Jacaylkii badda soo jiidhay, Q.1aad (WQ: Xasan-Nuur Xaaji Cabdi)

Bilan iyo Xamse waxay ahaayeen laba dhalinyaro ah oo ku nool Hargeisa, is barashada iyo xidhiidhkoodu wxuu ka soo bilaabmay ilaa iyo dugsigii dhexe ee Sheekh Bashir , inkastoo dugsigii sare ay kala galeen laba iskuul oo kala duwan laakiin waxay mar labaad iskugu yimaadeen jaamacadda Hargeisa. Waxay ahaayeen laba qof oo dareen jaceyl wadaagay kuna heshiiyey in ay qoys iyo nolol wada dhistaan.

Lamaanahan is jecel sidii ay uga qalin jabiyeen jaamcadii weli wax shaqo ah midkoodna ma helin, waqtigooda inta ugu badan waxay galiyaan sidii ay mar uun shaqo u heli lahaayeen.

Muddo marku xaalku sidaa ahaa ayaa waxaa soo dagay oo qurbaha ka yimi nin la yidhaahdo Faarax gardiid, wuxuu ku so dagay aqal ku naban aqalkii Bilan, waxa ku nool aqalka waalidkii iyo walaaladii, markiiba imaatankiisa waxa dareemay jaarka , baabuur badan oo u imanaysay faarax ayaa keenay in sanqadha ku badato xaafadda , Faarax waa qurba jooge doob ah oo u yimi guur , beeso iyo baasaboor casna wuu sitaa.

Maalmo marku joogay sahankii guurka faarax wuxuu so qabtay Bilan oo ay jaar yihiin, Faarax waalidkii baa amaan badan ka bixiyey Bilan, maadaama ay aqoon u lahaayeen tan iyo waagii ay yareyd . Si fudud oo khiyaano ku jirto ayaa waxa isku bartay Bilan Iyo Faarax, la wada hadal xoogaa inyar oo kaftan ahna la isku tuur tuur , luqadda oo ku yara adag Faarax iyo sheekada oo ah nooc ku cusub Bilan ayaa sababtay in ay xiiseyso hadalkiisa.
Wuxuu so kireystay Toyota Land Cruiser v8, waxay ku tamashleeyaan goobaha qurba joogta ku badan tahay ee magaalada Hargeisa oo aanay Bilan hore u tagin, sheekadooda waxay u badan tahay dalkii uu ka yimi iyo is badalka nololeed ee u dhaxeeya somaliland iyo Scandnavienka.

Xamse oo ay hebeen dhaaf u kulmi jireen Bilan ayaa dareemay inay wax is badaleen, xitaa hadii ay kulmaan Bilan waqti ku filan ma wada joogaan, Bilan shaki kuma jiro inay jeceshahay Xamse laakiin waxa jira cadaadis badan oo kaga imanaya dhinacyo kala duwan , duruuf dhaqaale , shaqo la’aan iyada iyo xamse ba haysata, sheeko alif wa leyl ah oo muddo dheer ay ku so jireen iyada iyo xamse, dhan ka kale Bilan waalidkeed iyo asxaabteeda qaar ka mid ah waxay u soo jeediyeen inay aqbasho guurka Faarax, isku so duub Bilan waxay go’aan ku gaadhay oo ay nafta ku qancisay inay qaadato fursadda dhoof ee ku xidhan guurka Faarax.

Xamse wuu ku gacan seydhay go’aanka Bilan, si weyn iyo si yar ba wuu ula hadlay Bilan , la garnaqsay Bilan waxay tidhi waa xaqiiq inaynu is jecel nahay labdeena laakiin duruuf weyn baa ina kala kaxeysay hadalka waalidkeyna ma diidi karo, walal iska samir, hadii aynu calaf isku leenahay mar uun baynu kulmi doona.

Hotel ka mid ah kuwa Hargeisa ku yaala Waxaa meherkoodu ka dhacay Bilan iyo Faarax sidaana waxay ku noqdeen qoys lamaane ah.

Maalin maalmaha ka mid ah waxa si kedis ah meel ugu kulmay Faarax iyo Xamse, hadal cod sare leh ayuu Xamse kula hadlayay Faarax kuye ” walaahi Baasaboor iyo lacag xun qalbiga Bilan ku heli maysid xitaa hadaad guursatay”
Bilan iyo faarax waxay isku raacayaan dalka Uganda si waraaqihii dhoofka Bilan looga xareeyo safaaradda Sweden ay ku taala Kampala .

Rag talo kama dhamaato Xamse camal la’aantii haysay waxa ugu darsantay boholyoow iyo xiise calool xanuun leh oo uu u qaaday Bilan, Xamse joog iyo jiif ba wu diiday aakhirkii wuxuu goaan ku gaadhay inuu so taabto oo uu xagahiisa ku tago Yurub tan baas ee lagaga so duulay jaceylkiisii, wuxu ku qanciyey naftiisa sidan. Nafyahay ama Badda ku qaadatay ama Bilan heshay.

Bilan oo Hargeisa kasii maqan muddo afar bilood ah ayuu Xamsana ka tahriibay oo ka tagay magaaladda Hargeisa. Wuxuu lug iyo gaadhi ku qardo jeexay magaalooyinka Djibouti, Asmara, Kasala , qadaaruf, Khartoum, Undurman, Kufra, Tripoli iyo magaalada Siliton oo uu doon ka raacay badda Mediterranean ka ayu ka gudbay ilaaa koonfurta Talyaaniga Sicilia, Ragusa iyo Messina. Nasiib wanaag muddo gaaban oo 10 bilood ah buu ku soo gaadhay dalka Talyaaniga.

Naf jaceyl hayaa ma hargasho, nin maqiiqan oo meeli u cadahay bu ahaa isagoo aan nasan ayuu isku sii qaaday tareemada u baqoola galbeedka ilaa woqooyiga Yurub, meesha kaliya ee qalbigiisa ka guuxeysa waa Sweden, intuu soo socday wuxu ku duceysanayay mar uun in uu cagahiisa saaro dalka Sweden. Hadal badan waxba ma taree Xamse wuxuu soo galay magaaladda Malmo ee Sweden, Bilan qudheeda muddo yar oo toddoba bilood ah bay joogtaa Sweden waxay ku nool yihin iyada iyo saygeeda galbeedka Sweden.

Lasoco qeybta labaad ee ugu xiisaha badan kulanka Xamse iyo Bilan.