Safiirku waa hawl-wadeenka dublamaasiyadeed ee ugu sareeya safaaradda u dal ku leeyahay dal kale oo madax bannaan, wuxuu maamulaa dhul gaar ah oo ay ka dhex shaqeeyaan dad kala duwan.
Safiirku wuxuu leeyahay magacyo kala duwan oo wadamadu adeegsadaan laakiin inta badan waxa caan ah magaca safiir. Sida lagu sheegay heshiiskii lagu sexeexay magaalada Viena ee loo yaqaanay Vienna Convention on Diplomatic Relations, safiirku wuxuu leeyahay xasaanad dublamaasiyadeed (Diplomat Immunity).
Haddaba markii islaamka waagiisu dilaacay, Nebigeenu (NNKHA) wuxuu billaabay in uu dad safiiro ah u kala diro meelo kala duwan oo ka mid ha jasiirada iyo magaalooyinka Carabta. Sida ay culimda taariikhdu sheegaan waxay safiiraiisu ku kala salaysnayeen laba qaybood oo kala ahaa Waqtigi Makka iyo Waqtigii Madiina.
Xilligii Magaalada Makka
Markii ay soo korodhay tirada dadkii islaamka qaadanayey, waxa cirka isku shareeray cadaadiskii madaxda reer Qureysheed ku hayeen Nebiga NNKHA iyo dadkii musmiinta ahaa, Rasuulkuna wuxuu asxaabta u sheegay inay u baxsadaan dhulka xabshida oo uu ku tilmaamay inuu joogo boqor aad u fiican oo aan dulmiga ogolaan.
Qofkii ugu horeeyey ee hor kaca wefdiga wuxu ahaa Jafar Binu Abii Daalib oo ahaa nin geesi ah, oo ku dhac leh, dadka kala yaqaan, dhaqanka yaqaan, aftahan ah, fahmi kara goโaanada meesha ka dhacaya iyo wixii la mid ah, Jacfar wuxuu soo xidhay cilaaqaadkii siyaasadeed, dhaqaale iyo dublamaasiyadeed ee ka dhexeeyey guud ahaan Carabta gaar ahaanna Nebiga iyo Asxaabtiisa iyo dalka Itoobiya.
Safiirka labaad wuxuu ahaa nin aad u awood badan oo la odhan jirey Muscab Ibnu Cumayr RC oo safiir loogu direy magaalada Madiina oo waqtigaas xaalkeeda siyaasadeed amma ammaan aan cago badan ku taagneyn, sida ku cad taariikhda wuxuu isku geeyey oo u heshiisiiyey dad dagaalo kala irdheeyeen.
Lasoco…