Hordhac
Buuggan Maxay Ardeyda‘ A’ keenaa ugu shaqeeyaan Ardeyda ‘ C’ keenta, Ardeyda ‘ B’ keentaana dawladda ugu shaqaysaa?” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki, dhashay 1947kii, haddana nool. Oo ah qoraa, iyo Ganacsade Maraykan ah. Ah na aasaasaha Rich Global LLC iyo the Rich Dad Company, iyo ganacsiyo kale oo gaar ahaaneed. Qoraagu wuxuu caan ku yahay ka hadalka iyo waxka qoridda arrimaha Ganacsiga iyo dhaqaalaha. Wuxuu qoray buugaa badan oo sida la sheegay 26 sare u dhaafay. Buugta uu qoray waxa ugu caansan buugga ‘ Rich Dad and Poor Dad.’ Sidoo kale, waxa uu qoray ‘ Rich Dad’s Increase Your Financial IQ’ iyo ‘ The Businness of 21st Century.’
Buuggu wuxuu ka koobanyahay afar qaybood oo baaxad wayn. Waxa soo hoosgala cutub ahaan 18 Cutub. Bog ahaan waa 248 bog.
Gudaha Buugga
Judha hore ee hordhaca wuxuu qoraagu wax ka taabanayaa sababta ugu weyn ee ardeyda ‘ A’ keentaa ugu shaqeeyaan ardeyda ‘ C’ keenta. Wuxuu ku doodayaa marka koowaad in ardeyda ‘ A’ loo tababbaro sidii ay shaqo u heli lahaayeen; halka kuwa kale ay wax u bartaan sidii ay shaqo u abuuran lahaayeen. Kuwa hore ee ‘ A’ keena waxa laga dhaadhiciyaa inay noqdaan SHAQAALAYAAL, halka kuwa kalana laga dhaadhiciyo ama iyaguba iska dhaadhiciyaan ABUURAYAAL SHAQO. Wuxuu aad ugu celcelinayaa in marka koowaad ba waxa waalidka iyo macallinku isla qirsanyihiin inay tahay in qofkan waxbarashada la gaynayaa markuu dhammeeyo shaqo wanaagsan helo. Shaqadana wuxuu u doonayaa si uu lacag uga helo. Bes.
Hordhaca hore wuxuu ku furfurtay sidan: “ Maxaan buuggan u qoray? Jawaabtu way fududdahay.Waxa aan inta badan ka fekeraa maxay lacagtu u noqon wayday waxa Dugsiga lagu baranayo ee loo tagayo? Maalin ba maalinta ka danbaysa macallimiintayadii ayaa madaxa iyaga oo lulaya yidhaa: ‘ Dugsiga hala aado si shaqo loo helo. Haddii aanad Dugsi tagin, shaqo wanaagsan heli maysid… Maxaa Dugsiga loo aadaa? Waxa ay igu qasabtay inaan macallinkii wayddiiyo ‘ Sababta Dugsi loo tagayaa miyayna ahayn in lacag la sameeyo. Haddii ujeeddada shaqo loo tagayaa ay tahay si loo helo lacag, maxaa loo abbaari laaya’ay lacagta ee wax na looga bari laaya’ay? Su’aashaydii waligeed la iigama jawaabin.” Bogga 2.
Asalkaba in ardey badan niyada ku hayaan aad cid kale u shaqaysid oo Maammule Shirkadeed aad noqotid ayuu qoraagu xusayaa. Wuxuu soo qaadanayaa Tusaale in Ameerika ninka la yidhaa Dr. Frank Luntz, uu rabay inuu ardeyda doonistooda ogaado, dabadeedna uu ardey badan waraystay. Wuxuu wayddiiyay “ MIDKEED DOORANAYSAA IN AAD NOQOTID ABUUREGANACSI AMA QOF GAARKII U SHAQAYSTA, IYO IN AAD NOQOTID MAAMMULE SHIRKAD AY KA SHAQEEYAAN 500 SHAQAALE?” Jawaabtii waxa ay noqotay sidan:
- 80% ka mid ahi waxa ay doorteen GANACSI gaar ahaaneed, oo ay ka shaqeeyaan 100 shaqaale ama ka badan.
- 14% waxa ay doorteen Maammule 100 shirkadood, oo ay ka shaqeeyaan dad ka badan 10,000 q0f.
- 6% May garanayn waxa ay rabaan/ jawaabtii ayay ku wareereen.
Sababta ardeyda badani u rabaan inay cid u shaqeeyaan wuxu ka soo dhiraandhirinayaan inay macallimiinta iyo waalidku saamayn ku leeyihiin, oo iyagu bilowga horaba ku qufulaan in waxbarashada loo galo si shaqo loo helo. Hadalladiis waxa ka mid ah Mudane Robert: “ Taasi waa sababta waalidiinta iyo macallimiintu u sii wadaan hadalkoogii ahaa ‘ Dugsiyada hala tago si shaqo fiican loogu helo, ama shaqo mushahar fiicanle loogu helo.’ Macalimiin ama Waalidiin dhif iyo naadir ah ayaa yidhaa ‘ Dugsiyada taga si aad u barataan sida loo abuuro shaqo wanaagsan, ama shaqo mushahar fiican.” Bogga 3.
Qoraagu wuxuu qabaa in haddaba Dugsiyada badankooga lagu barto sidii shaqaale loo noqon lahaa, oo aan lagu baran sidii shaqo loo abuuri lahaa. Wuxuu leeyahay: “Farqi wayn ayaa u dhexeeya in laguu tababbaro in aad shaqaale noqoto, iyo in laguu tababbaro in aad shaqo abuure noqotid. Xirfadda ah in aad noqotid shaqo abuure laguma barto Dugsiyada intooda badan.” Bogga 4.
Qeybta koowaad wuxuu qoraagu iswayddiinayaa “ Dugsiyadu ma yihiin kuwo Ardeydeenna u diyaarinaya adduunyada cusub?”
Hordhacaa hore wuxuu aad ugu nuuxnuuxsanayaa in waalidku dhisaan maskax dhaqaale garwaaqsan. Wuxuu sheegayaa in dugsiyada iyo goobaha waxbarashada qaarkood ku dhicisoobeen inay qofka awooddiisa dooniseed dhisaan.
Wuxuu qabaa in Dugsigu carruur badan uu waaya’aragnimo u yahay, halka kuwa kalana uu yahay wax noloshooda caqabad ku ah oo xun. Qoraagu wuxuu ku doodayaa in ilmakastaa maskax wanaagsan buu leeyahay, se nasiibxumo maskaxdaa wanaagsan hannaankeenna waxbarasho ma aqoonsanyo, oo waxa laga yaabaa inuu nidaamkaasi maskaxbadnaantii wax u dhimo oo burburiyo, ayuu qabaa. Wuxuu tusaale usoo qaadanayaa Tom Eddison oo casrigan dadka ugu maskaxda badan ku jiray. Waa kii macallinkiisii ku calaamadiyay ‘ Doqon.’ Dugsigi wuu iskaga baxay, mana dhammaysan. Halkii uu waxbarasho ka dhammaynlahaa wuxuu ka doorbiday inuu hal’abuur cusub la yimaad. Waxsoosaar adduunyada geeddisocodkeeda wax ka baddelay ayuu abuuray. Laydh buu soo saaray.
Dhibaato waxbarasho inay jirto ayuu qoraagu ku doodayaa. Dhibaato dhaqaale inayna inna hayne, dhibaato waxbarasho ay inna daashatay ayuu qabaa. Dhibaatadan waxa ay bilaabantaa marka carruurteennu Dugsi gasho, ee sannado ku lumiyaan— mararka qaarna 10 sano—iyaga oo aan waxba ka baran lacagta. Dadka u ehelka ahna waxyar ka yaqaan.
Wuxuu qoraagu ka soo horjeedaa qaaciidada ‘ kaydsadayaashu waa guuldarraystayaal.’ Wuxuu qabaa in Kaydsadayaashu aynna guuldarraysane ay waxbadan horumarka qofeed, iyo ka qaranba kabto. Sidoo kale, wuxuu qabaa in dayntu wanaagsantahay. Dayntana wuu kala qaybinayaa, wuxuu u kala qaybinayaa laba: Dayn wanaagsan iyo Dayn xun. Daynta wanaagsani inay qofka hodan ka dhigto, halka daynta xunina ay faqiir ka dhigto ayuu qabaa.
Cutubka 2aad ee qaybta 1aad wuxuu qoraagu ku xusayaa waxa uu ugu magacdaray ‘ Sheekaxariirooyin.’ Wuxuu leeyahay ‘ Sheekaxariiro way dhammaatay.’ Sheekoxariirada waxa uu tusaalayaal uga soo qaadanayaa wax iska caashagaratay ah. Wuxuu leeyahay, beri baa waxa jirtay uu qofku Dugsi aadi jiray. Dhamman jiray. Shaqo heli jiray. Si adeg u shaqayn jiray. Ugu danbaynna hawlgab noqon jiray. Xataa sannado dhawayda Shirkadda aad u shaqaysaa marka aad hawlgabto way ku ilaalinaysaa/ dhaqaalaynaysaa oo lacag iyo dammaanad caafimaad ayaad helaysaa. Hadda se maanta waxaasi inayna jirin oo ‘ Sheekobarallay’ tahay ayuu qoraagu ku doodayaa.
Waxa uu xusayaa in waxbarashadii sii qaaliyoobayso, macne ahaan lacagtii Fiida ee wax lagu baranayay kacayso. Haddii ay waxabrashadii qaaliyawdana dad badani waxa ay ku qasbaysaa inay soo amaahdaan lacag ay ku bixiyaan ‘ Fiida Waxbarashada.’ Dayntaa la soo qaatay in la bixiyo mardanbe waa qasab. Waayo, ma aha samafale waa lacag meel laga soo qaatay. Halkaa waxa uu u bixiyay ladhka ah ‘ Dayn aan la cafinayn.’ Oo wuxuu ku doodayaa in dayntaa la soo qaatay la celiyo, qofkii soo qaatay hadduu dhintana waa in waalidiintiisii bixiyaan daynta.
Wuxuu qabaa in dugsiyada aragti laga aaminsanyahay wuxuunna qoray inta: “ Qaabka Dugsiyadu (Sales pitch) waa:
- Waa inaad Dugsi dhammaysaa.
- Waa inaad shahaado Degree ah oo Kooleej haysataa.
- Haddii aanad Dugsiga dhammayn, nolosha kuma guuleysanaysid.”
Wuxuu taxanayaa dad badan, oo uu leeyahay Dugsi ma dhammayn haddana way guuleysteen. Bal aynnu qaarkood soo qaadanno:
- George Washington, wuxuu Madaxweyne ka noqday Maraykanka.
- Abraham Lincoln, wuxuu Madaxweyne ka noqday Maraykanka.
- Harry Truman, wuxuu Madaxweyne ka noqday Maraykanka.
- Grover Cleveland, wuxuu Madaxweyne ka noqday Maraykanka.
- Zachary Taylor, wuxuu Madaxweyne ka noqday Maraykanka.
- Andrew Johnson wuxuu Madaxweyne ka noqday Maraykanka.
Intaa ka gadaal, wuxuu qoraagu leeyaahay ‘ Dugsiyada hala joogo’ oo inteennii soo akhriday qoraallada hore waxa ay qaarkeen u qaateen inuu leeyahay Dugsiyada carruurta ha laga saaro. Xaashaa sidaa malaha, sida uu qabo. Wuxuu yidhi: “ Masoo jeedinayo in dugsiyada carruurta laga saaro. Ama in Dugsiyadu yihiin wax aan muhiim ahayn. Waxbarashadu waa muhiim. Se waxa iswayddiinta lihi waxa weeyi ‘ Waxbarasho nooceeya ayaynnu rabaa? Halkee carruurtaadu wax ka baranaysaa? Waxabarashani ma tahay mid carruurta u diyaarinaysa mustaqbalka?…”
Wuxuu ku doodayaa in buuggu dadka u tababbarayo waxbarasho aan dugsiyada ku xoogganayn, oo wuxuu qabaa in qofka uu ka dhigayo mid isku filan oo aan lacag hawlgabeed ama shaqo kale u baahnayn. Waa in qofku xagga sare ee uu doonayo in uu cid u dabafadhiisto uu isagu xooggiisa ku tagaa.
Wuxuu wax ka iska wayddiinayaa ‘Mustaqbalka Waxbarashada’ wuxuu qabaa in berigii hore waxbarashadu laba nooc uun xoogga saari jirtay. Labada nooc waxa ay kalayihiin:
- Waxabarasho barasho ahaaneed (Academic Education): Oo ah tababbarada xirfadaha guud ama aqoonta qofka la baro siduu wax u akhriyi lahaa, siduu wax u qori lahaa IWM. Waanna waxbarasho muhiim ah sida qoraagu xusayo.
- Waxbarasho xirfadeed (Professional Education): Aqoontani waata qofka siisa xirfad gaar ah oo uu ku shaqaysto si uu ugu noolaado. Ardeyda sarsare ee ‘ A’ keenaa waxa ay noqdaan Dhakhaatiir, Xisaabiyayaal, Injineerro, Garyaqaanno, ama maammulayaal ganacsi.
Labadaa qodob marka laga yimaaddo mid saddexaad oo ah ‘Financial Education’ ayuu ku darayaa. Wuxuu sheegayaa oo ku doodayaa in aan tan lagu baran Hannaankeenna waxbarasho oo aynna kuba jirin. Waanna waxbarashada aqoonta Mustaqbalka. Wuxuu xusayaa xog ururin uu sameeyay in carruurta intooda badan 90% ay xiiseeyaan barashada lacagta; halka macallimiinta 80% ka mid ahina aynna ku niyadsamayn oo aynna ku raaxaysanayn Maaddada ay dhigayaan. Wuxuu qabaa abdo ama rejo ah in AQOONTA DHAQAALAHA lagu dari doono manhajka, se inaynna dhawayn ayuu sii raacinayaa.
Qoraagu wuxuu xusayaa in barashada aqoonta la xidhiidha, dhaqaalaha, lacagta IWM uu bilaabay markii uu 9 sano jiray. Waxaanna u bilaabay AABBIHIISII HODANKA ahaa. Aabbahaygii dhabta ahaa ma ahayne Aabbahay saaxiibkii ayuu ahaa ayuu leeyahay. Marka uu Dugsig ka yimaaddo ayuu la ciyaari jiray Gaymta la yidhaa Monopoly. Marka uu gurigaa tago Aabbihiisii dhabta ahaa oo ah ka uu ku magacaabay ‘ Aabbo Sabool ah’ ayaa wayddiin jiray ‘ Halka uu maanta oo dhan ku maqnaa?’ ‘ Wuxuu ku odhan jiray ‘ Monopoly’ ayaan ciyaarayay. Dabadeedna wuxuu ku odhan jiray ‘ Jooji waxan an waqtigaaga ku luminayso ee ah Gaymkan xun. Waa inaad guriga wax ku barataa, oo cashirrada Layliga ah ee laguu soo diray ka shaqaysaa. Haddii aanad layliga ka shaqayn derejo fiican keeni maysid, oo Kooleej fiican geli maysid, shaqo wanaagsanna heli maysid.’
Markuu isbarbadhig badan oo aabbihiisaa Saboolka ah iyo kaa Hodanka ah ku saabsan sheego, ugu danbayn wuxuu ku soo koobayaa in aabbaha Saboolka ahi uu xooggasaari jiray sidii uu inankiisu ugu wanaagsanaan lahaa Dugsiga ee dhibcaha u keeni lahaa, si uu jaamacadda iyo waxbarashada u sii wato, hadhawna shaqo wanaagsan helo. Halka Aabbaha Hodanka ahi uu isagu isku dayi jiray inuu inanka yar maskaxdiisa furo, oo uu tababbari lahaa sidii uu uga fekeri lahaa waxyaabo badan, aragtidiisu waxa ay ahayd ‘ U shaqee si aad wax u barato, oo ha u shaqayn si aad wax u heshid.’
Intaa ka gadaal wuxuu bilaabayaa cutubka ku xiga, cashir uu cinwaan uga dhigay “ U diyaari ilmahaaga waxa ugu xun.” Waalidiintu inay kaalinta ugu wanaagsan uguna muhiimsan ka qaataan koridda Ilmuhu markuu yaryahay ayuu sheegayaa.Waalidku inuu seeska ilmaha iyo aqoontiisa dhisaan, oo waxa ugu horreeya iyagu baraan ayuu sii raacinayaa. Inkasta oo uu ilmuhu koro si toos ah iyo si aan toos ahayn ba waalidku saamayn baaxadle ayuu ku leeyahay ayuu leeyahay Qoraagu. Waalidka waxaa soo labeeya o ilmaha kaalin wayn ku leh ‘ Macallinka.’
Wuxuu soo qaadanayaa AFAR xaraf oo wax u taagan. Afarta lababa dhinac bay isku raacayaan oo isku leeyihiin. Afarta xaraf waa “ E, S, B, I.” xarafka 1aad ee ‘ E’ waxa loo soo gaabiyay ‘ Employed- Shaqaale.’ Xarafka ‘ S’ waxa loo soo gaabiyaa ‘ Small Business – ganacsi yar’ ama Self-employed- Iskii u shaqayste.’ Xarafka ‘ B’ waxa loo soo gaabiyay ‘ Big Business – Ganacsi wayn.’ Halka xarafka ‘ I’ loo soo gaabiyay ‘ Investers – Maalgashadayaal.’ Kuwa ugu horreeyaa ee ‘ S’ waa shaqaalaha lacagta qaata ee cidka kale u shaqeeya. Kuwa ‘ S’ Iskood u shaqaystayaashu waa kuwa waqti shaqeeya, heshiis ku shaqeeya. Ardey badan oo derejada ‘ A’ keenta oo Dhakhaatiir, Garyaqaanno IWM ahi waa kuwo iskood u shaqaysta oo ‘ Self-employed’ soo galaya. Kuwa ‘ Big Business’ waa kuwa ganaciyada waaweyn samaysta ee iyagu wax abuura. Waxaana ka mid ahaa kuwaa Steve Jobs iyo Bill Gates, sida qoraagu xusayo. Dadka ‘ Investers – Maalgashadayaashu’ waa kuwa xirfadlayaasha, maalgashadayaasha firfircoon, sida Warren Buffett ayuu qoraagu sheegayaa.
Qoraagu waxa kale oo uu xusayaa xaaladaha ay qofka waxbarashadiisu marto. Cutubka ku xiga, oo ladhkiisu yahay ‘ Daaqadaha Waxbarashada’ waxa uu ku xusayaa saddex qaybood, inuu qofku maro. Saddexdu waxa ay kala yihiin:
- Marka 1aad, waa inta u dhexaysa dhalashada qofka illaa 12 sano intuu gaadhayo: Xilligan waxa uu qoraagu ula baxay ‘ Barashada yar’ macne ahaan qofku xilligan waxyar ayuu adduunyada ka bartaa. Sheykasta oo ilmuhu arko, maqlo, ama dareemaa waxa uu u yahay wax cusub oo uu korodhsaday. Waqtigan hore ee ilmuhu yaryahay maskaxdiisu waa sidii xaashi cad, ama dhul diyaar oo bannaan, ilmaha maskaxdiisu deegaan kooban ayay ku noqnoqotaa ayuu qoraagu leeyahay. Se marka ilmuhu gaadho afar sano jir ayay maskaxdu kala qaybsamaysaa, oo noqonaysaa ‘ Midig’ iyo ‘ Bidix.’ Ka ay maskaxdiisa qaybta midig xoogbadato ee muquuniso qaybta kale, waa qofka hala’buurka, farshaxanka iyo waxbadan oo kale naftoodu u jajabantahay. Qofka se Maskaxdiisa qaybta Bidix xoogbadato ee muquuniso qaybta kale, waa qofka hal’abuurka yar, ayuu qoraaguna qabaa. Waxa uu qoraagu ku sii darayaa in khubaro badan oo Cilmibaadhayaal ahi ay rumeysanyihiin in maskaxbadnaantu labadaba qayboodba ka kala iman karto, oo qayb qudha uun la odhan karin kuwaasaa maskaxd badan. Waxa kale, oo qoraagu xusayaa in xaaladdani tahay marka uu qofku baranayo luuqadaha iyo Lahjadaha, oo waa waxa dadka kala duwaya. Qofku meesha uu ku dhashay ee ku barbaaray meel aan ahayn haddii la geeyo luuqaddoodu inay ku cusbaataa waa suurtagel.
- Da’da u dhexaysa 12 illaa 24 sano ‘ Barashada Madax’adeyga’: Waxa uu qoraagu xusayaa in marka uu ilmuhu galo xaaladda qaangaadhka inuu bilaabayo inuu madax adeygo, jikaartamo, oo wixii loo sheego aannu dhayal ku qaadan. Tusaale ahaan, haddii aad tidhaa ‘ Waxaa ha samayn’ waa inuu sameeyo, oo kugu carigsado. Waa xaaladda uu qofku rabo inuu ogaado ‘ Maxaad qabanaysaa?’ iyo ‘ maxaad baranaysaa?’ Qoraagu waxa uu qabaa inay jiraan waxyaabo badan oo qofku markuu xaaladdan ku jiro ku riixaya madax’adeygu inay jiraan. Waxyaabaha uu sheegayo waxa ka mid ah inuuna qofkani garanayn NATIIJADA ka dhalanaysa waxan uu ka madax’adeygayo. Waqtiga ugu qaalisan ee qof haystaa inay xaaladdan tahay ayuu qoraagu xusayaa. Xaaladdan in ilmaha iyo waalidku xidhiidh wanaagsan yeeshaan ayuu qoraagu dardaarwarinayaa. ‘ Waana muhiim’ ayuu leeyahay xidhiidhkoodu.
- Da’da u dhexaysa 24 illaa 36 ‘ Barashada Xirfadnimo’: Heerkani waa ka qofku barto ‘ Samaysashada dhinaca uu u soconayo, ee adduunyada u la jaanqaadayo.’ Inay marxalad kale oo aad u muhiim tahay ayuu qoraagu xusayaa. Xaaladdani inayna cabsi lahayn, loona sinnayn, naxariisna ayna aqoon, se qofka adduunyada dhabnimadeedu macal mayal’adag u noqonayso ayuu xusayaa qoraagu. Marxaladdan xididka xirfadnimo ee qofka ayaa kobcaysa, oo caga adeg ku istaagaysa. Qofkuna wixii ku habboonaa ayuu dooranayaa, si wanaagsan u sugna wuu isleeyahay. Inta badanna waa xilliga qofka hibadiisa la helo, sida qoraagu xusayo.
Qoraagu hadda waxa uu iswayddiinayaa sababta ardeyda ‘ A’ keentaa aynna aynna wax aad ugu baran . Wuxuu leeyahay Ardeyda derejada ‘ A’ keentaa waxa ay qabaan in samaynta wax qaldani ay tahay NACASNIMO. Oo waxa ay ka cabsadaan inay khatar galaan, ama qalad sameeyaan.
Qoraagu waxyaabo waxa jira uu ku sheegayo ‘ Caqlidarro’ ama ‘ Waalliba’ mararka qaar. Erayga ‘ Maandarro’ ayuu adeegsanayaa, isaga oo ka soo xiganayaa Alberta, wuxuu ku qeexayaa ‘ Waa in qofku shay ku celceliyo isaga oo ka filaya natiijo kaladuwan.’ Tusaale ahaan, wuxuu leeyahay, waa caqlidarro inaad tidhaahdid ‘ Dugsiga tag, si aad shaqo u heshid.’
Waxa uu aad qoraagu isku wayddiinaya waxa kaladuwa ‘ Saboolka’ iyo ‘ Hodanka’, dood aad u dheer ayuu soo bandhigayaa, waxa uu qabaa in waxa kaladuwa ee saamaynta baaxaddale ku lihi uu yahay sida ay wax u arkaan, iyo maskaxdoodu kolba waxa ay suuraysato, iyo sheygaa heliddiisa sida ay ugu dadaasho iyo waxa ay ka qabto. Dadka hodanka ah waxa uu leeyahay niyadooda ayay marka hore ku jirtaa ‘ Hodan waan noqon karaa, lacag waan samayn karaa, IWM.’ Halka ka saboolka ay niyaddiisa marka hore ku jirto ‘ Hodan ma noqon karo.’ Qoraaga, aabbihiisii Hodanka ahaa taladiisa waxa ka mid ahayd ‘ haddii aad doonaysid in aad noloshaada baddeshid, baddel sida aad wax u aragto.’ Isna waxa uu qabaa in qofka waxa saamaynta aan la dhayalsan karin ku lihi ay tahay sida uu isagu wax u arko. Isbeddelka qofnimo ee qofku inuu ‘ si u araggiisa’ ku xidhanyahay ayuu qabaa.
Dhaqaalaha qofka soo gala saddex buu u qaybiyaa. Waxa ay kala yihiin:
- Ku dadka caadiga ah soo gala (Ordinary): Wuxuunna sheegayaa in dadka saboolka ah, iyo kuwa dabaqadda dhexe ahi uu dhaqaalahani soo galo. Waanna dadka iska caadiga ah. waxa uu xusayaa dadka sidan ahi inay yihiin kuwa Bille ama Toddobaadle meel wax uga qaata.
- Kuwo Hanti hela: Dadkan waxa uu sheegayaa inay yihiin kuwo isku daya inay wax maalgashadaan si hanti wanaagsani bishii uga soo xerooto. Inta badanna dadka hodanka ah ayaa sidan ah ayuu leeyahay qoraagu.
- Kuwo lacag qadaaddiic ah hela: Kuwan waxa uu ku sharraxayaa inay yihiin kuwo lacag caddaan hela, oo meel ay ka soo gasho. Inta badanna dadka Kirada qaata ee guryahooga ama meelo kale kireeya.
Waxa uu qoraagu xusayaa saddexdaa qaybood in mid ka mid ah oo kaliya ay ardeyda ‘ A’ keentaa ay yaqaannaan, oo kuwa kale ay ka caagganyihiin, ama aynna u dhuundaloolin.
Ardeyda keenta derejada ‘ B’ oo ah kuwa ugu badan, waxa uu qoraagu xusayaa in ay yihiin ‘Bureaucrats.’ Kuwa ‘ A’ keena inay ka fiicanyihiin tiro ahaanna ka badanyihiin ayuu sheegayaa. Noloshooda waddo fiican ayay ku wataan ayuu leeyahay. Waxa uu yidhi: “ Tobannaan sano ka hor ayaan Aabbahaygii Hodanka ahaa ‘bureaucrat’ ku qeexay ‘ Qof Boos ka haya meel (shirkad wayn ama dawlad sida maamule guud, madaxweyne, iibiye, shaqaale dawladeed IWM). Balse, aan wax khatar dhaqaale ah u badheedhin.’ Wuxuu ku sii daray ‘bureaucrat ku lacag badan wuu lumin karaa, balse lacag uu leeyahay maaha. Lacag uun baa la siiyaa si fiican ha u qabtaan, ama si kale e.’
Qoraagu waxa uu isbarbardhigayaa aqoonta Dugsiyada, Jaamacadaha lagu barto iyo ta si guud loo barto. Ta Dugsiyada lagu bartaa inay tahay mid kooban ayuu xusayaa. Tusaale ahaan, ardeyda bartay Sharcigu wax sharciga ah ama la xidhiidha uun buu ka shaqayni. Se wax kale inuu ka shaqeeyo ma awoodo. Ka bartay Xisaabintu, inuu meel xisaabiyo mooyee wax kale uma carbisna. Ka bartay Injineer waa inuu shaqadaa uu bartay uun ku toosaa, ayuu qoraagu sheegayaa. Halka aqoonta guud uu qofku waxbadan qaban karo. Qoraagu waxa uu xusayaa in Hal’abuuriddu ( sida abuuridda ganacsigu) tahay arrin guud. Sababta ugu weyn ee abuurayaasha ganacsiga ay ka mid ka yihiin Bill Gate iyo Steve Jobs, ay Dugsiga uga tageen waxa uu ku sheegayaa inay tahay dad gaar ahaaneed may ahayn ( Dad shey gaar ah doonayay may ahayn).
Qeybta 2aad ayuu bilaabayaa. Qeybta 2aad ee buugga gebigeegaba waxa uu kaga warramayaa waxa uu ugu yeedhay ‘ Dhinac Kale ka Eegid.’ Waxa uu ku sharraxayaa in waxa la qabanayo, dhinacyo kaladuwan laga eego. Waxa uu xusayaa in aabbihiisii Hodanka ahaa uu ku yidhi Dugsiyada dhibaatada ka jirtaa waxa weeyi in ardeyda loo sheego ‘ Sax’ ama ‘ Qalad.’ Kaliya labadaa eray ayaa loo sheegaa oo qallalan. Taasina maaha buu leeyahay caqlibadnaan, ama dhabaale. Noloshana waxa jira wax ka badan jawaab kaliya, oo xallinta dhibaatada iyo ka jawaabidda wayddiimuhu way ka badanyihiin waxaa Dugsiyada lagu dhiganayo. Dugsiyada jawaab kaliya oo saxa ayaa ka jirta, macallinkuna taa saxda ah ayuun buu kaa doonayaa inaad sideeda u sheegto. Oo Dugsiga xariif ayaad tahay haddii aad jawaabtaa macallinka ku raacdo oo derejada ‘ A’ ayaa lagu siini. Aragtida ah inay jirto jawaab kaliya oo sax ahi waa seeska Waxbarashada Akaadamika ah.
Se aragtida noloshu sidaa way ka duwantahay ayuu qabaa qoraagu. Oo waxa jira wax ka badan hal jawaab nolosha dhexdeeda. Wuxuu sheegayaa in markii Aabbihiisii Saboolka ahaa uu wayddiiyay ‘ 1+1’ uu ugu jawaabay waa ‘ 2.’ Halka aabbihiisii Hodanka ahaa markii uu wayddiiyay ‘ 1+1’ uu ugu jawaabay waa ‘ 11.’ Jawaabtii Aabbaha hodanka ahi way ka duwanaatay jawaabta aabbaha saboolka ah. Taasi waa sababta NIN u noqday SABOOL; ka kalana uu u noqday HODAN ayuu qoraagu ku sii darayaa.
Caqlibadnaantu waxa ay tahay ayuu qoraagu iswayddiinayaa. Wuxuunna ku sheegayaa inay tahay awoodda uu qofku ku garanayo inay jiraan laba shay, oo shey walbaana wax qaldan iyo wax saxan yeelan karo. Qofka maskaxdiisu u furantahay aragtiyada liddiga ku ahi wuu caqli badanyahay; halka ka ay maskaxdiisu ka xidhantahay aragtiyada liddiga ah uu qoraagu ku sheegayo jaahil.
Dadka ayuu qaybinayaa qoraagu, isaga oo dhinaca dhaqaalaha ka eegaya. Wuxuu u qaybinayaa afar qaybood, waxaynna kalayihiin:
- Dabaqad Dhexe.
- Hodanle sannadkii Malaayiin Doollar oo macaash ahi soo galo.
- Nin aad u hodan ah oo bishii Malaayiin Doollar, iyo wax ka badani soo galaan.
Qoraagu cutubada danbe arrimo badan ayuu sidii la yaqaannay si ka duwan u eeg leeyahay. Waxyaabaha uu soo qaadanayo waxa ka mid ah ah, waxa uu leeyahay waxa daynta loo yaqaannaa maaha ‘ Waxa ku khasaarinaya’ uun, dhinacna faa’ido ayay ka leedahaye, dhinaca faa’idadana ka eeg. Sidoo kale, erayada aad isticmaalaysid heerkaaga ganacsi ama hantiyeed saamayn wayn bay ku leedahaye dhinac kale, ka eeg. Wuxuu ku doodayaa in dadka hantida leh ee hodanka ahi ay isticmaalaan erayo waxa ay doonayaan u qalma, halka kuwa dabaqadda dhexe ah, ama kuwa saboolka ahina ay isticmaalaan erayo heerkooda ah ( sida ma awoodo). Dhinac kale, ka eeg oo baddel waxyaabo badan ayuu qoraagu ku leeyahay. Erayadu saamayn wayn ayay leeyihiin ayuu qoraagu leeyahay. Waayo, waxbay dhaawici karaan, waxbay dhiirrigelin karaan, cidi niyadjebin karaan, cid bay hodan ka dhigi karaan, cid bay saboolnimo ku danbaysiin karaa, IWM ayuu qabaa qoraagu. Erayadu awood bay leeyihiin ayuu qoraagu leeyahay.
Erayada aqoonta Akaadamiga ah, iyo kuwa aqoonta dhaqaalaha loo isticmaalo ayuu isbardhigayaa. Aqoonta caadiga ah waxa loo isticmaalaa:
- Dugsiga tag.
- Shaqo raadi/hel.
- Aad u shaqee.
- Lacagta kaydso.
- Dayn ha qaadan.
- Guri iibso.
- Sii dhigo lacagtii hawlgabnimada.
Aqoonta dhaqaalahana waxaa loo isticmaalaa ayuu leeyahay:
- Lacag Qadaaddiic ah.
- Hanti helid/ ku soo gashay.
Aqoontaa dhaqaalaha ama lacagta ayuu xoojinayaa oo taageerayaa, wuxuunna leeyahay cashirradii aan aabbahaygii Hodanka ahaa aan ka bartay waxaa ka mid ahaa: “ Warbixinta Maaliyadeeddu waa mucda lacagta, oo sida badhtanta cadceeddu uga joogto Solar System ka kale ayay iyadun lacagta uga joogtaa.” Waxbarashada Dugsiyada ama aqoonta caadiga ahna wuxuu u soo qaadanayaa odhaahdii caanka ahayd ee: “ Dhegtaada ka maqal; taanna ka sii daa.”
Wuxuu gebagabaynaynaa in gurigu yahay meesha laga dhiso ilmaha, ama qofka, markaa wa in guriga la hagaajiyaa, waalidkuna xilwayn iska saaraa, maadaama uu yahay macallinka koowaad ee ilmaha. Sababta uu buuggan u qoray waxa uu ku soo gebagebaynayaa inay tahay in waalidiintu carruurtooda mustaqbalkooga ka fiirsadaan, oo dhisaan. Maadaama dhibaato dhaqaale oo badani inna haysato ayuu sii raacinayaa. Dhibaatooyinkaa dhaqaale waxyaabo badan ayaa sababay, waxa ka mid ah; barashola’aanta aan la baran aqoonta dhaqaalaha/lacagta, iyo waxbarashadeenna oo aan ku salaynayn isbeddel.
Gebagebo
Buuggu waxa aad mooddaa inuu innaga aad innoo taabanaya, oo xaaladdeenna iyo qaabkeenna waxbarasho, dhaqaale, iyo dhaqan taabanayo. Meelo badan ayuu innaga abbaarayaa.
Qofkii faahfaahin intaa ka badan rabaa inuu buugga ku noqdo ayaan kula telinayaa, kollay waxbadan wuu kugu kordhiniye.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
14 Dec, 2019.
Boorama, Awdal.