Kowda Luulyo waxa haboon in taariikhda laga saaro (WQ: Rashiid Odowaa)

 

“Ma bishii dhabcaalkiyo

Dhaar jiidhka fulayga ah

Dharaar maalka tuugga ah

Nin gumaysi dhaansado

Taladii u dhiibtaa

Ma bishaan u dhacartee

U kal tiriyay dhaaxee

Dhiilkeeda Tolayee

Ceeryaamo dhacantiyo

Dhedo lagu hungoobiyo

Dhalanteedka beenta ah

Dhibicdeedu Noqottee

Dhicisee is nuugtee

Waxba dhiiqi waydaa “………….. maansadii “jiittama” Hadraawi 1984

Maxaa faa’iido laga gaadhy 59 sanadood ka dib 1960kii midowgii ay isku darsameen labadii waddan ee British Somalilnd protectorate iyo Italian Somalia territory,runta haddii halkeeda loogu tago hadday Qolada Reer Somalia ay maanta u dabaal degaan xilligii uu talyaanigu ka kacay,waa arrin macquul ah,haddiise ay u dabaal degayaan Somaliland iyo Somalia ayaa midoobay waa hal bacaad lagu lisay,ninka u riyaaqsan barigaas 1960 ayaa labada waddan isku darsameen oo faaiido iyo wax loo dabaal dego ayaa ka dhashay,doodda noocaas qabtaa waa dood jilicsan oo daciif ah waxana loo yaqaan “Inductive argument”

Sababtu waxay tahay Dadku haddii uu waddo maro oo khasaare kala kulmo,ama ay ku soo oodanto waxa la raadiyaa jid kale oo kaa ka duwan,haddii la hayo midhihii ka dhashay oo Burbur iyo dhib ah maxaa loogu hunguroon haddana luggooyo kale.

Somalilnd doodda ay wadato uguna macquul san waxay odhanaysaa”Midnimadii hore waannu khasaarnay,sidaas darteed Midnimo kale oo wakhti ku lumo ma rabno” waa dood adag oo macquul ah haddii qofkun ku yidhaah jikaas khsaare ayaan kala kulmay mar danbena mari mayo maxaa lagu qancin karaa?doodda noocan ah waxa loo yaqaan dood adag “Deductive argument”

Haddii aynu ta Somaliland halkaas iskaba dhigno Reer Somalia maxay ka faa’iideen,Midowgii laba dhinac Somaliland iyo Somalia ee 1960kii,ma horumar ayay ku gaadheen mise dushooda ayay ka muuqattaa khasaarihii ay cagaha la galeen,Somalidu waxay tidhaa “war dhafoor ayuu ku yaallaa” malaha haddii ay horumar ka gaadheen maanta Ciidamo shisheeye may ilaaliyeen xarumahooda iyo madaxtooyadooda.

Haddii ay reer Somalia doodoodu tahay ‘Midnimadii hore waa lagu khasaaray,lkn imikana haddana waxanu doonaynaa in mar labaad la midoobo,waxa laga yaabaa in marka la midoobo Horumar la gaadho” doodda noocan ahi waa dood la arko ta ugu liidatta.

Waxay la mid tahay qof yidhi oo kale “digaaggu wuxuu ka mid yahay shinbiraha, maadama uu leeyahay baalal,shinbiruhuna way duulaan sidaas darteed digaagguna inuu duulo waa laga yaabaa”doodda noocan ah waxa lagu tilmaamaa dood jilicsan “Inductive argument”  sababtu waa maxay iyadoo dhibtii ama runtii meesha taallo haddii qofku indhaha ka meer meeriyo waa wax lala yaabo.

Anigu waxan soo jeedin lahaa reer Somalia waa inay Samaystaan jiho cusub oo dadkooda u jiheeyaan,runtana isu sheegaan oo ay ka shqeeyan siday dalkooda nabad uga dhalin lahaayeen isla markaana u dhisan lahaayeen.

Maalinta kowda luulyo waa inay ku xusaan maalintuu talyaanigu ka tagay ee ay xornimo heleen lkn hadday is raac u dabaal degayaan,maalin madow ka soo qaad waana qar iska xoornimo uun.waayo Somaliland iyo Somalia midkoodna faa’iido kuma hayo israacii 1960kii,is raaciina wuxu ahaa deg deg iyo caadifad,shanta Somaliyedna wax jira may ahayn waxay ahayd fikrad faasid ah waayo laguma hayo taariikhda wax la odhan jiray Dowlad Somalia ah oo shan ka koobnayd oo xuduud iyo calan lahayd,waxay ahayd Riyo,riyadiina been ayay noqotay.

 

Rashiid Odowaa M.A DIPLOMACY AND  IR

Kahadarsalaan@gmail.com

063-4101213