Midnimo soomaaliyeed, Mucjiso mar la arag ah (WQ: Ahmed Nour Guruje)

Markii axsaabtii iyo madaxdii Somaliland kasoo jeesatay xaqiijinta xoriyaddii Somaliland , Dawladii Britain iyo Somaliland isla meel dhigeen in Somaliland xornimadeeda hesho 26 june 1960 , waxay bilaabeen olole horle oo ay ku raadinayaan midaynta shantii Soomaliyeed .

Bishii April 1960 Wafti culus oo ka tirsan Somaliland oo uu hogaaminayo Hogaamiyihii Xisbigii SNL M I Cigaal , ayaa Mogdisho ka degey , waxaanay la shireen madaxdii SYL , iyaogo usoo bandhigay in labada dhinac ee Somaliland iyo Somaaliya midoobaan .

Madaxdii SYl waxay si buuxda ugu sheegeen kuwii Somaliland in ay wax walba qaybsadeen , sidda Madaxwaynihii , raysal wasaarihii , ciidamadii iyo meel walba ,sidaa darteedna aanay doonayn midnimo .

Arrintaa kuwii Somaliland waxay kagga jawaabeen in ay doonayaan midnimo keliya , wax walbana ay iyagu qaataan kuwa koonfureed haday yihiin , arrintaas kuwii koonfureed may rumaysan , waxaana laggu heshiiyay wefti xaqiiqo raadisa in Hargaysa loo soo dirro .

Sidaa darteed waxaa Hargaysa yimi Wafti uu hogaaminayay Aadan cadde , waxaanay dadka waydiiyeen in waftigii Mogdisho tagay waxay sheegeen sax yahay iyo in kale , waana loo xaqiiiyay .

Sidaas ayaanay ku dhalatay midnimadii 1-july 1960 oo reer Konfureedku qaateen Madaxwaynihii , raysal wasarihii , taliyeyaashii ciidanka iyo caasamidii iyo wax walba .

Soobe oo ka tirsanaa siyaasiyiintii waagaas ee koonfureed oo Bbc waraysatay ayaa la waydiiyay sababta ay wax walba u qaateen ,waxaanu ku jawaabay , reer waqooyi midnimo ayuun bay rabeen , waxna may codsan kale .

Mar kale ayaa la waydiiyay hadii aan reer Waqooyi waxba codsan maxaa idinku wax walba u qaadateen , ee wax uun uga tegi waydeen , suaashaas Soobe wuxuu kaga jawaabay , ” Reer waqooyi wuu isa soo dhiibay , nin isa soo dhiibay oo ku yidhi ii talina waa loo talinaa ”.

Sidaas ayaanay ku dhalatay midnimadii waagaasi ,taasoo ahayd mucjiso mar la araga , sidda keliya ee midnimo danbe ku dhalan kartaana waa in la hello umad sidii reer Somaliland wax walba midnimada u hurta ugana tanaasusho , in aan taas la helayna waxaa cadayn kuugu filan ,ONLF iyadoo Ethopia ku hoos jirta ayaa laggu kari laayahay in ay magac qabiil keliya ka tanaasusho Somali ku badasho , koonfurina 5 maamul goboleed iyo 6 madaxwayne ayay kala samaysatay.