barigo ayaa la filayaa in natiijada kama-dambaysta ahi soo baxda. Haddii ay guusha xisbul-xaakimku sidan ku sii socoto waxa uu awood u yeelan doonaa in uu dawlad u gaar ah soo dhiso, dastuurka dalkaasna wax ka beddeli karo.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

 

Bandhige@gmail.com