Habluhu Maxay Ragga ku Raacaan? (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Waa qoraal kooban oo aan ugu tallogalay dhallinyarad ku jirta da’da haasaawaha. Una dhaw inay mustaqbalka guri dhistaan.  Gabadh kasta waxa ay xaq u leedahay inay doorato ninka  ay doonto. Waana shay caddaalada ka fog in lagu khasbo cid aanay rabin. Habluhu waxa ay soo maraan heerar kale duwan, marka laga eego xagga da’da. Inta u dhexayso 15 jir ilaa 20 jirka, habluhu intooda badan raggu waa isugu mid. Waana xilliga ay gabadha ku adag tahay habka xulashadu ama sheeko wadaaga ninka ay mustaqbalka la wadaagayso. Waxayna u baahan tahay in si joogta ah tallooyin la siiyo, si ayna ugu dhicin booraan.

Laakiin marka la gaadho 20 iyo wixii ka weyn waxa ay fikrad buuxda ka haystaa habka ay u xulan lahayd ninkii ay nolasheeda ku aamini lahayd. Gabadhu waa inay ka feejignaataa  khiyaamooyinka ay kula kacaan ragga qarkii. Iyagoo isticmaalaya erayo ama hadalo macaan oo aan dhaafsanayn afka baarkiisa. Waa inay iska shaandhayso, ballanqaadyada ay soo qadimaan raggu, iyagoo doonaya inay fushadaan ujeedooyin qarsoon. Waa inay noqotaa gabadh fiiro badan oo aan si fudud aan loo duufsan Karin. Sidoo kalena aan keenayn jewi ay raggu ka cararaan, oo guur la’aan aan u horseedi Karin.

 Hadallada macaan ee soo jiita dumarka.

= Markaan ku arko ayaan farxad kala qaboobaa.

= Muxuu ilaahay kugu manaystay qurux, caqli iyo garasho.

= Ma qof la iloobi karo ayaad tahay.

=Mar kasta xusuustayda kama baxdid

= Waxaad tahay gabadh dhamaystiran, dhinac kasta.

Markay gabadhu maqasho erayadaa ama qaar u dhigma way ku raaxaysanysaa, ka dibna waxa ay gabadhii ku beermaya jacyl xaddhaaf ah. Waayo ammaantu waa ta ugu saameynta badan ee dumarka lagu soo jiito, waa tii hore loo yidhi” Dumar nin ammaanaa leh”.

Waxyaabaha habluhu ku raacaan ragga.

1)      Lacag

2)      Aqoon: Diin iyo Maaddi.

3)      Qurux

4)      Aftahnimo

5)      Madaxnimo

6)      Dabeecad wanaagsan

 Calaamadaha dumarka wax jecel.

= Waxaynu soo qaadan doonaa calaamadaha ugu caansan.

= Waxa ay la soo baxaysaa xishood aad u badan

= Waxa ay jeceshahay inay mar kasta kula joogto

= Waxaad ku arkaysaa shaki badan oo ay kaaga shakiyayso inay gabadh kale kaa qaado. Laakiin shakigaasi maaha kii xumaanta ahaa, ee waa jacyl xadkiisii dhaafay.

= Is qurxin xad dhaaf ah, oo ay ninka ku soo jiidanayso.

= Waxa ay ku halmaantaa magaciisa, markay sheekaynayso.

= Waxa ay la soo baxaysaa inay markasta furto Whatsupp-kiisa, si ay u maqasho hadalkiisa

Maxay dumarku qiimeeyaan?

1)      Jacylka.

2)      Quruxda.

3)      Heesaha (kuwa dareenkooda khuseeya).

4)      Xafladdaha.

5)      Labiska ( dhar xidhashada).

Noocyada dumarka ee raggu neceb yahay.

= Gabadha carrabka dheer, ee meelkasta hadal iyo doodd la taagan.

= Gabadha ninkeeda meel kasta ku cidhiidhada, ee ka garab hadasha. Marna aan tigalin hadalkiisa.

= Gabadha doonta inay ninkeeda ka sarrayso ama u taliso. Wax kastuu soo jeediyo ku gacansaydha.

= Gabadha ninka reerkiisa iyo saaxiibadii ka caydhisa gurigeeda.

= Gabadha markasta ninkeeda ka codsata lacag dheeraad ah, oo ka baxsan tan gurigeed ku filan.

Waxyaabaha dumarka lagaga farxiyo.

= In la ammaano.

=In loo keeno hadyado kala duwan.

= In goor kasta loo muujiyo in la jecel yahay.

= In markay hadlayso, loo dhago nuglaado.

= In la caawiyo markay hawl hayso.

= In laga ilaaliyo hadalada  qallafsan.

= In loo muujiyo ixtiraam badan.

= In loo garaabo sax ama khalad

=In loo sameeyo wax wada iibsi (shopping)

Noocyada dumarka ee raggu jecel yahay.

= Gabadha furfuran, ee inta badan aan qaylo iyo hadalo xun ragga ku odhan.

=Gabadha mar kasta is qurxisa. Gurigeedana  qurxisa.

=Gabadha tallada ninkeeda uga dambaysa.

=Gabadha ninkeeda aaminta, wuxuu u sheego maqasha.

=Gabadha dhawrta ninka ehelkiisa iyo saaxiibadii.

 Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com