Qisada Heestan “Hargeysaay Ha Dheelliyin” (WQ: Xasan Daahir Ismaaciil ”Weedhsame”)

Hargeysa oo bandoo lagu soo rogay oo ummaddii ku noolayd casar la xareeyey, ayey Cabdi Qays iyo Sahra Axmed oo dumbuluq ka yimi oo xaggan shacabka u soo socdaa soo dhex lugeeyeen. Bashar ashahaadanaya oo aan askari ahayn oo dhex soconayaana ma jiro. Intay soo socdeen ayuu cabdi Qays ereyada heesta badidooda soo sameeyey.
Xaaladda sidaasa, iyo jawiga sidaas ah ayey ka dhalatay heestani!!!
Inu Hargeysa niyadda u dhisayo calooshana u adkaynayaa miyaanay heesta ka muuqan?
Wuxu magaalada Hargeysa ula hadlayaa sidii hooyo dhiirrigelinaysa ilmo ay dhashay oo kale. Si uu u tuso quwadeeda iyo qiimigeeda, ayuu ugu bilaabay ciideeda, buuraheeda, hawadeeda iyo biyaheedaba.

Halkaas kagama uu hadhine haddana taariikhdii ay lahayd iyo sooyaalkeedii ayuu dhinac kale ka tusay. Waxa uu u sheegay in aanay sidan ay maanta tahay ahaan jirin. Iyadoo tagtadeedii daawanaysa ayuu haddana soo hor-dhigay hab-dhaqanka dadkeeda gobta ah ee gacan furnaanta iyo naf-qaybsiga leh ee kolba waxa ay haystaan wadaagaya.
Intaas aan sheegay iyo in kale oo aan ka wahsadayba, waxa uu kaga biinayaa xanuunkii iyo xaaladii adkayd ee ay maalintaas ku jirtay.

Waxay kulmisay:

Ereyadii Cabdi qays,
Laxankii Axmed Gacayte
Codkii Sahra Axmed Jaamac

Allaha weyni Sahra Axmed iyo Axmed Gacaytaba jannadiisii ha geeyo, Cabdi Qaysna Raalli ha ka ahaadee.
Qisada heestan waxan ka guntay oo iiga sheekeeyey CABDI AADAN XAAD “QAYS”