Khiyaanada/Wax isdaba marin “Fraud” (WQ: Abdirisak Abadir)

Hordhac

Dhibaatooyinka haysta waddana dunida saddexaad loogu yeedho oo ay ka mid yihiin waddana ku kala yaala qaarada Afrika, Aasiya, Yurub ( Yurubta bari) iyo laatin America waxaa ka mid ah wax afka qalaad loogu yaqaano Fraud ( Khiyaano/wax-isdabamarin). Khiyaanadu/wax-isdabamarintu (The fraud) waxay dhibaato badan ku haysaa waddanada aan soo sheegay iyo kuwo loogu yeedho dunida koobaadba walaw dhibtu ku kala culustahay.

Afeef; Ereyga Fraud waxaan u waayay eray Af-Soomali ah oo u dhigma hadii aad igu dhaanto fadlan ila soo wadaag, qormadanse wuxuu ugu jiraa Khiyaano/wax-isda bamarin.

Maxay tahay sababta shaqaaluhu khiyaano/wax isdaba marin u sameeyaan?

Waxaa hubaal ah  shaqaalaha intooda badani inay yihiin dad daacad ah isla markaana aanad ka filayn in ay xafiiska ay u shaqeeyaan wax ka xadi karaan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhacda in shaqaalaha daacada ahi wax xadaan hadii ay la kulmaan dhibaatooyin dhaqaale ama fursad ay wax ku xadi karaan.  Shaqaaluhu waa bani’aadam, hadii loo abuuro jawi uu wax ku xadi karo waa kii xatooyo sameeya si kasta oo uu daacad u yahay. Waxa aan kaga hadli doona qormooyinka danbe sababaha kala duwan ee   shaqaaluhu ugu kaco khiyaano/wax isdaba marin.

Inta aynaan gudo galin qormadan oo hordhac u ah qormooyin koobkooban oo ka hadlaya Khiyaanada/wax-isdabamarinta (The Fraud) ayna isla eegno qeexista erayga Fraud (the definition of Fraud). Qaamuska loo yaqaano qaamuska sharciga madow ( Black’s Law Dictionary ) wuxuu leeyahay Khiyaanadu/wax-isdabamarintu ( Fraud) waa “ ogaanshaha ka been abuurista xaqiiqda “  a knowing misrepresentation of the truth”. Khiyaanadu/wax-isdabamarintu waa dambi guud oo ku lugleh khiyaamo qof si faa’iido lacageed looga helo. Khiyaanadu/wax-isdaba marintu waa isku daykasta oo lagu khiyaamayo qof si lacag faa’iido looga helo iyada oo qof ku ogsoon in uu been sheegayo .

Ururka Baadhayaasha Khiyaanadu/wax-isdaba marintu (Association of Certified Fraud Examiners) ee xaruntiisu ku taalo dalka Maraykanka waxa uu u kala qaybiyey Khiyaanada/wax-isdaba marinta (Fraud ) saddex qaybood oo kala ah 1) Musuq-maasuq ( Corruption); 2) Hanti Been Abuur ah ( Asset Misrepresentation) ; 3) Been Abuurka Xisaabta maaliyadeed ( Financial Statement fraud).  Mid kasta oo saddexdan ka mid ahi waxa uu u sii kala baxaa dhawr qaybood balse aynu is dultaagno nooca koobad intuu u kala baxo.

Musuqmaasuq (corruption)

Dadka intooda badan erayga musuqmaasuq waxa ay isticmaalaan marka qof laaluush qaato  balse musuqmaasuqu wuu ka balaadhan yahay wuxuuna u kala baxaa afar qaybood oo kala ah

a) Laaluush (Bribery);

b) iskahorimaadka danaha (conflict of interest);

c) Bakhshiish sharci daro ah (illegal gratuities);

d) Baad (Economic extortion)

 

Lasoco qaybaha danbe…….