Xisbiyada qaranka oo kulan wada-tashi ah oo albaabkiisu xidhan yahay la yeeshay Maxkamadda Sare

Saddexda guddoomiye ee xisbiyada qaranka Muuse Biixi Cabdi (Kulmiye), Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Waddani) iyo Faysal Cali-Wareebe (UCID).

Kulankan ayaa saxaafaddu dibad-joog ka haayeen wuxuna socda saacado dhawr ah.

Faysal Cali Waraabe oo maxkamadda horteeda saxaafadda kula hadlay ayaa Maxkamadda Sare u mahadceliyey. Guddoomiye Faysal wuxu sheegay in ay Maxkamaddu u yeedhay xisbiyada qaranka si loo wada-tashado.

“Waxa Ilaahay mahaddii ah in saddexdayada xisbiya aanu isku raacnay in maxkamaddu ay ixitraamto wixii saddexda xisbi isku raacay oo ahayd in doorashadu dhacdo December 2016.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo isaguna xafiiskiisa dhexdiisa kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kulankan uu ku dhagaysanayey saddexda xisbi si ay Maxkamadda Sare tafsiir ugu samayso codsigii Madaxweynuhu u gudbiyey 8 August 2015.

Dadweynaha Somaliland ayaa hadda dhegaha u taagaya waxa ka soo bixi doona Maxkamadda Sare iyadoo ay beryahan dambe dib u soo noolayso rajadii laga qabay maxkamaddan oo muddo aad u dheer ahayd meel ay dadweynuhu ka quusteen.

Hoos ka daawo muuqaalka warbixinta Telefishanka Qaranka.

Bandhige@gmail.com