Xisbiga Waddani wuxu qado-sharaf u sameeyey Madaxweynihii hore ee Somaliland

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa Axaddii qado-sharaf u sameeyey madaxweynihii 3aad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo Khamiistii ku soo laabtay Somaliland kadib markii uu ku dhawaad 3 sanno ku maqnaa Faransiiska oo uu deggan yahay.

Madaxweyne Rayaale oo hadal kooban ka jeediyey munaasibada qado-sharafta ayaa sheegay in uu dhex u yahay saddexda xisbi ee Somaliland laakiin uu istaagayo halka uu xaqu ku jira.

Madaxweyne Rayaale isagoo ka hadlaya marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay wuxu sheegay in uu qirayo in dawladnimadu ay adkayd marba markii ka horreeyey, qoladan hadda xilka haysaana (Kulmiye) ay ku soo hagaageen wakhti wanaagsan kuwa ka dambeeyaana ay ka sii wakhti fiicnaanayaa.

Daahir Rayaale Ahmed Yuusuf
Rayaale waxa qadada ku wehelinayey Madaxweyne-Xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin

Rayaale wuxu ku taliyey in aan la dafirin cid waliba wixii ay qabtay.

“In la qiro cid kastaa wixii ay soo qabatay waa waajib, dawladnimadeena iyo sharafteena ayaa sidaas ku jirta. Xataa kuwan imika jooga (Kulmiye) wixii ay qabteen in la dafiro ma ogolin.”

Ugu dambayn Daahir Rayaale wuxu u mahadceliyey Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo martiqaadka fidiyey.

Hoos ka daawo hadalladii Madaxweyne Rayaale.

bandhige@gmail.com