Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriisku Boris Johnson waxa uu booqasho aan la shaacin ku tegay magaalada New York waxa uu kula kulmay qaar ka mid ah lataliyayaasha sar sare ee Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump.
Johnson, ayaa la kulmay wiilka uu sodogga u yahay Trump ee Jared Kushner iyo madaxa istiraatiijiyadiisa, Steve Bannon.
Mas’uuliyiinta ayaa wada-hadaladani ku tilmaamay in ay yihiin kuwo looga arrinsanayo siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan waddammada Suuriya, Shiinaha iyo Ruushka, taas oo dhanka wanaagsan laga eegayo.
Madaxweynaha la doorta ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa horay usoo jeediyay in Nigel Farage oo ah siyaasi u ololaynayay in Ingiriisku ay iskaga baxdo Midowga Yurub uu noqon karo safiir wanaagsan oo Ingiriiska ku matali kara Washington, balse soo jeedintaasi waxa ku ganac seydhay dawladda Ingiriiska, maadaama uu safiir dalkaas u fadhiyo Farage aanu ka tirsanayn xisbiga haya talada waddankaasi.