Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Kerry oo Ruushka uga digay faro gelinta milateriga colaadda Suuriya

Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka John Kerry ayaa uga digay Ruushka faro gelinta milateri ee colaada Suuriya in ay sii daba dheeraan karaan xiisadaha ka aloosan Suuriya. Ruushka ayaa taageero milatari u fidaya xukuumadda Bashaar Al-asad.

Kerrya iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruusha Sergei Lavrov ayaa kuwada hadlay talafoon kaga wada hadlay arrimaha faro gelinta Ruushka ee Suuriya.

Ruushka ayuu Maraykanka ku eedeeyey in joogitaankooda milateri ee Suuriya ay sii kordhinayso colaada ka aloosan Suuriya.

Kerry ayaa sheegay in Maraykanku soo dhawaynayo in uu ka qayb qaato dhismaha iyo ka guulaysiga kooxaha dawladda Islaamiga ee ka jira Suuriya iyo Ciraaq.

Dhanka kale Ruushka ayaa ku dooda joogitaankooda milateri ay Suuriya ka caawinayaan dagaalka ay kula jirto kooxda Dawladda Islaamiga.

bandhige@gmail.com