Maxaa ay tahay Iiraan in aad ku taageerto? (WQ: Ismaaciil Xaaji Ciise)

Dunida aynnu joogno waxa gebi ahaanteedba ka socda loollan wejiyo badan oo u dhexeeya basharka guud saaran nooc walba uu yahay, loollanka socda midka ugu adagi waa midka u dhexeeya caqiidooyinka adduunka guudkiisa saaran. Muddo qarni ku dhow loollan dhiigga uu daayey badda midabkeeda geddiyi lahaa ayaa ka taagan bogcadda loo yaqaan Bariga Dhexe. Loollankani waxa uu u dhexeeyaa bulshada Yuhuudda oo garabsanaysa dawladaha dunida ugu awoodda badan iyo bulshada muslimiinta ah ee deggan dhulka reer Falasdiin iyo marar badan bulshooyinka Carbeed ee dabcan muslimka ah. Dagaalkan marka guntiisa hoose loo daadego waxa uu dabada ku hayaa caqiido iyo iimaan. Yuhuuddu caqiido ahaan ayaa ay ugu soo duushay oo ku qabsatay welina ku haystaa dhulka reer Falasdiin ee ay xoogga ku haysto gaar ahaan magaalada barakaysan ee Qudus. Dhulkaa markii la qabsanayey ilaa maantadaa dhulalka muslimiinta gaar ahaan Bariga Dhexe waxa ka talinayey maamullo ay hoggaaminayaan dad ka arradan Diinta iyo caqiidada marka laga reebo dawladda Iiraan oo sannadkii 1979 kii ay hoggaankiisa la wareegeen shacabka oo ay hoggaaminayaan wadaaddo keni adag oo ku hubaysan afkaar dhammaystiran oo dhinac walba ka dhisan. Tan iyo maalintii dhidibka loo taagay Kacaanka Islaamiyiinta reer Iiraan waxa Yuhuudda halkaa kaga soo baxay kulaylka dhimbiilaha ay waddo dabaysha Tahraan laga soo afuufayo oo maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraysay.

Kor iyo hoosba waxa uu Kacaanka Islaamiga ah ee reer Iiraan ugu dhawaaqay in aanu weligii oggolaan doonin oo aqbali doonin joogitaanka Yuhuudda ee Bariga Dhexe iyo haysashada ay haysato Qibladii kowaad ee Muslimiinta. Hadal keliya kuma joogine middani waxa uu ka dhigay caqiido bulsho oo maanta dhuuxa u degtay gebi ahaan ba bulshada Shiicada meel walba oo ay adduunka kaga noolyihiin, waxa uu intaa raaciyey taageero dhinac walba ah oo la barbar joogsaday xooggaga Yuhuudda la dirira Shiico iyo Sunniyiinba. Xooggagan waxa ugu horreeya xooggaga hubaysan ee reer Falasdiin iyo kuwa reer Lubnaan oo ay xilligan Xamaas iyo Xisbullaah calanka u sidaan. Taageerada Iiraan ee dhinac walba ahi waa midda sababta u noqotay in ay labadan urur dib u soo celiyaan dhulal ay Yuhuudda dalalkan kaga qabsatay dagaalladii Yuhuudda iyo Carabta dhexmaray. Gacanka Qaza waxa ay Yuhuudda ku qabsatay dagaalkii ay Carab oo dhan ku durdurisay ee dhacay 1967 kii, waxa ayna Qaza gacanta Falasdiiniyiinta halgamaysa dib ugu soo laabatay xagaagii 2005, ilaa maantana waxa degaankan iyo maamulkiisaba gacanta ku haya Ururka Xamaas. Dhinac kale Koonfurta Lubnaan waxa ay Yuhuuddu qabsatay sannadkii 1978 kii, halka ay Koonfurta Lubnaan gacanta reer Lubnaan oo Xisbullaah hoggaaminayo dib ugu soo laabatay sannadkii 2000. Labadan dhul ee muddada dheer ku maqnaa gacanta Yuhuudda waxa sababteeda lahaa halganka ay wadeen xooggagii wax iska caabbinta ee Xamaas iyo Xisbullaah oo ay Iiraan taageerayso. Taageerada Iiraan waxa ay ka dhex muuqataa dhammaan dagaallada dhexmaray Yuhuudda iyo xooggaga reer Falasdiin oo ugu dambeeyey kii dhacayey dhammaadka sannadkii hadda inna dhaafay ee 2019 uguna cajiibsanaa dagaalkii Xamaas iyo Yuhuudda dhexmaray sannadkii 2014 kii oo ay markii kowaad Yuhuuddu xabbad joojinta ka dalbatay reer Falasdiin.

Intaa marka aynnu ka nimaadno Bariga Dhexe maanta waxa ka jira labada awoodood oo aan mid saddexaad lahayn, waa awoodda Yuhuudda oo ah midda kowaad dhanka saanadda ciidan, tan farsamo, taageerada dibadda iyo badiba awoodaha waddan lagu qiimeeyo, iyo awoodda Iiraan oo ah midda labaad ee halkaa ka jirta marka la eego dhammaan awoodaha aynnu soo xusnay. Dagaalka maanta Iiraan lagu qaado haddii Iiraan lagu burburiyo waxa soo baxaya Bariga Dhexe oo ay ka jirto awoodda Yuhuudda oo keliya oo aanay jirin awood soo labaysa. Sacuudiga waxa yaalla awood dhanka ciidanka iyo dhaqaalaha ah oo gacanta lagu hayo, haddii dagaal dhacona waxa ay noqon doonaan shidaalka Iiraan lagu weeraro. Iiraan marka ay meesha ka baxdo waxa ku xigi doonaa waa Yuhuuddii oo ka nasata xabbadihii kooxaha Iiraan taageerto iyo hadalladii kululaa ee hoggaanka Iiraan hawada u soo marin jireen. Waxa ku xigi doonta Yuhuudda oo hore ugu sii socota geedisocodka qorsheheedii labaad iyo dhismaha waxa loo yaqaan dhulweynaha Israa’iil (Great Israel) oo ay ku jiraan magaaladii iyo masjidkii labaad ee barakaysnaa, waa magaalada Maddiinna iyo bogcadda uu ku duuganyahay Nabi Muxammad (Scw) iyada oo aanay jirin cid juuq u odhan doonta. Waxa ku xigi doona muslimiinta Bariga Dhexe oo Shiico iyo Sunniba aanay gacanta ugu jirin haba yaraatee wax awood ah iyo Yuhuudda oo gaadhay mid ka mid ah yoolalkii adduunka ugu waaweynaa ee ay abid ummadi gaadho. Haddaba marka xaalku sidaa yahay oo aan muran ka joogin, marka Iiraan Yuhuud iyo Maraykan u yaqaannaan muslimiin kula doodaya dhul ay xoog ku haystaan kana hor jooga qorshayaal u degsanaa, marka Iiraan oo meesha ka baxda waxa ugu weyn ee ka dhalanayaa yihiin Yuhuudda oo nasata, halganka reer Falasdiin oo garab waaya, Yuhuudda oo qorshayaasheeda qaybihii labaad iyo saddexaad gudagasha, iyo masiibooyinka faraha badan ee isdabayaalla, marka cidda Iiraan duullaanka ku ah ee rabta in ay meesha ka saarto dhab ahaan yihiin Yuhuudda iyo awoodaha ay garabsanayso ee Maraykanku ugu horreeyo Iiraan in aad taageertaa maanay si walba gar kuugu ahayn? Xataa haddii Iiraan tahay belaayo, sow sida oo kale ma aha belaayo muslimiinta dullaysan ka hor joogta masiibo kale oo ah Yuhuud? Marka xaalku sidaa yahay dhab ahaan miyaa ay kuu sinnaan karaan Yuhuudda iyo Iiraan? Xataa Iiraan haddii aanay agtaada muslimiinba ka ahayn sow ma aha awoodda sooyaalka iyo jirtadu u sugtay in ay garabsiiso cid walba oo Yuhuudda la dagaallamaysa? Doqon kuuma warramee bal weyddiimahan si deggan isu weyddii oo uga war celi.

FG: Qoraalkan waad faafin kartaa.

Ismaaciil Xaaji Ciise, Hargeysa, Soomaalilaand.