Magacyada 11kii Mujaahid ee hawl-galka Miiska Saraakiisha Hargeysa fuliyay 11kii Abril 1983kii (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Magacyada 11kii Mujaahid ee hawl-galka Miiska Saraakiisha Hargeysa fuliyay 11kii Abril 1983kii waxay kala yihiin:

1. Ibraahin Ismaaciil Maxamed (Koodbuur): oo ahaa Ilaahay haโ€™u naxariistee hoggaamiyihii hawl-galka. Ibraahin Koodbuur, wuxuu ku geeriyooday markii dambe magaalada Rabaso oo ka tirsan Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1987kii, waxaana la sheegay inuu u dhintay xanuunka jooniska.

2. Cabdisalaan Turki: wuxuu ahaa Mujaahidkii la socday Cabdillaahi Askar markii hore ee ay Hargeysa soo wada-galeen, hawl-galkana ay ku wada-jireen. Cabdisalaan Turki, wuxuu hadda ku nool yahay dalka Ingiriiska.

3. Biixi Xaaji Xasan Cilmi: Ilaahay haโ€™u naxariistoโ€™e isagu wuxuu ku dhintay Miiskii Saraakiisha, intii hawl-galku socday maalintaa 11kiiAbril, 1983kii. Waxa afaafka miiska saraakiisha looga dhisay taallo xus iyo xasuus ah.

4. Siciid Axmed Maxamed (Siciid Axmed-Dhigane): Alle haโ€™u naxariistoโ€™e waxa isna la dilay intii hawl-galku ka socday Miiska Saraakiisha. Waxaana lagu aasay Xarshin.

5. Maxamed Xuseen Geeddi (Kur-libaax): Ilaahay haโ€™u naxariistoโ€™e wuxuu ku dhintay magaalada Berbera sannadkii 1991kii.

6. Axmed Xuseen Warsame (Malloosh): Ilaahay haโ€™u naxariistee wuxuu ku geeriyooday magaalada Hargeysa 21kii, Jeneweri 2002da.

7. Saleebaan Siciid (Saleebaan yare): Ilaahay haโ€™u naxariistoโ€™e wuxuu geeriyooday Juun 1988kii.

8. Aadan Maal Caqli: wuxuu isagu ka mid yahay xubnaha weli nool, waxaanu ku nool yahay magaalada Hargeysa. Eebbe kaska iyo karaamadaba ha u kordhiyo.

9. Ibraahin Maxamed Carab: waxa uu dhintay 1998kii. Waa ninka labaad ee xidhnaa dirayska ciidanka maalinta hawlgalku dhacayo ee ridaya xabbadda kowaad.

10. Siciid Cabdi Yaasiin: waxa uu ahaa dirawalkii gaadhiga waday. Waxa uu ahaa nin calool-adag, walaw uu dhaawac qabay waxa la ogaaday markii laga tallaabay soohdinta. 1998kii ayuu geeriyooday iyo

11. Cabdiraxmaan Ciid Faarax: waxa uu ku nool yahay magaalada Caynabo ee Gobolka Saraar, waxa uu 2017kii sheegay in uu ahaa ku-xigeenkii Ibraahin Koodbuur uga hooseeyay hagista hawlgalka Badjeex. Waxa uu qaabbilsanaa albaabka galbeed.

Xigasho: Qoraallo ay sameeyeen Saleebaan Yuusuf Dhakhtar iyo Boobe Yuusuf Ducaale ayaan magacyadan ka helay…

Haddii aad aragtaan magacyo qaldan ama kuwo maqan, waad i toosin kartaan…