Maxaa ka Dhaxeeya Ru’yada Wanaagsan iyo Qofka Diintiisa! (WQ: Prof-Abdi Ali Jama)

Qofka ru’yada wanaagsan arka, isla markaana ay wax u dhacaan sida uu ku riyooday khasab ma aha in uu noqdo qof Ilaahay u dhaw, bal waxaba dhici karta in aanu Muslin ba ahayn, oo haddana la arko riyadiisa. Waxa tusaale fiican ah boqorkii Masar ee uu Nabi Yusuf la shaqeeyey; waxase la arkay in qof ba qofku ka run badan yahay in ay u dhawdahay in riyadiisu noqoto ta wanaagsan ee la arko; macnaha, haddii aan si kale u dhigno qofka beenta sheega ma noqoto riyadiisu ta wanaagsan ee la arko!!

Waxa jira xadiis aanan immika xasuusan karin darajadiisa oo uu macnahiisu ahaa sida u kala run badan tihiin ayaa riyadiinuna u kala run badan tahay; sidoo kale waayo-aragnimada bani’aadmkuna sidaas bay sheegaysaa markii la eegay ummadaha kala duwan ee dunida ku nool. Haddii aad u fiirsato boqorkii Masar ee riyadiisa la arkay waxa loo badinayaa in aanu diintii saxda ahayd ee xilligiisa aanu haysan, haddiise aad u kuurgasho qisada Nabi Yusuf waxa aad arkaysaa in uu ahaa qof wanaagsan; waxa daliil u ah inkasta oo uu Nabi Yusuf gurigiisa ku soo koray haddana waxa iska cad in nimankii la xidhnaa uga aqoon banaayeen boqorka qofka uu yahay Nabi Yusuf; markii looga warramay ee dib loo baray inankiisii Yusfuf oo addoonkiisii na ahaa, wuxu yidhi ha la ii keeno inankaas, waxa aan rabaa in aan ka dhigto gacan yare oo aan cidi noo dhaxayn e وَقَالَ الْمَلِكُ ائْتُونِي بِهِ أَسْتَخْلِصْهُ لِنَفْسِي; markii loo keenay wuxu u soo jeediyay in uu meeshaba ku wareejiyo oo waddankaba uu isagu wado; markaa ka dib ayuu Nabi Yusuf soo jeediyay in uu ka caawin karo xagga dhaqaalaha iyo maaliyadda; waana sida ugu fiican oo boqorradu ama madaxweynayaashu had iyo jeer waxay u dhiibaan wasaaradda maaliyadda qofka ay ugu kalsooni badan yihiin.

Dadka qaar baa yidhaa Nabi yusuf xil buu dalbaday; ma aha sax; uma qalanto sharafka qof Nabi ah in uu xil raadis noqdo; waan ka xumahay in dadka qaar ku iimaan la’, kuna dhiiran xilalka ummadda ee aanay qaadi karayn ay cuskadaan aayaddan iyaga oo aan ogeyn in ay meel kaga dhacayaan Nabi Yusuf, quraankana ay been ka sheegayaan; xagay ka waalan yihiin; Nabi Yusuf ma isagaa u doontay xil boqorka mise boqorkaa u yeedhay oo xabsiga kala soo baxay oo yidhi ila shaqee?!!!

Si kastaba ha ahaatee, waxan uga socdaa in boqorkaasi nin wanaagsan ahaa oo daacad ah, qalbigiisuna saafi ahaa waxa caddayn u ah marka kowaad yeedhmadii uu u yeedhay Nabi Yusuf ka dib markii looga warramay ee uu ku qancay in uu Nabi Yusf yahay qof wanaagsan oo wax la qaban kara; xaguu joogaa ninka waddan haysta ee qof aanu garanayn xukunkisa ku aaminaya iyada oo sababtu tahay in uu ku qancay kaliya in uu yahay qof wanaagsan qofkaas uu soo dhawaysanayaa; bilcaksi, waayo-aragnimadeenu waxay inoo sheegaysaa in ay iska ba ilaaliyaan qofka wanaagsan , maxaa yeelay iyagii baan si wanaagsan waxba u wadin.

Ta labaad, waxa caddayn u ah in uu ahaa qof wanaagsan isaga oo ka caawiyay Nabi Yusuf in uu dacwadda ama diinta saxda ku faafiyo waddanka; maxaa yeelay markii uu xil sare qabtay, waxa Nabi Yusuf u suuragashay in uu dadkii ugu yeedho diinta saxda ah iyo tawxiidka Alle. Sida aynu la socono way ku adag tahay madaxda in diintooda iyo dhaqankooda ay ka guuraan iyaga iyo dadkooduba; si kastaba ha ahaatee, waxa iska cad oo muuqata in uu ku qancay diinta uu wado, maxaa yeelay xil sare uma dhiibeen nin wada diin kale. Ugu danbayntii, aan idhaahdo wali sheeko iyo shaahid maan arag boqor boqorkaa uga daacadsan waddankiisa iyo dadkiisaba; ; waxaba la odhan karaa muu lahayn dan gaar ah oo aan ahayn ta waddankiisa iyo dadkiisa; sababta ay riyadiisu u noqotay mid tayadeedu sarrayso na waa runta uu ka run sheegay dhaartii uu maray in uu waddankiisa daacad u noqon doono; talaw ma la dhaarin jiray berigaa madaxda? oo miyaanu iska dhaarsanayn nin xill qaaday, maxaad kaga daali!!

Cabdo; taariikhda, diimaha iyo falsafadda (classics).