Maskaxdaadu yay noqon……….maqal lagula leeyahay.
Yaan toban muftaax iyo………….Lagu furan masaabiir.
Ibraahiim Gadhle (AHUN).
Qormadani waxay daba socotaa laba qormo oo aan mudo hore halkan ku baahiyay oo isla magacan sitay, waxaanan qaybtan ku dulmari doonaa akhriska firfircoon iyo gorfaynta xogta.
Marka aad gacanta kusoo dhigto Maqaal-cilmiyeed, kitaab ama il-aqooneed kaleba oo ku saabsan mowduuc aad xiisaynayso inaad wax ka akhrido ama uba adeegsato marjic jaamacadeed, waa in aad dhowr arimood oo muhiim ah hubsato, fikrad fiicanna u hesho inta aanad bilaabin akhriskiisa ama xigashadiisa.
Ugu horayn, Qoraaga maqaal-cilmiyeedka (research article) ama buuga aad akhri isleedahay waa in aad aqoon fiican u yeelataa, gaar ahaan buugta akhriska guud, fallan-qaynta dhaqaalaha, siyaasada, taariikhda, odorosida istiraatijiyada mustaqbalka iyo mowduucyada la xidhiidha. Sababtu waxa weeye, qoraagu waa xubinta ugu muhiimsan uguna saamaynta badan ee xogta aad akhriyayso. Marka laga tago, macluumaadka guud ee uu soo bandhigayo, qoraagu wuxuu kuu soo gudbinayaa xog dahsoon oo aad u badan una saamayn culus. Habka uu u sawirayo duruufaha keenay qoraalkiisa, heerka dareen-caadifadeedka ee uu ku dahaadhayo xogta, qiil u raadinta Afkaarta, caqiidada ama jihooyinka uu taageersan yahay intuba waxay raad togan ama taban kaga taagaan maskaxda akhristaha.
Sidaa darted, maxaad ka ogaan lahayd qoraaga inta aanad bilaabin akhriska wax soo saarkiisa?. Marka laga yimaado Jinsiyadiisa iyo heerkiisa aqooneed ee mowduuca uu wax ka qoraayo, waxa lagama maarmaan ah in aad isku daydo in aad ogaato mabaadi’da siyaasadeed ee qoraaga (Political ideology and orientation): waa in aad ogaato dhinaca uu mabda’ahaan u janjeedho; Afkaarta bidixda (Liberalism), midig fog (far right), midigta cusub (Neo-conservative), Afkaarta yuhuudinimada xagjirka ah (Zionism), Kuwa ay madax martay Wadaninimadu (Nationalism) ama xarakooyinka kala duwan ee islaamka midd ka uu ka tirsan yahay. Waxa kale oo fiican in aad ogaato, hadii ay suuro-gal tahay, in uu u ololeeyo Ururo calami ah ama dowlada, tusaale ahaan isra’iil oo kale. Hadii qoraagu ka tirsan yahay xarun aqooneed ama mid-cilmibaadhiseed waa in aad ogaato waxa afkaarteedu tahay iyo cida maal-gelisa. Xogtan oo dhan si fudud ayaa loo heli karaa, hadaad si fiican u daba gasho waxaad ka ururin kartaa internetka.
Arimahaa aynu soo xusnay waxay muuqaal fiican kaa siinayaan halka dooda qoraagu ku aroorayso, aasaaska uu ka duulayo iyo fariinta uu isku deyaayo in uu ku soo gaadhsiiyo. Marka aan intaa ku dhaafno barashada Qoraaga, waxaad si guud u eegaysaa xogta uu soo bandhigayo, oo ay tahay in aad dhowr su’aalood iska waydiiso.
Kow, xogtu ma midd qoraagu hindisay oo bilow ah baa mise waa midd uu soo xigtay oo uu dood cusub ku dul-dhisay?. Hadii ay tahay midd cusub oo uu isagu abqaalay, Waa maxay daliilka uu ku saleeyay doodiisu? Tijaabin mise dhugasho-guud (experiment or observation). Su’aasha labaad waxa weeye, majiraan cido kale oo mowduucan wax ka qortay, ama hala ra’yi noqdeen qoraaga ama haka soo horjeedeene?. Su’aasha sadexaadna waxay noqonaysaa maxaa qoraaga ku dhiiri geliyay in uu buugan ama xogtan qoro oo inala wadaago; maal-gelin hore oo lasiiyahay ama macaash danbe oo uu ka rajaynayo wax soo saarkan.
Tallaabada ugu danbaysa, marka aad bilowdo akhriska Qoraalka waxa fiican in aad noqoto akhriye soo jeeda oo hadaf leh (active and purposeful reader), akhris guud oo aad ku ogaanayso qodobada ugu waawayn goraalka ayaa fiican inaad ku bilowdo (skimming and scanning), kadibna akhris degan oo aad ku dhuuxayso nuxurka qoraalka. Intaasi waa isu diyarintii iyo balaysinkii hore, hasayeeshee, marka aad u dhaadhacdo akhriska waxaad u baahan tahay in aad xogta shiisho, kala hufto oo aad naqdido.
1. Sifiican ugu feejignow xayn-daabka qeexitaanada; tusaale ahaan u fiirso weedha ah “Xuriyada fikir-cabirku waa muqadas,” kadib iswaydii waa maxay qeexida ereyga muqadas. Erey-bixino badan ayaa qeexitaano kala duwan yeesha iyadoo la eegayo hadba idealogy-ga cidda ereyga adeegsanaysa. Waxaa haboon in aanu qofku qeexitaankaas iska liqin ee uu u eego in uu qiyamkiisa waafaqsan yahay iyo in kale.
2. Ha ku degdegin in aad aragtiyo kama danbays ah kala soo baxdo oo aad ku qanacdo daliil keli ah, iyadoo aanad mowduuca dhinacyo kale ka eegin. Waxa dhacda in qof hal kitaab ama hal maqaal akhriyo kadib uu moodo in xaqiiqadiiba intaa ku dhantahay. Waxa aqoontu tahay in maskax furan iyo kal-shaki leh (skeptical mind) aad ku akhrido xogta iyo in aanad ku kaaftoomin hal masdar.
3. Hadii aad la tacaamulayso xog-cilmiyeed (scientific research) waxaa kula gudboon in aad kala barato sida ay u kala sareeyaan, u kala miisaan culus yihiin cilmi-baadhisuhu. Sababtu waxay tahay maalin kasta waxaa la maqlaa cilmi-baadhis ayaa sidan sheegtay iyo cilmi-baadhis ayaa sidaa arin cusub daboolka ka qaaday. Laakiin xaqiiqadu waxa weeye aqlabiyada cilmi-baadhisaha warbaahinta ku jiraa waxay ku salaysan yihiin mala’awaal waa Si aad u ogaato kuwa lagu kalsoonaan karo iyo kuwa kale.
4. Afkaarta iyo aragtiyaha bani’aadamka waxay ka dhashaan degaanka iyo duruufaha dadka. Garaadka dadkuna waa shay kakan oo ay adagtahay in fudayd loo fahmo, taas ayaa keenta in aragti deegaan reer galbeed ku dhalatay, duruufo reer galbeedna qaabeeyeen in ay adkaato in lagu dhaqo dad muslim ah oo duruufo u gaar ahna le. Sida darteed dadka isku daya in ay fudayd sadaan min-guurinta Aragtida degelkale ku hanaqaaday, waxay ku dhacaan qalad aqooneed iyo bulsho (social and intellectual mistakes). Afkaarta aad akhridaa xataa hadaad ka mabsuudo, iswaydii qabatimi kartaa deegaankayga iyo duruuftayda.
Qodobadaasi aynu soo sheegnay waxay tusaale yaal u yihiin masalooyinka ay tahay in akhriyuhu garaadkiisa kusoo xaadiriyo marka uu daalacanayo kitaab, cilmi-baadhis iyo wixii la mid ah.
Allaah ayaa mahadleh