Kuwa maanta talada haya iyo kuwa raba in ay bedelaan waa dameer iyo labadiisii daan (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Adduunyada ku nool hanaanka is qiimeynta iyo isla xisaabtanku, waxay caado iyo dhaqan ka dhigteen in marka ay ciddii ku guuldaraysto in shaqaddii loo igmaday ay sideeddii uga soo bixi weydo, ay goaansato inay iskaga hadho siyaasadda iyo hogaamintaba, iyadoo si cad mujtamaceeda uga sharaxaysa sababta ay go;aanka noocan ah u qaadatay, oo ah inay ku fashilantay gudashada waajibaadkii loo igmaday, si ay fursad u siiso cid iyada uga haboon oo shaqada u gudan karta sidii loogu talo galay.

Taas cakiskeeda, inaga waxaa inoo dhaqan noqotay in mid kastoo guuldaraystaa uu weligii soo taagnaado, isagoo u diyaara in loo dhiibo amaano kale oo uu qaribo, oo aanay cidina kula xisaabtamin, waxaan isleeyahay mujyamac ahaan ayaynu qaribanahay, waayo, haddii mujtamacu uu yahay dad wanaagsan, kama soo dhex baxeen hogaamiyaal intijaah dhow oo muqaribiin ah oo weligood hortaagnada, bal u fiirso, Akhriste, Shalay kuwii UDUB ahaa ee ay udub ka dhacday, kuwii UCID kazoo yaacay, iyo Kuwii KULMIYAHA talada haya kazoo firdhaday , oo dhamaantood ahaa kuwo amaanadda umadda horey loogu tijaabiyay, kuna fashilmay inay si hufan oo wadaniyad leh u gutaan amaanadaas sida taariikhdu inoo sheegayso, ayaa maanta waxay inala leeyihiin, waxaa nala yidhaahdaa WADANI oo isbedel doon baanu nahay, oo ay badhkeena u sacaba tumayaan, CAJAAIB, sidee caqligeenu u shaqaynayaa, Isbedelka ay maanta inoo hayaan, maxay inoogu keeni waayeen markay taladu gacantooda ku jirtay ee aynu isbedelka iyo horumarka u oomanayn, raga isbedelka inoogu baaqaya waxaa ka mid ah Gudoomiye Cirro oo la ogyahay inuu maamuli kari waayay Gole barlamaan oo ka kooban 82 xubnood, aakhirkiina miciin biday inuu ku dhex feedhtamo, markii talo iyo xirfad kale kazoo oodantay, waxaa kamid ah raga isbedelka inoogu baaqaya XIRSI, DUUR, C/RISAQ KHALIIF, SICIID SULUB, XUSEEN AXMED CAYDIID oo dhamaantoodba shalay xilal sare ka hayay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, iyo xisbigii karkaarka weydaartay ee UDUB, lana og yahay sidii fowdada ahayd ee aan nidaamka dawladnimo waafaqsanayn ee ay dhaqmi jireen waagii ay taladu magantooda ahayd, waa yaabe,ma waxay inoo haystaan inaynu shalay dhalanay, oo aynaan waxba ka ogayn wixii doraad iyo tii ka horeaysay ay taariikhdu weelaysay, indhaheenuna shaahidka ka ahaayeen, anigu waxaan idin leeyahay MUUMIN LABA JEER GOD LAGAMA WADA QANIINO.

Tan kale, bal daya qoladan KULMIYE, sanadihii 2005-2010-kii oo ahaa waagii ay u halagamayeen inay kursiga ku fadhistaan, waxay inoo sheegi jireen in dalkii musuqmaasuq baโ€™ani halakeeyay, ayna rabaan inay wax alla wixii musuq ah tirtiraan, waxay inoo sheegi jireen in dalkii la iibiyay, oo dhulkii danta guud lahayd ay Xukuumaddii UDUB iibsanayaan, oo ay rabaan inay taas wax ka qabtaan, iyo inay dhalinyaradii tahriibayaan shaqo la;aan darted oo ay rabaan inay dhalinyarada shaqo u abuuraan si ay dalkooda ugu xasilaan, isweydii Akhriste, xagee bay ku danbeeyeen balan-qaadyadaasi, iska daa inay wax bedelaane , iyaga ayaa baro-dheeraysiiyayย  xisbigii UDUB iyo Xukuumadiisiiba hadday noqon lahayd Musuqmaasuq, dhulkii danta guud oo la boobay, tahriibkii dhalinyarada oo sii labalixaadsaday kadib markii ay rajo dhigeen, inkaaniyaadkii qaranku lahaa oo maalinba mid la yidhaahdo waxaa lagu wareejiyay Shrikad Hebla, iyadoo aan la caddeyn waxa faaiido uga soo noqonaya wareejintaas shacabkii lahaa, waxaa taas kasii daran, kuwii sidaas ahaa, ย ayaa weli durbaan tumanaya oo leh, ย hanala doorto markale, iyagoo inoo sheegaya inay ina horumariyeen, hadda waa xukuumada magaceediiba noqday XUKUUMADDII FOOQ DHISO, V8na GAD, oo ay madaxdeedu isugu faanaan imisa Gaadhi oo V8 ah ayaad leedahay, iyo Imisa Fooq ayaad dhisatay.

Isku soo wada duuboo, habaarka inagaga dhacay madaxdu wuxuu ka turjumayaa sida aynaan u ahayn mujtamac wanaagsan, ilaahayna wuxuu yidhi: Qoomna ilaahay ma bedelo ilaa ay iyagu nafahooda bedelaan, markaas, shacabyahow waxaa idiin eeg inaad yeeshaan labo arimood mid uun, 1. Inaad duligaas qaaibtaan, oo abidkiin isakaga hoos jirtaa, oo maalinba mid mustaqbalkiina cunayaa idinka riixdo kii markii hore mustaqbalkiina cunayay, 2. Inaad noqotaan shacab caqligu shaqeeyo oo mustaqbalkooda ka erya dhurwaayada cunaya ee maalinba midi kan kale u bedelayo, taariikhdu waxay isha ku haysaa labadaas kaad door bidaan, ee aad qaadataan, ilaahow xaqa iyo dantiina idin garansii, Aaamiin.

NB: Afeef: ma jirto qormadaydani cid ay gaar u durayso, iyo cid ay gaar ugu hiilanaysaa toona, marka laga reebo, xaqaaiqa arlada yaala oo ay toosh ku ifinayso (NINNA UMAAN DHAWEYN EE CIDLAAN DHAABAY WARANKAAS, DHAGARQABE HA JOOGEE, NINKII DHIIDHIYAA QABA).

Wa Bilaahi Towfiiq,

Qalinkii: Hussein-Lucky M. Mohamoud,

Email, husseinlucky@hotmail.com

Hargeisa,