Xisbiga Waddani wuxu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Garabka Haweenka iyo Ku-Xigeenkeedii

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde ayaa lagu xaqiijiyey in hoggaanka xisbiga Waddani ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee Waddani Ifraax Cumar Xasan iyo Ku-Xigeenkeedii Idil Cabdillaahi Giirre.

Masuuliyiintan waxa lagu eedeeyey in ay ku kaceen khayaamo xisbi kadib markii ay heshiis qarsoodi ah la galeen Madaxtooyada sida war-saxaafadeedka lagu sheegay. Sidoo kale waxa lagu eedeeyey in ay xisbiga Waddani dhexdiisa xisbiyo kale uga ogoleeyaan.

Dhawaanahan waxa jirtay saraakiil tiro badan oo iska casilaysay xisbiga Waddani, eriganina hadda wuxu u muuqdaa mid taas lagaga hortagayo.

Warqadda eriga saraakiishan Waddani hoos ka akhri.

Waddani xil-ka-eryid