Saamaynta Ay Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeisa Ku Yeelan Karto Goobta Loo Asteeyay In Lagu Xuso 18may (WQ:Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine)

18May 1991 waa maalintii ay Somaliland ka go,day Soomaliya inteeda kale, waana maalinta loo aqoonsaday inay tahay maalinta qaranimada Soomaliland.
maalintani waa maalin ay isku soo baxaan bulshada qaybaheeda sida Ardayda,Gancsatadda, Shaqaalaha dawalada iyo Ciidamada.

dadka dabaal dagayaa waxay maraan wadad wadnaha ee magaalada iyagoo salaan siinaya madaxda dawlada oo fadhiya madaxtooyadda horteeda , iyagoo ciidamuna loo tumay heesta Calanka Somaliland ayay maraan maxtooyadda horteeda kadibana ay halkaa salaam ku siiyaan madaxweynaha Somaliland iyo madaxada kale ee halkaas fadhida.
haddaba sanadkani wuxuu sanadadii horre kaga duwanyahay madaxdu waxay fadhiisan jiratay madaxtooyadda horteeda lakiin sannakan waaa loo bineeyay dhisme aad u dheer oo ku horyaala Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta oo dhinaca bari ka saaran cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeisa, iyadoo goobtaa loogu talagalay in fadhiistaan madaxdda qarranka oo uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi halkaas oo loogu talagalay inuu ka khudbeeyo salaanta ciidamada iyo bulshadana uu ku qaato.

haddaba goobtan loo asteeyay inuu fadhiisto Madaxweynuhu waxaa 100m wax kayar u jira goob ay yaalaan dad aan qaadi karin music iyo ciyaar iskaba daaye qofka ugalaya ama haya uu iska bixiyo kabaha si aan loo maqashiin wax sanqadha ah waana goobta layidhaa Goobta Adeega Gaarka Ah Ee Cisbitaalka Guud Ee Hargeisa afka qalaadna lagu yidhaho ICU Intensive Care Unit Of Hargeisa group of hospital.
Goobtan adeega gaarka ee cisbitalka guud Hargeisa waa goob ay yaalan dad aad u jilcsan qqarkood madaxa dhiig kaga furanyahy, qaarkood oxygen ayaa ku xihan halaka qaarkalena ay koomo ku jiraan in kabadan todoba habeen iyagoo aan qaadi karin qaylada , sawaxanka bulshadda, khudbadaha madaxda ama gaardi ciyaarka ciidamadda kala duwan in la tix galiyaa ay mudantahy.

Wabilaahi tawfiiq
W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine