Dumarku maaha aalad lagu raaxaysto, ragguna maaha ATM la isticmaalo.
Qof kasta oo dhalinyaro, kuna jira xilliga haasaawaha, waxa uu sameeyaa xidhiidho badan, isaga oo la samaynaaya jinsiga kale ee ka duwan, maadaamaa aynu dad Islaam ah nahay oo aanay dalkeenna ka dhicin laba qof oo isku jinsi ahi in ay is shukaansadaan, wax wadaagaan ama xidhiidh saaxiibtinnimo, walaalnimo iyo ehelnimo ka baxsani dhex maro.
Waxaynu soo marnay xilliyo kala duwan marka aynu ka eegayno dhanka wada sheekaysiga, waxaanad moodaa in maalin ba maalinta ka dambaysa uu sii fool xumaanaayo haasaawihi. Wakhti xaadir kan, waxaa jira dano faro badan oo lagu dhex qariyo haasaawaha ama doonista.
Habluhu danta keliya ee ay ku galaan Ragga, waa “hanti” taasi oo qoysas faro badan burburisay, maadaamaa dhidibka loo taagay guri dusha ka qurux badan balse hoosta ka fool-xun oo bilaa jacayl ah. Lacagtu ma abuurto jacayl, sababtoo haddii lacagtu dhammaato ma sii jiro gurigaasi. Gabadhuhu iyaga oo u baahan jacayl, farxad, kaftan, wada sheekaysi iyo qosol ayay haddana mararka qaar ka doorbidaan lacagta, si ay uga soo toosto guri qurux badan, qayr kood na ugu faanaan dhaqaalaha.
Dhan kale ee ragga, ayaa iyagana waxaa jira qaar danaystayaal ah, oo haween ka luggooya. Iyagu haween ka lacag kuma raacaan intooda badani, balse keliya waxay ku tijaabiyaan arrimo kale oo xasaasi ah kuwaasi oo inanta mustaqbalkeedii meel ka dhac ku ah. Kuwo faro badan ayaa hablaha u barta kaliya si ugu raaxaystaan, iyaga oo u sheegaaya in ay jecel yihiin, markay dantooda ka gaadhaanna isaga taga oo aan ku soo noqon.
Sida oo kale baraha bulshadu ku wada xidhiidho, ayaa dhib badan keenay muddooyinkii u dambeeyey, taasi oo ah, in kamarad la isaga kaa soo waco, xataa qofka oon ku garanayn, wuxuuna kugu bilaabayaa hadallo dhan aad u qaadaba aanad garanayn, waad qurux badnaatay, af wacan baa kugu yaal iwm, qaar ka mid ah dhalinyarada tagtay, ee aan xataa ka xishoon in la ogaado waxay samaynayaan, ayaa muuqaallo isaga soo dira hablaha, muuqaalkaas oo ay uga dan leeyihiin in ay dareen ka gabadha ku cariyaan.
Kuwa, sidaas u dhaqmaa waa kuwa u haysta in nolosha oo dhami tahay raaxo ama in laysku galmoodo, hablahana arxan uma galaan, ee xataa way ka sheekeeyaan markay dantooda ka gaadhaan. Badanaa oo badanaa, hablaha la kulma mashaakilaad kaas iyo kuwa sameeyaaba.
Haddii ba ay waxaasi oo dhami jiraan, sidee ayay suuro gal u tahay in looga badbaado? Dabcan waynu ka badbaadi karnaa, sababtoo ah dhalinyarta oo dhammi maaha danaystayaal, ee waxaa jira kuwa daacad ah oo ka madhan dhaqamada noocaasi ah. Lacalla haddii aad hesho qof aan dan kugu raacin balse kaliya u baahan jacaylkaaga, adna aad u baahan tahay jacaylkiisa, ayaa iyana kaa rabta in aad u barato si qoto-dheer dabeecadaha rasmiga ah ee qofkan, wuxuu neceb yahay iyo wuxuu jecel yahay ba.
Iyada oo ay hadda adag tahay in qof cusub la barto, oo aanad ogayn wax kaaga soo bixi kara ayaa ah mid u baahan wakhti iyo dedaal. Xidhiidhka ayaa sidiisa ba ah waxbarasho aad hadda bilaabayso, balse aanad ogayn in aad ka qalin jabin doontid iyo in kale. Qof walba waxaa jira qof uu dabeecadihiisa iyo hab-dhaqankiisa bartay oo uu kalsooni buuxda ka qabo. Waxaan leeyahay dadkaas idinkaa ugu nasiib badan ee ilaashada kuwaa aad barateen.
Gun iyo gabo-gabadii waxaa inala gudboon in aynu aad uga fiirsanno, qofka aynu ka rabno nolol mustaqbal iyo guur sida oo kale na aynu ku aaminayno nafaheenna.
Waad mahadsan tihiin, haddaad ka heshay lasii wadaag asxaabtaada kale.
Kaaba