Arinta Itoobiya ee hada taagan (WQ: Caynaan Farah Caynaan)

 

Inta badan marka la eego, dhibbaatooyinka ku soo laalabta niddaamyada Qarada Afrika, waxa horseed u ah ku raagida kursiga dalka u sareeya oo inta uu qabsado nin koox hogaaminayaa u joogo mudo badan si uu isgu leeyahay dalka kalidii.

Waxa aynu u soo joonay, wixii ka dhacay dalal badan oo ku yaala waqooyiga Qarada Afrika, wakhtigu markuu ahaa  2011. Galaftayna nimman baddan oo dalalkaa horjoogayaal ka ahaa, waayo waxa qofku uu Madaxwayne dal noqon karaa waa inta uu joogo ee anay ka dhammaan xilkii ay ummadu u dhiibatay wakhtigiisu, haddii kale sifaha uu ummada ugu talinaayo waa sharci daro.
Ku soo noqo tan ka socota Bariga Afrika, ee ay ka midka yihiin Suudaan iyo Itoobiya oo hada teedu soo cusboonatay, iyadoo la rabbo in la curiyaamiyo niddaamka fur furnaata ee uu horseedka u yahay Raysal Wasaraha Itoobiya Dr. Aby Ahmed.
Marka aynu dib u yara milicsano taariikhda dalka Itoobiya, waxa soo maray kacdoono kala duwanaa tusaale ahaan kii xilka looga tuuray Xayle Salase 1975. Iyo isla kii 1991 xilka looga tuuray Mingiste oo ay talada dalka la wareegen EPRDF ee u hogaanka u hayay Raysal wasaare Malasanawi oo talada dalka hayay tan iyo intii isagu uu geeriyoonaayay.
Waxayse, ku dhisnayd siyaasaidii Malasanawi in qoomiyadaha dalka wada dagaa samystaan nidaam iyaga u gaar ah oo ay dawlada Fadaralkuna kor joogtayso, taasi waa arinta keentay in wax-barashada dalku xoogaysato iyo luuqadaha qoomiyadaha wada daga dalku.
Waxa se, dib u soo cusboonaday dhimashadiisii ka dib, in ay bilaab maan dibad baxyo looga soo horjeedo qofkii isga badalay, wana arinta keentay in uu Raysal wasaare noqdo Dr. Aby Ahmed, waxana sabab u ahaa kacdoonadaa labada qoomiyadood ee ugu tirada badan dalka Itoobiya waa Oromada iyo Axmarada oo iyagu leh luuqada lagaga hadlo nidaamka dawladeed ee Itoobiya waa Amxaradee.
Hadaba sida laga warqo, marka niddaam meel ka baxo sifaduu doonaba haga tago talada dalkee, waxa jira cid niddaamka tagay aaminsan afkaartiisii oo aan si niyada ula dhacsanayn isbadalka yimiday, wana arintii galaafatay madaxwaynihii hore ee Masar Dr. Mahomed Mursi, oo aragti ahaan ay la noqotay inuu isbadal dhab ahi yimiday arintaas oo aan ahayn dhab.
Wana isla arinta, uu wajahayo raysarwasaraha Itoobiya, oo isaga laftiisu qaaday talaabooyin inta badan u muuqaday deg deg, oo ay ka mid ahayeen inuu siida’ayay dhammaan maxabiistii siyaasada u xidhnayd, soo noqoshadii kuwii masaafuriska dalka kaga maqnaa iyo in ay soo xeroodaan dhammaan jabhadihii hubaysnaa ee dalka dagaalka kula jiray.
Maraka dhan laga eego waa hubaal in ay ahayd talaabo uu dhaka horumarka u qaaday, waxay se lahayd halisteeda oo aan layaraysan karin, waayo dal ku dhawaad laba taneeyo sano ku jiray in anay jirin siyaasad fur furan, xoriyatul qawl iyo nidaam dimuquraadiyadeed oo leh axsaab in hal mar ooda laga qadaa ay leedahay dhibkeeda iyo dheefteeda oo anay dadku u bislayn ayaa ah arimaha  cidhiidhiga ku haya raysarwarasaha cusub ee Itoobiyo oo isgu ku dhiiraday arimo aanay kuwii ka horesyay anay barin bulshada.
Waxan se, isleeyahay in qoomiyad kaligeed inqilaab ka dhacaa anay gabi ahaan samayn ku yeelanayn dalka Itoobiya, oo ay joogaan ciidankii Fadaraalku oo aan isleeyahay waxa labaray waxa ay dhab ahaan waddaniyadu tahay oo kuma wayna qoomiyada isagu ama iyadu tahay ee waxa la wayn Itoobiyaannimada oo asal u ah, wana arinta ay Soomalida kaga duwan yihiin, ee saldhiga u noqotay in ay ka badbadaan intaas oo dhacdo oo soomartay.
Ugu danbayn, marka la eego sida ay hada wax u socdaan, haddii aanu raysalwasaruhu qaadin talabooyin wax ku oola waxa sii socondona arimaha hada jira oo u baahan in loo wajaho si ay daganaashiyo ku jiraan.
Itoobiya oo inta ay hada jireen dibad baxyadii u talada dalka ku yimid raysarwasare Dr. Aby Ahmed, waxaa barakacay ku dhawaad dad gadhaya 2.4 milyan, waxana batay isku dhacyada qoomiyadaha wada daga Itoobiya oo u baahan in xal loo helo iyo iyadoo ay dalka ku soo dhawyihiin doorashooyin dhinacyada mucaaradku ku baqayaan in xiligooda anay dhaafin.
Dalka Itoobiya waxa uu xuduud la leeyahay ku dhawaad tobba dal, wana dal tirada dadkiisu ku dhawdahay 100 milyan, dhaqaalihiisuna uu kobcaayo, markaa xisilooni daradiisu dan uma aha qoomiyadaha Itoobiya iyo dalalka jaarka la’ahba, waxay se arintu u eegtahay mid daganaasho ku dhammandoonta iyo talaaboyinka uu qaado niddaamka hada talada dalka hayaa.
Qore: Caynaan Farah Caynaan.