Toobadda Iyo Wanaagga Ay Leedahay!

Ibnu Qayim Allah ha u naxariiste waxa uu yidhi : ” Maalmaha Adoonka ugu wanaagsan waa maalmaha uu Allah (sw) u toobad keeno”. Waxaana xadiis ah : ”  Marka uu adoonku Allah u soo noqdo waxa dhowaaqa Malag oo yidhaa Adoonka hebel Allahiisa ayuu u soo noqday”.

Qofku haddii uu haysto ruux ay aad isu jecel yihiin, oo khilaaf soo kala dhexgalo, waxa uu dadaal kasta ku bixiyaa sidii uu xidhiidhka xumaaday usoo celin lahaa. Ilaahay ayaa ka mudan cid kasta in la raaligeliyo oo loo toobad keeno.

Haddii uu kaa dhaco camal xun oo saamaynaya xidhiidhka adiga iyo Allah (sw) idinka ka dhexeeya, u degdeg sidii aad uga toobad keeni lahayd,, oo usoo celin lahayd xidhiidhka wanagsan ee Allah iyo adiga idinka ka dhexeeya adigoo mar Sadqad bixina, denbi dhaaf weydiisanaya, tukanaya ama Quraan Akharinaya.

Qofka caaqilka ah marka la raaligeliyo waa uu qaataa maxaad u malaynaysa Allaha (sw) ugu naxariista badan kuwa naxariista”.

Xigasho:wargeska dawan

Bandhige@gmail.com