Xubnaha Golaha Sare Kulmiye ugu jira Hawd oo taageero weyn u muujiyey murashaxnimada Muuse Biixi

Hadhimo-sharafeed si weyn loo camiray oo lagu qabtay Ambassador Huteel ayaa maanta lagu soo bandhigay aqlabiyadda Golaha Dhexe ugu jirta deegaanka Koonfur-Galbeed Hargeysa iyo Gobolka Hawd oo taageersan murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi.

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Maxamed Adan Qabo oo ku hadlayey afka xubnaha Golaha Dhexe deegaankaas ugu jira ayaa sheegay in deegaankiisu uu si buuxda u taageersan yahay murashaxnimada Muuse Biixi taageerona ay la barbar istaagi doonaan.

“Maanta waa maalintii Muuse Biixi talada loo dhiibi lahaa. Dalku wuxu u baahan yahay cid kala dabaallata duruufaha adag ee jira, ciddaasina waa Muuse Biixi. Waxaynu u baahan nahay qof innaga tallaabiya arrimahaas oo “expert” ah oo kala yaqaana dalka oo u kala dhigdhiga oo geedgeed iyo tuultuulo. Kaasina waa Muuse Biixi” ayuu yidhi La-taliye Qabo.

Guddoomiye Muuse Biixi oo madasha ka jeediyey hadal mahadnaq ah ayaa sheegay in uu ka mahad-celinayo taageerada loo muujiyey isla markaana uu ku faraxsan yahay gobolka Hawd oo taariikh weyn ku leh halgankii dalka loo soo maray.

“Haddii aynu nahay gobolka Hawd, taariikh weyn baynu ku leenahay halgankii iyo ilaalinta nabadda. Maantana waxaynu u taagan nahay ilaalinta nabadda. Waxa inoo ballan ah in aynu ka shaqayno mustaqbalka ay da’yarteenu innaga filayaan” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Maxamed Aadan Qabo wuxu gunaanadkii munaasibadda midmid u soo joojiyey xubnihii beeshan Golaha Dhexe ee Kulmiye ugu jiray aqlabiyaddoodii, sida uu hadalka u dhigay.

Munaasibaddani waxay ka mid ahayd munaasibado xidhiidh ah oo deegaanada iyo beelaha Somaliland ay ku taageerayaan murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi iyadoo dhawaan la filayo munaasibad weyn oo reer Awdal ku soo bandhigayaan taageerada ay u qabaan Muuse Biixi.

Bandhige@gmail.com