Quraanka Kariimka ah yaa loo soo dejiyay? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Waxaad arkaysaa dad muslim ah oo aad uga soo horjeeda in gaalada kitaabka quraanka ah la siiyo. Iyaga oo leh dhul gaalo lama gayn karo, gaal lama siinaayo, maxaayeelay waa nijaas iwm.

Arinkaas ayaa iga fajiciyay waxa loogu diidayo ninka gaalka ah kitaabka quraanka.  Hadaba waxa is waydiin leh kitaabku ma dadka muslimka ah ayuun buu gaar ku yahay mise gaal iyo muslim wuu ka dhexeeyaa, maxaase illaahay kitaabkan u soo dajiyay nabigana u soo diray ayaa is waydiinleh.

Sheikh  ayaa yidhi laba caruura ah ayaad leedahay mid waa yara qalqaali agtaada ayuu joogaa midna jar ayuu ka sii dhacyaa, kee ayaad labada badbaadin, dee ka jarka ka sii dhacaya , waa ka gaalka ah, kan qal qaaliga ihi waa muslimka caasiga ah.

Hadii aynu taariikhda dib ugu noqono, illaahay Rasuul  ma soo diro, illaa ay dadku gaalnimo u ban baxaan, markaas ayuu rasuul illaahay u soo diraa si dadka xaqa loogu soo dabaalo. Sida aynu taariikhda ku hayno Illahay dad muslim ah rasuul uma soo diro, maxaa loogu soo diri waaba muslim eh.  Markaa halkaa waxa ka cad in quraanka kariimka ah loo soo dejiyay gaalada sidii muslim looga dhigi lahaa, maaha siday muslimku muslim usii noqon lahaayeen.

Hadab Kuwan ka illaalinaya kitaabka illaahay Gaalka, Rasuulkeena scw markii la soo diray caalamka ma waxa ku noolaa muslim, waa maya, dadku wada gaalo ayay ahaayeen, markaa marka uu rasuulkeenu scw la hadlaayo gaalada quraan uun buu ku akhriyi jiray falsafad kumuu akhriyi jirin.

Bal  tusaale ahaan hadii illaahay buug ahaan quraanka ugu keeni lahaa Rasuulka scw muxuu samayn lahaaa, isaga uun buu u dhiibi lahaa oo uu odhan lahaa akhriso, waayo illaahay ayaa qancinaaya qofkan gaalka ah adigu qancin maysid.

Sheekh islamay oo markii hore kiristan ahaa, ayaa yidhi wadaadada kiristanku  waxay na odhan jireen ha akhriyina kitaabka quraanka ah, maxay ugu diidayeen dee kitaabku wuu qancinayaa, bal ka waran adiguna hadii kitaabkii illaahay aad u diido kii loo soo dajiyay ka waran ee u baahnaa.

Aniga aragtidayda gaalka iyo muslimka waxa baahi xoogleh u qaba  kitaabka quraanka ah gaalka, waayo illaahay quraankaba iyo nabigaba scw gaalka ayuu u soo diray sidii muslim looga dhigi lahaa.

Markaa hadal iyo guntii waxaa halkaa ka cad quraanka gaalka ayaa loo soo dejiyay sidii muslim uu u noqon lahaa.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com