Sidee ayay dunidu uga falcelisay go’aanka Maraykanku ka gaadhay Quddus

Go’aanka  uu Madaxweynaha Maraykanku ku ansixiyey Quddus in ay  tahay magaalo-madaxda Maraykanka ayaa soo  jiitay cambaarayn ka timid madax badan oo dunida ah.

In badan oo ka mid ah madaxda Yurub oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Faransiiska Emanuel Marcon, Ra’iisal-Wasaaraha Ingiriiska Teressa May iyo waddamada Carbeed ama muslimka ah sida Sucuudiga, Qadar, Masar, Joordan, Iiraan, Turki, Tuuniisiya, Baxrayn ayaa dhammaantood cambaarayn kulul dusha u saaray xukuumadda Yuhuudda.

Madaxweyne Trump iyo la-taliyeyaashiisa ayaa u muuqda in ay dhagaha ka furaysteen digniinihii dunida uga imanayey.

Khuburrada daraasaysa amniga Bariga Dhexe ayaa tibaaxaysa in go’aanka Trump uu ka dhigan yahay dhimashada nabadda Bariga Dhexe.

Warbaahinta Maraykanka ayaa iyaguna faallooyin ka qoray in Trump ballan-qaadyadii uu sameeyey wakhtigii ololaha uu fulintooda ka door biday babadda guud ee gobolka Bariga Dhexe.

Bandhige@gmail.com