Xukuumada Somaliland waxay caalamka ka dalbatay inay u istaagaan la dagaalanka argagxisada iyo xagjirnimada

Xukuumadda ayaa beesha caalamka ka dalbatay inay u istaagaan la dagaalanka argagxisada iyo xagjirnimada, ka dib markii fal ismiidaamin kooxaha argagxisadu soo abaabuleen uu fashilmay.

War-saxaafadeed shalay ay soo saartay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland  ayey beesha caalamka kula socodsiisay in ciidamada qaranku fashiliyeen weerar isqarxin kooxaha argagxisadu soo maleegeen subaxnimadii hore ee shalay 31 May 2023  3-dii aroornimo.

Qoraalka Wasaaradda ayaa la raaciyey in lix qof oo ka tirsan kooxaha argagixisada ah oo qorsheynayay weerarro ismiidaamin ah ayay si degdeg ah ugu qarxeen walxahii ay qaraxa ka samaynayeen tuulada Sii-xawle. Tuuladaas waxay u dhaxaysaa Yagoori iyo Samakaab, waxayna ka tirsan tahay gobolka sool.

Dhacdadaa ayaa laba ka mid ah raggii argagxisada qaraxyada diyaarinayey naftooda ku waayay qaraxaas, halka afartii kale ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.

Dhacdadan ayaa lagu sheegay inay si weyn inoo xasuusinayso in ururada argagixisadu ay weli khatar ku yihiin nabadda iyo nabadgelyada Somaliland iyo gobolka ku xeeran.

“Wasaarada Gaashaandhigu waxay u xaqiijineynaa muwaadiniinteeda iyo beesha caalamka in ciidamadeenu ammaanku ay si joogto ah ugu feejigan yihiin, si dhowna ula socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxahan xagjirka ah.

Waxaanay ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay illaalinta nabadda iyo xasiloonida Somaliland. Ma ogolaan doono falalkan argagaxa leh inay carqaladeeyaan xasiloonida iyo horumarka aan gaadhnay. Ciidammadeenu ammaanku waxa ay si joogto ah ugu taagan yihiin illaalinta muwaadiniinta iyo xaqiijinta ammaankooda.

Waxaan ku boorineynaa beesha caalamka inay si wadajir ah ugu istaagaan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada. Wadashaqeynta iyo sirdoonka la wadaago ayaa muhiim u ah dadaalladayada wadajirka ah si aan uga hortagno khatarahan si wax ku ool ah.”

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ballanqaaday inay macluumaadka ka soo kordha baadhitaanka falkan shaacin doonaan. Waxaanay ka mahadcelineysaa taageerada iyo wadajirka ay noo fidiyeen saaxiibadayada caalamiga ah waqtigan xasaasiga ah.

bandhige@gmail.com