Laba gaadhi oo ehel ah ayaa ii gelbiyay madaarka Cigaalka ee Hargeysa , gaar ahaanna hooyaday, walaalladay, abtiyaday iyo mudan kale. Maadaama oo ahayd markii kowaad ee aan dhoofo, waan ogaa dal-tebyada, ma ooyine waan calool-adaygay. Sannadkii 2006da waxa Masar u dhooftay walaashay, markii aanu nabaadiinaynnay ayay ilmo ka soo daadatay, annaguna waanu ku dari gaadhnay. Tii oo kale ayaan ka digtoonaa, walaw aan kal laxiiba iyo laabta xuunshada leeyahay waan is adkeeyay kolkii ay tobannaanka qof ila joogeen.
La igama qaadin lacag oo arday ayaan ahay, waxa aan u gudbay qolkii sugitaanka dhoofka. Waxa aan doonay in aan iibsado keeg uu qiimihiisu magaalada ka ahaa 500 SL/SH, laakiin waxa la iga siiyay 1000SL/SH. “Halkani waa madaarkii. Qiimuhuna waa uu ka duwan yahay ka magaalada” ayaa la igu yidhi. Sidaas ayaan ku gatay. Markii aan diyaaradda sii korayay ayaan arkay abtigay Xuseen Cabdi Cilmi (Xuseen-Mataan) oo ay mataano yihiin hooyaday. Inta aanu laabta isku qabannay ayaanu duco sii kala qaadannay. Judhii aan ka dhaqaaqay ee aan diyaaradda fuulay ayaan ilmo bilaabay. “Dalkaaga waad ku soo noqon, waxbarasho ayaad u baxaysaa, iska samir” ayuu igu wacdiyay nin diyaaradda ila saarnaa.
26kii Juun 2007da waxa aan isu diyaarinayay in aan madaxtooyada Somaliland ka jeediyo maanso aan curiyay oo waddani ahaayd, markii kowaad ee aan ka khudbadeeyo meel madaxweyne fadhiyo ayay ahaan lahayd, laakiiin waxa aan Baakistaan u baxay 24kii Juun 2007da, markii goorsheegta Hargeysi ku beegnayd 02:00 maalin-badh (duhur) ayaan cirgooshta guudka uga baxay. “Habeenka 26 June waxa aan ku qoranahay qasriga madaxtooyada. Fadlan ma aydun dib u dhigi safarkayga” ayaan ku idhi adeerraday. “Jaamacaddi way soo baxday ee hore u dhoof” ayaa la yidhi. Waxa aan muddo sannad iyo badh ah sugayay kursi ah ah deeq waxbarasho oo caafimaadka ah, kaas oo naga iibinaysay safaaradda Soomaalida ee Baakistaan.
Maadaama oo aan safray waxa aan fasax siiyay agaasime Cabdi-yare iyo Al-fannaan Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo iga aqbalay codsi ah in la igu daro dadka habeenka xorriyada ka hadlaya Qasriga Somaliland aniga oo hal-abuur ahaa. Maansada aan madasha ka jeedinayay waxa la yidhaahdaa Duruufii Calankayga, waxa ay soo baxday 13kii Mey 2005ta. Waa tii kowaad ee aan saxaafadda si rasmi ah uga baahiyo.
Waxa aan Hargeysa ka raacay diyaarad ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo na gaadhsiiyay Jabuuti. Markii aan kala wareegga ku jiray waxa aan dareemay is-beddelka dhanka cimilada ee durba i saameeyay. Intii aanu baska iyo diyaaradda u kala soconnay waxa i leefay hanfigii xagaaga. Madaarka Jabuuti waxa uu ahaa mid casri ah oo qaboojiyeyaal leh. Waxa kale oo aan dareemay isbeddelka afka ku yimi, maadaama oo luqadda kowaad ee Jamhuuriyadda Jabuuti tahay afka Faransiiska, waxa igu adkaa fahankeeda.
Nasasho hal saac ah kaddib ayaanu raacnay diyaarad na geysay magaalada Dubay, oo ay leedahay Jubba Airways. Waxa i ag fadhiyay oday reer Soomaaliya ah oo da’ ah. “Waxan ahaa ninkii 191aad ee aasaaska SYL ka qayb-gala, maxay reer Woqooyi u diiddan yihiin Soomaaliya?” ayuu igu bilaabay. Walaw aan isku difaacay “waxa aad leexsateen saamigii dawladnimo. Xilligii aanu xorriyadda doonnayna waxa ay kacaanku u dhaqmeen si ka baxsan maangalka” rag kale ayaa ku yidhi “Ninkani waa dhallinyaro, waxa ay ku habboon tahay dadka waaweyn”. Sidaas ayuu hadalki u xidhmay. Waa markii kowaad ee uu adeege diyaaradeed ii shaqeeyay. Waxa bayloodyo ka ahaa niman Ruush ah.
Xilli 07:00 fiidnimo ah ayaanu caga-dhignay Imaaraadka Carabta. Markii ay diyaaraddu caga-dhigatay ayaa gudaha na loo gelbiyay oo aanu bas raacnay. Waxa aan ku arkay gabadh reer Muqdisho ah oo laga soo celiyay Suuriya oo aadaysa Hargeysa. Waa dad la diiday in ay ka degaan meelo Somaaliya ah oo laga dejiyay caasimadda Somaliland isla sannadkaas (2007). “Aboowe reer Woqooyigu waa garaaceen dad saarnaa diyaarad ka degtay Hargeysa. Armaa la i dilaa?” hadday tidhi waxa aan ku ballamiyay abtigay Barkhad Cabdi Cilmi oo ka qaaday Garoonka Hargeysa si uu geeyo gurigayagii Hargeysa. Dhawr cisho ayay la joogtay xaafaddayada, waanay ka mahad sheegatay.
Mar dambe oo ay Yurub tagtay gabadhi waxa ay tidhi annaga oo ka wada xidhiidhayna khadka Internetka “qoys fiican ayaad ka dhalatay. Ka warran xaafaddii?”. “Way fiican yihiin. Alle ayaa ku mahad leh haddii aad nabad-qab ku gaadhay kuna dhaaftay Hargeysa” ayaan ugu jawaabay. Waxa joogay boqollaal qowmiyadood oo Indhayar, madaw, Yurub, Carab iyo Afrikaan leh. Waan la dhacay daawashadiisa. Hadba tiish kor iyo hoos u soconaya ayaan raacayay. Maadaama oo nalkiisu daaran yahay, lama kala ogaan karo ka habeen iyo maalin lagu jiro. Ummaddaa is dhaafaysa ayaa socota, qofka lulooda ee aan magaalada u bixin karin waxa khasab ku ah inuu jiifsado barta agabku u yaallo.
01:00 duhurnimo ayaanu fuulay diyaaradda Fly Emirates oo afar saacadood u kala socotay Dubai iyo Islamabad. Waa markii kowaad ee aan madaar caalami ah ku safro, habka aan ku goosanayo tigidhka diyaaradda kale iyo hannaanka socdaalka waxa ii jilciyay qoyskayaga. Walaalkay Khadar Maxamuud Gahayr oo Baakistaan jooga ayaa ii liqsiiyay habka gegooyinka looga kala gudbo.
Sidaas ayaan kaga degay Islamabad shantii iyo badhkii galabnimo, ayaantii sooyaalku ku suntanaa 25kii Juun 2007da. Durbadiiba waxa aan galay safka dadka ajaanibka, hablo madaarka ka shaqaynayay oo aan moodayo in ay aragtidayda ku faraxsanaayeen, mar dambena aan ogaaday in ay la yaabbanaayeen timahayga adag ayaanu sheedda iska eegnay. Waxoogaa kaftan guud ah markii aanu wadaagnay hawl-wadeennada gegada ayaa la iigu dhuftay fasax aan ku galo magaalada.
Madaarka caasimadda waxa aan ka sarriftay lacag ah $10 oo aan ugu talo-galay in aan tagsiga ku raacno. Waxa la iigu dooriyay 470 Rubbi, halka uu magaalada ka ahaa 600 Rubbi. Waa qiimaha madaarka ee aan la sinnayn magaalada.
Kaddib markii aan dhawr jeer fiiriyay dadkii qaabbilaaddayda ku qornaa oo aan arki waayay waxa aan arday u raacay Jaamacadda Islaamiga ah ee Islamabad, qayb u dhaweyd Faysal Masjid. Ragga aan raacay waxa ka mid ahaa nin Cabdicasiis la yidhaahdo oo aanu diyaaradda wada-saarnayn iyo arday reer Karaaji ah oo soo-dhaweyntiisa u heellanaa, waxa aan aamminay markii ay ii sheegeen in ay Jaamacad wada dhigtaan Dr Maxamed Xasan Nuur oo ku jiray Jaamacadda Karachi Univeristy, Waaxda dawo-barashada (Pharmacology). Kaddib markii aanu taleefanno dirnay, waxa iigu yimi walaalkay Egnineer Khadar iyo Garyaqaan Cali-asad oo aanu madaarka isku weynay. Habeenkaas waxa aanu seexannay Jaamacadda Islaamiga ee Islamabad, xarunteeda guud.
Is-wareysi kooban markii aanu qaadannay waxa uu Danjire Axmed Cabdiraxmaan (Mareexaan) oo ku-sime iyo safiir-ku-xigeen ahaa nagu yidhi “Na sug laba bilood, waxa aanu kaa beddelaynaa Jaamacadda”. Markii aanu laba cisho oo dambe joognay caasimadda si aan alaabo ammaano ah u gaadhsiiyo dadkii lahaa, isla markaana aan ula kulmo qaar ka mid ah saaxiibbaday waxa aanu u gudubnay magaalada Lahore oo ah caasimadda Gobolka Punjab.
Kolkii ay dhammaadeen labadii bilood ee uu qabsaday, haddii aanu ka soo wardoonnay waxa uu yidhi “Na sug bil kale”. Celcelintaa waxa aan ka dareemay in aan la haynnin wax rasmi iyo jaamacad aan ku biiro, waxa ay ka fursan weyday in aan la gudhiyo oo aan ka gun gaadho.
Qaybta labaad…