Michael Rubin oo Mar Kale ugu Baaqay Dawladda Maraykanka inay Xafiis ka Furato Somaliland, waxaanu Naqdiyey Donald Yamamoto

Michael Rubin oo ah Aqoonyahan Maraykan ah oo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaaย ย mar kale ugu baaqay Dawladda Maraykanka inay Xafiis diblomaasiyadeed ka furato Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay dal dimuqraadi ah oo muhiim u ah Maraykanka.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatayย ย warbixin uu Michael Rubin ku daabacay Wargeyska Washington Examiner, taas oo uu kaga hadlay wadahadalladii Jabuuti Toddobaadkii hore ku dhex maray Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Maraykanku kaalin ku lahaayeen.

Michael Rubin wuxuu si adag u naqdiyey Siyaasadda danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Mr.ย Donald Yamamoto oo uu ku sifeeyey mid si cad ula safan Soomaaliya oo muddo dheer isku dayey inuu goโ€™doon dhaqaale geliyo Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii uu dhaqaalaha Maraykanku ugu deeqo Soomaalidaย ย uu wada siiyo Dawladda Muqdisho oo Khabiirku ku tilmaamay mid ka talisaย ย dhul masaafadiisuย ย kooban tahay oo ku yaalla Muqdisho isla markaana 16 sannadood hormuud u ahaydย ย dalalka musuqmaasuquย ย naafeeyey.

Aqoonyahankaasi wuxuu ku dooday inay Somaliland tahay Waddan xorย ย ahaa oo tan iyo markii ayย ย 1991kii madax-bannaanidoodaย ย kala soo noqdeenย ย Soomaaliya, muddadaas dheernaย ย ku naaloonayey xasilooni iyo dimuqraadiyad.

Michael Rubin oo horena uga tirsanaan jirayย ย ย Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanku wuxuu kuย ย boorriyey Dawladda Maraykanka inay Jamhuuriyadda Somaliland ka furato xilliganย ย Xafiis diblomaasiyadeed sida ay ugu leedahayย ย xafiisyoย ย Waqooyiga Suuriya iyo Taiwan, waxaanu intaas ku daray in qunsuliyado kala duwan ay dalalka Turkiga, Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin Somaliland.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in dalalka Yurub qaarkood ay xafiisyo ku leeyihiin caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halkaasi oo aanay wax dhibaato nabadgelyadarro ahi ka jirin oo ay ka dhex shaqeyn karaan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Somaliland dhinacaย ย fal-dambiyeedyada ay aad uga hooseysoย ย kuwa ka dhaca Caasimadaha Yurub.

Xigasho: SOLNA