Ma Jeceshahay Macaanka? (WQ: Ina Siciid)

Maanta halkan waxa uu bandhige idiin hayaa sida loo sameeyo Chocolate Cake with fruits ama keeg shakoole oo leh khudaarta macaan  .

Keegaas waxa uu ka koobanyahay sida tan:

  • Daqiiq/bur 1 koob
  • Beed/ukun 3 xabo
  • Sonkor 1/2 koob
  • Bikin/ fixiso 1 milqaacad
  • Caano dareere ah 1 kob
  • Subag/saliid ¼ koob
  • Sabiib ¼ kilo
  • Shokolato budo ah 4 milqaacadood (milqaacada dhexe)
  • Tufaaxa cas 1 xabo
  • Tufaaxa cagaaran 1 xabo
  • Liin macaan 1 xabo
  • Cream 1 xabo
  • Cinab inyar oo sharaxaada ah

Habka samaynta

Waxa aad soo qaadaysa beedka iyo saliida iyo sonkorta oo aad isku qasaysaa kadib markay isku qasmaan oo ay noqdaan xumbo cad ayaad ku daraysaa daqiiqdii, shakoolihii budada ahaa iyo fixisadii oo aad isku qasaysaa adoo raacinaya caanaha si alaabtaas ay aad isku dhex gasho sida sawika ka muuqada buur buurkana wad ka ilaalinaysaa waxaanad ku shubaysa weelkii aad ugu tala gashay in aad galisid ofinka.

Kadib waxa aad soo qaadanaysaa sabiibtii oo aad dusha keega kaga daraysaa sida hadda sawirka ka muuqata.

Waxa aad jar jari doontaa tufaaxii haad haysatay oo kala ahaa casaan iyo Akhtar oo si isku dhafa aad isku dhex galinaysa kuna daraysa alaabti aad haysay sida sawirka ka muuqata.

Waxa aad soo qaadanaysa liin-macaantii oo aad Iyana jarjartay oo aad dusha kaga dartay sida sawirka ka muuqata.

Waxa aad galinaysaa markaa dabka ama offinka si ay kuugu bislaato.

Inta ay dabka ku jirto waxa aad so qaadanaysa creamkii oo qasan hadaad heshid haddi kale waxa aad so iibsata ka budada ah ee loo yaqaano Dream Whip ood caano qabow ku qasaysaa markay xumbo cad oo kale noqoto ee ay kuu badato ayaad in ka reebaysaa oo aad ku daraysaa shakoolihii hal milqaacad meelahaas si aad ugu sharaxdo dusha oo aad ugu qoyso keega.

Marka uu keegu bislaado sidan sawirka ka muuqda ayuu u eekaanaya.

Waxa aad ku qoynaysaa oo aad dusha kaga daraysa si uu keeg aad u macaan oo jilicsan u noqdo creamkii qasnaa sida hoos uga muuqata.

Kadib waxa aad ku sii daraysaa creamkii ku qasnaa shokolate ka sida hoos u muuqata dhadhankeeduna u noqdo mid isku jira.

Cinabkii ayaad soo qaadaysaa kadib dusha kaga daraysa.

Keegan dhadhankiisu wuxu noqonaya mid khudradi macaaneed ay ka dhadhamayso iyo creamkii oo qabow sidoo kale shokolate kiina ka dhadhamayo oo aad u cajiib ah sidaa iyo shifo iyo casariyo wanaagsan.

Waxa aan ka codsanaynaa in aad isku daydaan keegan oo aad nala wadaagtaan sawirada oo aad noogu so dirtaan emailka bandhige oo ah bandhige@gmail.com ama barta Faccebookga.

By: Ina Siciid