Hordhac
Buuggan waxaa la yidhaa ‘ The Suicidal State in Somalia’ oo haddii aynnu Af Soomaali u rogno noqonaya ‘ Qarankii isqudhgooyay ee Soomaaliya.’ Cinwaan hoosaadkiisuna waa “ The rise and fall of Siad Barre Regime, 1969-1991~ Soo ifbixii iyo dhammaadkii Xukunkii Siyaad Barre intii u dhexaysay 1969kii illaa 1991kii.” Wuxuu ku qoranyahay luuqadda Ingiriiska. Bog ahaan waxa uu ka koobanyahay 363 Bogg. Buugga waxaa qoray Maxammed Xaaji Ingiriis oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo Jaamacadda Oxford, Shahaadada Sare ee Ph.D ka diyaariyay.
Buugga waxa uu rasmi ah u soo baxay Sannadkii 2016kii. Waxaa daabacday ‘ University Press of America.’ Daabacaad ahaan qaab wacan oo soo jiidasho iyo tayaba leh ayaa loo daabacay, qoraal ahaan si mugweyn ayaa loo qoray. Waa buug aqoonbaadhis muddo badan la waday la xidhiidha sida qoraaga laftiisu sheegay. Sidoo kale, sida qoraagu xusay 2016kii isaga oo jooga Mugdishu Book Fair, waa buug hab Akaadamikeed loo qoray, oo waqtigaa Carwada uu joogay qoraagu wuxuu yidhi ‘ Buuggaygu waa buugga kaliya ee hab Akaadamika u qoran ee Carwada yaalla.’ Qoraal ahaan iyo qaab ahaan aad baan ugu bogay, walow meelaha qaar aan ku dhaliili karo. Dhinaca xigashada iyo raadraaca aad buu qoraagu u adkeeyay oo iskaga dhisay, meelo badan ayuu wax ka soo xiganayaa, xigashada iyo raadraacuna aad bay u badanyihiin, oo buugga bog ahaan waxa ay ka noqonayaan 88 bog. Dhinacaa xigashada qoraaga waan ku bogaadinayaa, qoraayada kalana waxa aan kula talin lahaa inay xigashada badiyaan, haddii buuggu la rabo inuu noqdo mid qaab aqooneed u qoran. Waayo, xogtii in lagu kalsoonaan karo guud ahaan, iyo gaar ahaan in dadkii mawdduucii buuggu kolba daaranyahay sii korodhsan karaan, oo ilo badan oo kale wax ka heli karaan ayay tilmaamayaan xigashada iyo tixraacuba.
Waqtiga uu bilaabay, way horreysay. Se ugu danbayn wuxuu bilaabay 2010kii. Illaa shan/lix sano inuu qorayay ayuu sheegay. Xogaha meelo badan ayuu ka helay, meelaha uu ka helay waxaa ka mid ah; waraysiyo, qoraallo la diyaariyay, muuqaallo, iyo warbixinno waraysi ah. Sidoo kale, xogtu maadaama ay marto labo nooc, oo kala ah ‘ Isha koowaad ~ Primary Source’ iyo ‘ Isha labaad ~ Secondry Source.’ Ta koowaad dadka Soomaalida ah ayuu ka soo xigtay. Ta labaadna dadka Ajaanibka ah ee wax ka qoray Soomaaliya, iyo waqtigii Siyaad ayuu ka soo xigtay siduu sheegay.
Sookoobidda iyo Faallada
Buuggu wuxuu ka koobanyahay shan qaybood, oo ay soo hoosgalayaan 11 Cutub, oo iyaguna sii kala leh ciwaanhoosaadyo.
Qeybta koowaad, waxa uu u bixiyay cinwaanka ah ‘ The Colonial State and Schooling: Tribulation ~ Maammulkii Gumeystaha iyo wixii laga bartay: Dhibaato/silic.’ Cutubka koowaad ee qaybtaasi waxaa weeyi ‘ the Genealogies of African Dictatorships~ Halka ay sal ku leeyihiin Jiitayaasha/Kalitaliyayaasha Afrika.’ Kaliya inayna Soomaaliya burburin ee waddamo badan oo kale burbureen ayuu sheegayaa, waddamadaana waxaa ka mid ah; Angola, Liberia, Morocco, Sudan, IWM. Halkaa qoraagu wuxuu diiradda ku saarayaa halka ay asal ahaan ka soo fufeen Jiitayaasha Afrika. Markaa laba aragtiyood ayuu soo xiganayaa. Mid waxaa qaba Saynisyahan Mohamoud Mamdani, oo waxa nuxurkeedu yahay in Afrika ay dhibaatada kaga tageen Gumeystuhu iyaguna beereen Jiitayaasha xukunka kaga danbeeyay ee markay xoroobeen qabsaday dalalka.
Aqoonyahanka labaad, waa Achille Mbembe wuxuu qabaa in Afrika iyadu ka masuultahay dhibaatooyinka iyo sicila ka dhacay. Islamarkaana ay Jiitayaashu yihiin kuwo iyaga marka fursad ay ka faa’ideysan karaan ay arkaan ay ka soo dhexbaxaan. Qoraagu labada fekradood buu dhexdhexaadinayaa oo labaduba inay qaadhaan ku darsadeen imashada Jiitayaasha ayuu qabaa. Balse, wuxuu ku sii darayaa in Jiitayaashu masuuliyaddii ay dayaceen, misana ay yihiin kuwii gumeystuhu soo tababbaray, oo dhammaan ama badankoogaba Kelitaliyaasha Afrika waxa ay yihiin suntii gumeystuhu beeray.
Isla cutubkaa wuxuu soo qaadanayaa Siyaad Barre. Wuxuu ku doodayaa qoraagu in Siyaad Barre ahaa nasiibxumo Soomaaliya loo soo diray, misana laga dhaxlay, kana masuulyahay waxyaabo badan. Sida qayrkiisa kale ee Jiitayaasha Afrikana uu yahay Kaligiitaliye gumeystuhu beeray.
Cutubka Labaad, ladhkiisu waa ‘ A Critical Appraisal: the State and Society in Prespective.’ Markii Gumeystuhu ka baxay Soomaaliya siday xaaladdu ku curatay ayuu ka warramayaa, misana wuxuu raacinayaa in dawlad rayid ah oo dadku doorteen dhalatay. Aadan Cadde AHUN ayaa hoggaanka loo dhiibay, oo caynaanka noo qabo la yidhi. Khibrad badan inuu lahaa Aadan Cadde ayuu xusayaa qoraagu. Sidoo kale Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa loo doortay Raysalwasaare.
Qoraagu wuxuu xusayaa doorashadii labaad ee ka dhacday Soomaaliya gumeysiga dabadii. Sannadkii 1967 waa tii doorasho dhacday. Aadan Cadde oo tartamayay ayaa lagaga guuleystay, isna isma dhibin rabshadna ma samayne wuu ku qancay. Haddaba waxaa Madaxweyne loo doortay Cabdirashiid Cali Sharmaarke, halka Raysalwasaare loo doortay Maxammed Xaaji Ibraahin Cigaal. Sababta Cigaal Raysalwasaare loogu doortay waxaa lagu sheegaa inay ahayd si loo dejiyo cabashada ama tabashada Gobollada Waqooyi oo markaa wax tabanayay. Sidaasaa Cigaal loogu qalqaaliyay oo Raysalwasaare looga dhigay.
15 Oktoober, 1969kii, Madaxweyne Sharmaarke oo Laascaanood u kuurgal abaareed ku maraya waatii lagu khaarajiyay. Ninka dilay waxaa lagu sheegay inay isku reer ahaayeen, sidoo kalana uu ahaa ilaalidiisa mid ka mid ah, ama sida qoraagu xusayo uu ahaa mid ka mid ah Booliska ammaankiisa suga. Waxa se shirqoolka abaabulkiisa iyo ka danbayntiisa qoraagu ku doodayaa inuu lahaa Siyaad Barre, qoraagu halkan wuxuu la qabaa oo uu ka soo xiganayaa Dr Xuseen Bulxan oo isna qaba arrintan. Waqtigaa la shirqoolay Madaxweynaha, Raysalwasaarihii dalka ee haddii Madaxwaynuhu meesha ka baxo dalka maammulihi lahaa wuu maqnaa, oo Maxammed Xaaji Ibraahin Cigaal AHUN Maraykan ayuu booqasho ku joogay sida qoraagu xusayo.
Arrintan Shirqoolku inay tahay arrin Afrika ka dhacda ayuu xusayaa Qoraagu, wuxuunna soo qaadanayaa ragga la shirqoolay qaar ka mid ah; Raysalwasaarihii Burundi Pierre Ngendandumwe, Jannaayo 1966kii ayaa la shirqoolay. Raysalwasaarihii Congalese, febraayo 1961 ayaa la shirqoolay. Wuxuuse qoraagu ku doodayaa inaan si wanaagsan loo baadhin Shirqoolkaa lagu dilay Madaxweyne Cabdirashiid C. Sharmaarke, marka la barbardhigo shirqoolladii Geeska ka dhacay, sida Shirqoolkii lagu sameeyay Tom Mboya oo ahaa Wasiir, 5tii Julaay ayaa la khaarajiyay. Iyo shirqoolkii lagu khaarajiyay Hoggaamiyaha Xisbigii Xorreynta Musambiik Mudane Chivambo Mondlane, oo la dilay Febraayo 3deedii.
Qaybta labaad ee buugga wuxuu qoraagu ladh uga dhigay ‘ The Capture of State: Totalitarianism.’ Cutubka saddexaad oo qaybtan ka mid ah na waxaa ladh u ah ‘ Barre and Somali State: Actor and Action: ~ Barre iyo Qarankii Soomaaliyeed: Matele iyo fal.’ Qaybtan wuxuu qoraagu xoogga ku saarayaa markuu Cabdirashiid C. Sharmaarke dhintay, xukunkii Milliteri ee Jaalle Siyaad Barre AHUN ku la wareegay Qarankii Soomaaliyeed, sannadkii 1969kii, iyo tallaabooyinkii uu qaaday.
Haddaba, 21 Oktoober 1969kii maalin Salaaso ah, waaberigii horteed 03:00 (saddexdii) aroornimo ayaa guutooyin ciidamo ahi la wareegeen Radio Muqdisho, Wasaaraddii Warfaafinta iyo meelihii ugu muhiimsanaa ee Xeryaha Dawladda. Khadkii Telefoonnada ayaa gudo iyo debadba ka go’ay, sida qoraagu xusayo. Sidoo kale, adeegyadii dadku way hakadeen, oo dalkii baandow buu isku baddelay! Dawladdii rayidka ahayd, waxaa baddeshay dawlad Millateri oo xoog wax ku socodsiinaysa. Sida qoraagu xusayana Ciidamadan daacadda ah iyo hoggaamiyahoogan Jaamac Cali Qoorsheel wuxuu Siyaad Barre ku qanciyay in midhaha afgenbigaa si siman oo loo dhanyahay loo qaybsan doono. Golihii Kacaanka Soomaaliyeed, tiro ahaan waxa ay ahaayeen 25 qof. 2o Ciidan ah, iyo 5 Booliis ah. Khibrad badan inayna lahayn ayuu Qoraagu ku doodayaa.
Haddaba markii Siyaad dalka qabsaday waxoogaa ka dib wuxuu dareemay cabsi uu ka qabo qabiilooyinka, gaar ahaanna kuwii u diyaargaroobayay inay galaan doorasho rayid ah. Qoraagu, intan wuxuu ku sii darayaa in dadka qaarkood soo dhaweeyeen. Maammulkii cusbaa ee Siyaad inuu xagga wacyigelinta judha horaba iska dhisay, oo dad badan oo bulshada afyaqaanna adeegsaday ayuu qoraagu sheegayaa. Abwaanno badan ayaa heeso ku taageeray. Dadka gabayada qaaday waxaa ka mid ahaa Abwaan Cabdi Muxummed Amiin, oo gabay qiiro leh ayuu sii daayay ama tiriyay.
Siyaad Barre, khudbaddii koowaad ayuu soo jeediyay. Khudbaddaa wuu ku afgobaadsaday. Sida qoraagu xusayo, Siyaad Barre wuxuu sheegay in afgenbigani uu dalka dan u yahay oo uu yahay luuqad Siyaasadeed oo lagu soo celinayo haybaddii qarannimo ee Soomaalidu lahayd iyo caddaaladda. Sidoo kale, wuxuu xusay inuu dalka ka nadiifin doono qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa, oo uu hagaajin doono waxan ay qaseen maammuladii ka horreeyay. Waxa kale, oo uu sheegay in dawladihii ka horreeyay ay ahaayeen kuwa awood daran oo maammulka qaranka ku liitay. Waxa iyaduna uu sheegay sida qoraagu xusayo, in dawladdan hadda jirtaa aynna ahayn mid Milliteri ee ay tahay mid xukun shacbi (oo dadku doorteen).
Sida qoraagu xusayo Milliterigii dalka xoogga ku qabsaday qabiilooyin badan ayay iskugu jireen se markii danbe sadbursi baa dhacay. Qaabkan ayuu qoraagu sheegay:
The Clan Composition of the Milliteri Junta
Clan Groups
1969
1972
The Outcome
Hawiye
6
-3
3
Isaaq
4
-1
2
Daarood
10
-1
9
Dir
3
3
3
Other communities
2
2
2
Total in Number
25
20
20
Bogga 75.
Marka laga yimaaddo qaabka loo qabsaday Milliteriga waxaa ka darnayd qaabka uu Siyaad u qaybiyay Golaha wasiirrada. Sida qoraagu sheegay Siyaad, 7 Daarood buu siiyay. 4 Hawiye ayuu siiyay. 3na Isaaq buu siiyay. Iskugayn ahaan waa 14 wasiir.[1]
Hadda Cutubkii Afraad ayaynnu soo gaadhnay. Cutubkan Ladhkiisu waa ‘ The Dialectics of Dictatorship and Domination – habkii uu Kiligiiteliyuhu wax u baadhi jiray, iyo muquunintiisii.’ Judhaba qoraagu wuxuu ku doodayaa inay bilaabantay ugaadhsi awoodeed, oo Siyaad dadka ugu xoogsheeganayo. In Siyaad xoogsheegashada ka bilaabay wasiirradiisa, oo saddex Wasiir isku casileen kelitelisnimo daraaddeed. Markii uu xukunka hayay saddex Bilood Siyaad Barre wuxuu Maxkamaddii Sare ku soo rogay wareegto madaxweyne ujeeddadiisu tahay in isaga looga danbeeyo. Wuxuunna aasaasay Maxkamadda Badbaadada. Waxa kale oo uu mamnuucay Baarlamaankii. In Jeneraal Qorsheel la xidhay iyada oo looga shakiyay inuu shirqool ku wado Kacaanka, iyo in erayo badan oo ay ka mid tahay ‘ Qoorsheel qoorta gooya’ ay ku faafeen Muqdisho, ayuu qoraagu xusayaa.
Waxa kale, oo qoraagu xusayaa in Gabayre oo qaybta Difaaca haystay la ugaadhsday oo la xidhay, misana dacaayad ahaan loo odhan jiray ‘ Gabayre Geedka geeya.’ Waxa kale oo Siyaad amray markii la xidhay ka dib in god dhulka hoostiisa ah la galiyo, oo halkaa lagu ciqaabo. Ninka ka mid ahaa taageerayaasha Gabeyre, qaraabo dhawna ay ahaayeen isna walla jidhdilay markuu muujiyay inuu diiddanyahay xidhidda Gabeyre. Sidoo kale qoraagu waxa uu xusayaa in qofkasta oo ka mid ahaa milliterigii dalka la wareegay, haddii uu ka soo horjeesto dil lagu xukumayay. Maxkamaddu markaa Salaad Gabeyre waxa ay ku xukuntay dil. Waliba si ay sharci ugu raadiso xadhigga iyo dilka Salaad Gabeyre waxa ay markhaatigashatay laba nin oo ay Siyaad Barre isku qabiilyihiin oo la kala yidhaa Maxammuud Geelle, iyo Cabdiqaaddir Xaaji Masalle. Labaduba waxa ay taageereen go’aanka ah in Gabeyre iyo Caynaanshe laga saarayo Milliteriga. Waxa kale oo jirtay in markhaati beenaayaal loo sameeyay, oo rag aan ogayn inta lacag loo ballanqaaday la yidhi eedeeya oo waxaa suu sameeyay dhaha, si dilkiisu sharci u noqdo! Rag badan oo ka mid ahaa shaqaalaha dawladdu inay goosteen oo waliba qurbaha u baxsadeen, misana qaarkood samaysteen dhaqdhaqaaqyo ay kaga soo horjeestaa Siyaad Barre, oo xataa dhaqaale iyo hub wayddiisteen dalalka debadda, ayuu qoraagu xusayaa.
Ka dar oo dibi dhal. Markii la fuliyay xukunkii dilka ahaa ee lagu xukumay Gabeyre, Caynaanshe, iyo Dheel; Siyaad Barre waxa uu isku dayay hab uu ku aamusiiyo dadkii mucaaradka ku ahaa ee nidaamkiisa diiddanaa. 23kii Jannaayo, 1975kii, maxkamadda Badbaadadu waxa ay dil ku xukuntay Toban Sheekh. Qaabka siyaasadeed iyo habka sharci ee Culimada loo dilayaa wuu ka duwanaa dilalkii hore. Kaliya Culimadani codkooga ayay koruqaadeen markii Siyaad Barre soo saaray Xeerka Qoyska oo ka koobnaa 49 Bogg, oo ahayd Digreetadii qoraal tii ugu dheerayd ee abid Siyaad Barre soo saaro, sida qoraagu ku doodayo. Qoraagu wuxuu xusayaa in Siyaad Barrre Shareecadii faraha la galay, gaar ahaanna waliba xeerarka la xidhiidha guurka, furniinka, nolosha labada isqaba, dhaxalka, sinnaanta ragga iyo dumarka. Oo waliba diiday xukunno badan oo Qur’aanka ku jira, oo ay ka midyihiin kuwa Suuratu An-Nisaa sheegayso ee dhaxalka, ee sheegaysa in labku qaadanyo labanlaabka Dheddiga. Oo Siyaad Barre yidhi way simanyihiin! Qoraagu isaga oo hadalka sii wada, waxa uu ku darayaa in Culimadu Masaajidda waaweyn ee Masaajidka Cabdiqaaddir ee Xamar ku yaallaa ka mid yahay ay ka sheegeen inuu xeerkani yahay mid debadda laga soo waariday, Islaamkaana aan sal ku lahayn, wax aan la aqbalayana ahayn. Halka Siyaad uu ku sii adkeystay xeerkii, waxanna aad u saamaysay Fekerkii uu Stalin Diinta ka haystay. Siyaad Barre wuxuu ku dooday in xilligii Qur’aanka in la isku xukumaa ay qasab ahayd la soo dhaafay, oo uu dhammaaday. Wuxuunna isaga oo Xeerkii sheegaya ku dhawaaqay; ‘ Maanta waxa aan idiin sheegayaa in Golaha sare ee Maxkamadda Badbaadadu uu go’aansaday in Gabdhaha Soomaaliyeed iyo ragguba ay simanyihiin, aynna leeyihiin xuquuq isku mid ah!’ Qoraagu wuxuu ku doodayaa in Siyaad wax aan hortii cidi faraha la gelin uu la galo, oo uu rabo inuu baddelo Diinta iyo dhaqanka meelo ka mid ah, waliba isaga jeebkiisa ka soo saaraya! Sidoo kale, wuxuu ku darayaa in arrimaha noocan ah ay adeegsadaan dadka doonaya inay dadku addoomo u noqdaan ama raba in xukunkoogu yara ballaadho, oo hadda oo kale Siyaad rabo inuu noqdo hoggaamiye Afrika laga yaqaan oo sumcaddiisu gaadho.
Tobanka Sheekh ee dilka lagu xukumay waxa ay kala ahaayeen sida qoraagu xusayo; Sheekh Axmed Sh. Maxammed, Sh. Cali Xasan Warsame, Sh. Absiye Diiriye. Sh. Muuse Yuusuf, Sh. Axmed Iimaan, Sh. Cali Jaamac Xirsi, Sh. Maxammed Siciid Xirsi, Sh. Aadan Cali Xirsi, Sh. Saleebaan Jaamac Maxammed, Sh. Yaasiin Cilmi Cilmi Cawil. Sidoo kale, Sheekhyada qaar lama diline waalla xidhay, waxaanna ka mid ahaa Sh. Ibraahin Suuleey, iyo Sh. Maxammed Macallin oo markii uu Xajka ka soo laabtay 10 sano lagu xukumay! Qoraagu isaga oo qoraayo hore oo uu soo xiganayo la qaba waxa uu qabaa in dilkaa Culimada iyo dadkii ka horreeyay ee xaqdarrada lagu dilay ay saamayn ku lahaayeen inuu daciifo, ama dhacaba maammulkii Siyaad Barre.
Qaybta Saddexaad, waxa uu ladh uga dhigayn “ From Clanised to Criminalised State: Tyranny.” Halkaa wuxuu ka bilaabay Cutubkii Shanaad oo isna cinwaankiisu yahay “ Plunder, Predatory Power, and Political Economy .” Waa qayb xoogga saaraysa in qofka qabiilkiisa dambiile looga dhigo, iyada oo qabiilkiisa la yasayo ama cunsuriyad kalaba lagu wado. Cutubkuna wuxuu innoo qadhiidhayaa boobka, iyo sida awooddii dhaqaale iyo maammulba loogu tagrifalay, ee gaar ahaan Siyaad ugu qooqay.
Qoraagu waxa uu ku doodayaa in markii koowaad ba Maammulkan Siyaad dhinaca shakhsiyadda inuu iska dhiso isku dayay, oo sameeyay Wargeysyo iyo meelo kale oo si maalinle ah Kacaankiisii wax looga qoro. Xiddigta Oktoober buu sameeyay, oo uu ka dhigay Wargeys Rasmi ah oo si maalinle ah wax uga qora, oo ammaana aasaasaha Qaranka iyo Aabbaha dalka! Waxa kale oo qoraagu ku sii darayaa, marka laga yimaaddo qaybtaa Af Soomaaliga ku soo baxda in ay jireen laba qaybood oo kale oo iyaguna Af Carabi iyo Tg ujn7h8gtalyaani ku soo kala bixi jiray, oo isla magacaas Xiddigta Oktoober watay. Waxa kale oo shardi ahayd in bogga hore ee Wargeyska lagu qoro HALKUDHEG ama Hadal uu leeyahay Siyaad Barre. Taa tu la mid ah waxaa sameeyay hoggaamiyihii Koongo markii uu xukunka la wareegay wuxuu soo rogay Telefishanka qaranka in isaga aad loogu ammaano. Arrintaasina in ay kaliteliyayaashu caan ku yihiin oo ay dhaqankooda tahay ayuu Qoraagu qabaa.
Sidoo kale, waxa qoraagu ku doodayaa in Siyaad qasab ka dhigay in loogu yeedho ama marka la khudbadaynayo ee la soo hadalqaado la yidhaa ‘ Aabbo Siyaad, Aabbihii Qaranka, Aabbihii Xikmadda IWM.’ Iyo in Siyaad Barre Sawirkiisa meelkasta lagu dhejiyay, Tukaannada, magaalooyinka…..xataa Cusbitaallada dadka xanuunsan yaallaan, gaar ahaanna waadhadhka. Qoraagu waxa uu ka warramayaa Bukaan ku jiray Cusbitaalka Digfeer, in sawirka Gidaarka ku dhejisan ee Siyaad dhibay oo markasta oo uu arko Dhiiggu ku sii kacayo. Waxa dhiiggu ku kacayo ayay iswayddiiyeen Dhakhtarradii, dabadeed waxaa loo sheegay inuu sawirkaa gidaarka sudhan ee Siyaad oo bukaanku wax ka tirsanayo yahay sababta ugu weyn ee dhiiggu la kacayo ayaa loo sheegay. Dhakhaatiirkii waxa ay Kalkaalisooyinkii kula taliyeen in bukaanka laga qaado halkan oo la geeyo qol bilaa sawir ah, arrintii waxaa diiday maammulka Dhakhtarka, iyaga oo iyaguna ka cabsanaya ‘Aabbaha Dalka.’
Sida qoraagu qabo Siyaad qof bini’aadan wax dheer ayuu isku qaatay. Qoraagu isaga oo sii xiganaya Dr Maxammed Cabdi Gabboose oo ahaa Dhakhtarkii gaarka ahaa ee Siyaad Barre, inuu sheegay in Magaca Siyaad u taaganyahay ‘ Diin’ oo kale, halka ‘naftiisu ama shakhsiyaddiisuna u dhadhawaanayso Mid Ilaahay!’ Waxa kale oo qoraagu ku sii darayaa isaga oo ka soo xiganaya khubadihii Jaalle Siyaad galay, iyo Waraysi Telefoon oo uu la yeeshay Maxammed Cali Kamoole, in Siyaad Barre dadka wayddiin jiray ‘ Yaa ku abuuray?!’ haddana isaga oo khudbad jeedinaya uu yidhi; ‘ Aniga ayaa idin sameeyay, wax idin baray, aniga ayaa idin abuuray!’ markuu intaa isku soo geegeeyo qoraagu wuxuu qabaa in Siyaad Maskaxda ka xanuunsanayay, wuxuunna inna leeyahay ‘ Qaar ka mid ah Dhakhaatiirtiisiisii waxa ay ogaadeen in xaaladdiisa maskaxeed ay la xidhiidho waxoogaa waalli ah.’ Bogga 124. Markale, qoraagu wuxuu qabaa in Siyaad qabay xanuunka loo yaqaan ismahadinta ‘Narcissism .’
Halkaa markuu qoraagu marayo waxa uu soo dhexgelinayaa Naanaysta AFWENE oo uu Siyaad lahaa, oo inta badan la moodo in dhawaan cunsurimmo loogu bixiyay, oo waliba ay u bixiyeen Dadkii ku noolaa dhulkii loo yaqaannay Gobollada Waqooyi. Waa been xaqiiqada ka fog. Sida qoraagu xusayo Siyaad yaraantiisii ayaa Naanaystaa loo yaqaannay oo loogu yeedhi jiray. Wax dhawaan la bixiyay maaha, sida aynna u ahayn cay. Mana aha Naanays xune waa sifo kaliya uun. Sida qoraagu xusayo, markii dadkii uu Xabsiyada ka buuxiyay ee qaar uu dilo, qaar la xidho, iyo kuwo u dullooba noqdeen, waxaa lagu heesi jiray; ‘ Afgooye aad, afkaaga xidho, ama Afweyne raac.’ Ka eeg bogga 126.
Waxa kale oo qoraagu qabaa in dad badan isku dulleeyeen Taliskaa, oo xataa inay qabiilkoodii shakigeliyaan keeneen. Dadka uu qoraagu xusayo waxaa ka mid ah Cali Samatar, oo Sarreeye Guuto ahaa. Cali wuxuu marar badan caddeeyay in uu fulinayo amarkasta oo madaxweynuhu soo saaro. Xataa waxa uu sheegay sida qoraaguba ka soo xiganayo ‘ Dualeh; From Barre to Aideed, 39.’ Wuxuunna yidhi; ‘ Waxa aan leeyahay mataano la kala yidhaa Xasan iyo Xuseen. Haddii Madaxweynuhu Tusaale ahaan yidhaa Xuseen maaha wiilkaagii, waxa aan raacayaa Amarka Madaxweynaha wiilkaasina waan diidayaa oo ma dhalin.’[2]Wuxuu xusayaa qoraagu in Cali samatar uu ka dhashay Qabiilka la yidhaa Tumaal, balse wuxuu ku dooday inuu yahay Qabiilka Ciise Maxammuud ee ka mid ah Majeerteenka. Waxa qoraagu inna leeyahay sheegashadan uu sheegtay Cali Samatar Majeerteen waa mid u dhawaynaysa Siyaad Barre, oo uu ku soo dhawaysan karo, maadaama Siyaad aad tixgeliyo qaraabokiilka iyo qabyaaladda.
Cutubka Lixaad, waxa uu ladh uga dhigay ‘ The Politics of 1977 War and its Ramification ~ Siyaasaddii dagaalkii 1977kii, iyo saamayntiisii.’ Waxa uu si guud uga warramayaa dagaalkii uu Siyaad Barre oo Soomaaliya hoggaaminayaa la galay Itoobbiya oo Mingiste hoggaaminayay. Qoraagu waxa uu ku doodayaa in dagaalku ahaa mid siyaasadeed oo labada Talisba ku doonayeen inay awooddooda soo bandhigaan. Balse, dhab ahaan siduu ahaa dadka laga qariyay. Qoraagu wuxuu qabaa in Siyaad Barre fursad uu ka helay jileec dhinaca uu ka arkay, maadaama Boqorkii hore ee Xayle Salaase oo muddo badan xukumayay uu ka tagay xilkii oo la afgembiyay, nin cusub oo Mingiste la yidhaana uu qabsaday xukunkii, Mingistana aad uma fahansana dalka oo wuu ku cusubyahay, xilkana wuxuu qabtay Febraayo 3, 1977kii, halka dagaalkuna bilaambay June 15, 1977kii.
Dagaalkii wuu bilaabmay Ciidamadii Soomaaliyana iyaga oo niyad ahaan iyo qalab ahaan dhisan, riyadooduna tahay inay dadka Soomaaliyeed ee Itoobbiya ku nool ka xoreeyaan ayay galeen. Qoraagu wuxuu iswayddiinayaa su’aal ah; Muxuu Siyaad uga werwersanyahay/walaacsanyahay ama doonayaa Soomaalida Itoobbiya in ka badan inta uu ka werwersanyahay ama doonayo Soomaalida Kiiniya? Dabadeed, wuxuu leeyahay labo sababood ayaa keenay in Siyaad u daneeyo Soomaalida Itoobbiya in ka badan kuwa Kiiniya. Labada sababood midi waa mid shakhsiyadeed, ta kalana waa mid qabiileed. Ta shakhsiyadda wuxuu ku sheegay inay tahay ku dhalashada uu ku dhashay, kuna barbaaray, qaangaadhna ku soo gaadhay dhulkaa Soomaali Galbeed, degmo ahaanna uu ka soo jeedo. Ta labaadna wuxuu ku sheegay inay mid qabiileed tahay, oo uu rabay inuu ku taageero qabiilka Ogaadeenka oo halkaa deggan, maadaama ay isku dhawyihiin Mareexaanka uu ka soo jeedo. Sidoo kale, qoraagu waxa uu waxka taataabanayaa in Siyaad dad badan ka codsadeen inuu dagaalka joojiyo, balse uu diiday. Dadka u yimid waxaa ka mid ahaa Vidal Cestro oo Kuubba ka socday, Muqdisho ayuu yimid. Siyaad Barre ayuu la kulmay, inuu xiisadda qaboojiyo ayuu ka codsaday, se Siyaad Barre ma yeelin.
Qeybta Afraad, waxa uu qoraagu ladh uga dhigay ‘ The Calamity of the State: The Terror ~Dhibaatada Qaranka…’ Cutubka Toddobaad oo qaybtan ku hoosjiranaya wuxuu ka dhigay; ‘ The Exploitation of Clan as Political Resource.’ Wuxuu si guud ugaga warramayaa masiibadii qaranka ku habsatay, gaar ahaanna in qabiilku awooddii dalka la wareegay oo khayraadkii qabiil lagu qaadanayo. Qoraagu wuxuu ku doodayaa in Siyaad Barre uu qabyaaladdii sii sarrifay, oo xataa qabiilkii uu ka dhashay laflaf iyo jilibjilib wax ku qaybiyay illaa la gaadhayay qoyskii hoose ee uu ka soo jeeday. Sidoo kale wuxuu xusay in Sayid Maxammed Cabdulle Xasan iyo Siyaad Barre ay waxyaabah qaar uu qabiilka iyo isirku ka midyahay ay waynayn jireen.
Waxa kale oo qoraagu ka warramayaa Siyaad markii dalka waxoogaa haystay, gobollo ayuu u qaybiyay. Waliba 18 Gobolbuu ka dhigay. 18 kaa gobol qaab nooceeya ayay ahaayeen. Sidanay ahaayeen:
The Clan Distribution of the Region[3]
Clan Groups
Original 8 Regions
18 new Regions
The Outcomes
Hawiye
2
3
+1
Isaaq
2
2
=2
Daarood
2
7
+2
Digil/Mirifle
2
2
=2
Dir
Nil [waxba]
1
+1
Other communities
Nil
1
+1
Total in Number
8
18
10
Intaa ka gadaal, wuxuu qoraagu xusayaa muquunintii siyaasadeed ee qabiilka ku dhisnayd. Wuxuu aad uga hadlayaa sida uu Siyaad reerka guud ahaan uu ka soo jeedo [ Daaroodka], gaar ahaanna reeraha hoose [Marreexaan/Reer Diin/Reer Kooshin/Reer xasan Kooshin/ Reer Barre] ee uu ka dhashay ugu eexday ee qabiiladii kale ee Soomaalida uga eexday. Shaqaalihiisa, dadka u dhawdhaw, iyo kuwa shaqaalahaba inuu reerkiisa aad ugu badiyay ayuu qoraagu ku doodayaa. Sidoo kale, qoraagu wuxuu qabaa in waxa loo yaqaan MODH oo ah Marreexaan, Ogaadeen, iyo Dhulbahante ay awooddii maroorsadeen. Isaga oo qoraagu soo xiganaya, wuxuu u kala qaybiyay B) Marreexaanku qayb libaax ayuu qaaatay. T) Ogaadeenka qayb Hareemacad. J) Dhulbahantuhuna qayb Waraabe qaatay. Marka kale, qoraagu wuxuu leeyahay Marreexaanku maalintii koowaad oo noqonaysa 21kii Oktoobar ayay lahaayeen, waa malintii Kacdoonku dhacaye. Ogaadeenkuna maalintii kabaad oo ah 22kii Oktoobar, halka Dhulbahantana maalintii saddexaad oo noqonaysa 23kii Oktoobar. Markale, Marreexaanku Awoodda ayay jaqayeen, Dhulbahantana qabka, halkan Ogaadeenka Budada caanaha. Marka Daaroodka laga soo dego ee Marreexaanka oo Siyaad ka dhashay la yimaaddo, wuxuu qoraagu qabaa inuu kala dhawaystay Marreexaanka laftiisa, sida uu Daaroodkaba u sii kaladhawaystay.
Cutubka siddeedaad ee buugga ladhkiisu wuxuu yahay; ‘ The Family Affair and the Absence of Escape.’ Waxa uu kaga warramayaa sida Qoyskii Siyaad oo xataa gacalkii iyo xigtadii wataa uu Qarankii iskugu koobay. Iyo inay kooxo dulmigaa iyo caddaalad darradaa diidan ay samaysmeen. Kooxaha xaqudirirka ah ee samaysmay waxaa ka mid ahaa SSDF, SNM, SSF iyo kuwo kale. Dhammaan waxa ay diidanaayeen sida Siyaad iyo tolkii qarankii ugu ururay qabiilladii kalana la qadiyay. Innaga oo qoraaga ka soo xiganayna bal aynnu eegnay sida Siyaad Xilalkii iyo awooddi qaranka gacanta ugu galiyay qoyskiisa:
– Maxammed Siyaad Barre, waa qofka ugu awoodda badan Qaranka.
2- Maama Khadiija, waa xaaskiisa, waanna gabadha awood aan ta Siyaad ka dhicin leh.
3- Jeneraal Maslax M. Siyaad Barre, waa Madaxweynaha inankiisa, waanna Taliyaha Ciidanka.
4- Cabdiraxmaan Jaamac Barre, waa sawiirka Arrimaha Debadda, markii danbana noqday Wasiirka Maaliyadda. Waa madaxweynaha Ina adeerkii.
5- Jeneraal Maxammed Siciid Xirsi (Moorgan), Waa ninkii Hargeysa dumiyay sida qoraagu xusay. Wuxuunna qabay Madaxweyne Siyaad Waasjii Saynab.
6- Ayaanle M. Siyaad Barre, wuxuu ahaa Kaaliyaha Madax. Siyaad Barre ayaan dhalay.
7- Cabdullaahi M. Siyaad Barre, Madaxweyne Siyaad ayaa dhalay, wuxuunna ahaa Wasiirkuxigeenka Caafimaadka.
8- Faadumo Maxammed Siyaad Barre, waa inanta Madaxweyne Siyaad. Waxaynna ahayd gabadha ugu awoodda badan bangiga dhexe.
9- Canab Maxammed Siyaad, waa inanta Madaxweynaha, waxaynna ahayd qofka labaad ee ugu awoodda badan wasaaradda Maaliyadda marka laga yimaaddo Adeerkeed Cabdiraxmaan Jaamac Barre.
10-Xasan Maxammed Siyaad, waa inanka Madaxweynaha wuxuunna ahaa madaxa qalabka Ciidanka.
11-Xaawa Maxammed Siyaad, waa inanta Madaxweyne Siyaad, waxaynna ahayd Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dalxiiska.
12-Diiriye Maxammed Siyaad, waa inanka Madaxweynaha wuxuunna Lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha.
13- Cabdiqaaddir Xaaji Masalle, Qabiil ahaan bay aad iskugu dhawaayeen wuxuunna ahaa lataliyaha Madaxweynaha.
14- jeneraal Cabdi Xaaji Xaashi, Madaxweynaha ayay Seeddi ahaayeen.
15- Jeneraal Cabdinaasir Xaaji Xaashi, Madaxweynaha ayay Seeddi ahaayeen.
16- Jeneraal Maxammed Xaashi Gaanni, Wuxuu ahaa taliyaha ugu awoodda badan ee haysta Waqooyiga, sidoo kale wuxuu noqday wasiirkucigeenkii Difaaca iyo Beeraha.
17- Sh. Maxammed Guuleed, Wuxuu ahaa wasiirkii caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.’
18- Mahad Dirir Guuleed, wuxuu ahaa Wasiirkuxigeenkii Kalluunka iyo Gaadiidka.
19- Maxammuud Geelle Yuusuf, Wuxuu waqti dheer Madax ka ahaa Maxkamaddii Badbaadada Kacaanka.
20- Cabdi Xoosh Ashkir, Wuxuu ahaa Dirawel Ciidan, intii ka danbaysay 1969kiina wuxuu noqday ganacsada ugu hodan Dalka. Waxa ay hayb ahaan isku dhawaayeen Maama Khadiija, sidoo kale ganacsi wadaag ayuu lahaa reerkan Taliya. [4]
Qeybta u danbaysa, waxa ladhkeedu yahay ‘ The Cacophony of Control: Torment ~ Maammulxumo: Ciqaab/saxariir.’ Cutubka Tobnaad waxa cinwaankiisu yahay ‘ The Outbreak of the Uprising: The Downfall ~ Qaraxii kacdoonka: Dhicid.’ Qaybtan qoraagu waxa uu kaga warramayaa dhiciddii dawladdii Siyaad, iyo sannadihii u danbaysayba cagihii jilicda sanaa ee ay ku taagnayd. Qoraagu wuxuu ku doodayaa in xaaladdu marba marka ka danbaysa ay sii qadhaadhaanaysay oo sii xumaanaysay, Taliskana awooddiisii sii wiiqmaysay, gabbalkiisiina dhacayay. Qoraagu wuxuu xusayaa in dhammaadkii sannadkii 1990kii Dawladdii Siyaad Barre gadhwadeenka ka ahaa Caasimadda inteedii badnayd lagala wareegay. Taliskiina hadda Doon heehaabaysa oo meel ay ku degtaa jirin uu noqday. Jeneraal Cayddiid oo USC watay ayaa magaalada kharbudaad aan yarayn ka wada, oo Milliterigii USC waxa ay Caasimadda Muqdisho soo galeen Jannaayo 19, 1992kii. Siyaad Barre, hadda hadhcad ayuu taaganyahay oo inuu qaxo ayuu ku dhawyahay, sida qoraagu ku doodayo ee soo xiganayana Jannaayo, 26, 1991kii ayuu Siyaad Barre ka qaxay Vill Soomaaliya, waliba codsi ma ahayne in lagu qasbay ayuu uga baxay sida qoraagu qabo. Sidoo kale, kooxo badan ayaa Muqdisho ka jiray. Kooxahaa waxaa ka mid ahaa Maanafeesto.
Maanafesta Group iyo Mustahiil Group oo ciidankii Cayddiid ahaa ayaa isku qabtay Siyaad Dabadii cidda hoggaaminaysa. Siyaad maadaama maalintii xigtayba qaxay sida Qoraagu qabo, Kooxdii Cayddiid iyo Maanafeestadii waxa ay isku qabsatay ciddii xaqa u lahayd ka hadalka Radio Muqdisho si ay ugu dhawaaqaan guusha.
Waqtigan xaaladdu qasnayd ee Siyaad Barren Kursigii isku sii adkeeyay dad badan ayaa ergo ugu yimid oo ka codsaday maadaama la diiday inuu iscasilo oo Qaranka u tudho, wuu diiday oo inuu sii haynayo ayuu ku adkeystay, sida qoraagu xusayo. Bixiddii Siyaad ka hor markuu ogaaday inuuna wax rejo ah ka lahayn maammul danbe, sida qoraagu ku doodayo wuxuu isku dayay inuu hab kale oo ay dadku ku afgartaan inuu kula hadlo. Waakan Radio Muqdisho war marinaya ee dadka isku dayaya inuu Farriin Diineed hawada u mariyo ‘ Dadka Soomaaliyeed waa inay xasuustaan oo ay mahadiyaan Alleh…’ sidoo kale, dadka wuxuu ugu baaqayaa inay dhulka qotaan oo kheyraadka ceegaaga kala soo baxaan.
Markaa Siyaad Barre ka baxayo Villa Soomaaliya, Albaabka Ganjeelka ee wayn ayuu isaga oo yaabban ka baxayaa. Dabadeed, waa laga soo dabagelayaa oo cadawgii riday ayaa ka soo dabagalay, sida qoraagu xusayo isaga oo ka soo xiganaya Sh. Axmed Mursal oo ahaa ilaaliyihii Madaxtooyada oo The New Work uga warramay. Sidoo kale, qoraagu waxa uu xusayaa in Magaalada Qabiilkasta oo ka mid ah Qabiilka Hawiye uu qayb ka mid ah magaalada haystay, oo ay xoreysteen. Habargidir iyo Abgaal, waxa ay si wadajira u qabsadeen Villa Soomaaliya ayuu qoraaya leeyahay. Siyaad Muddo ayuu Kismaayo ku sugnaa. Sida qoraagu xusayo Jeneraal Cayddiid ayaa Kismaayo galay Abril 24, 1991kii, dabadeed Siyaad ayuu ku qasbay inuu ka baxo oo uu Baardheere tago, dabadeed usii dhaafo Buurdhuubo.
Sida qoraagu soo xiganayo, gabadh Talyaani ah oo Wariye ah ayaa Siyaad Barre Buurdhuubo ku waraysanaysa bilowgii 1991kii, Siyaad wuxuu ku doodayaa inuu Muqdisho uga yimid si uu isku ilaaliyo: Is ilaalin. Waliba Talyaani ayuu ku sii hadlayaa oo wuxuu odhanayaa ‘Abosto ( Okay) in Muqdisho- xaaladda Muqdisho waa sax.’ Waxa kale, oo uu ku dooday Siyaad in Markii uu Muqdisho ka imanayay in in xataa Dahabku Bangiyada yaallay. Hadalkaa Siyaad qoraagu wuxuu ku deeddifaynayaa oo uu leeyahay ‘ Xaqiiqdii isaga iyo qoyskiisii waxa ay la qaxeen Kiishash Lacag ah, oo ay ku jiraan Malaayiin lacag ahi, maadaama Furihii Bangiga dhexe ay haysay Inantiisii Faadumo ..” Bogga 230. Dhinacaa koonfurta Kooxahaa uu Cayddiid hoggaaminayo ayaa haysta, dhinacii waqooyina Jabhaddii SNM ayaa la wareegtay oo qabsatay.
Cutubka 11aad, ayaynnu hadda galaynaa, waanna kii ugu danbeeyay buugga. Qoraagu waxa uu ladh uga dhigay ‘ The Reality and Realignment of 1991.’ Wuxuu kaga warramayaa Sannadkaa 1991kii dhacdooyinkii dhacay iyo dhabnimadoodii. Qoraagu judhaba wuxuu soo guurayaa Jabhaddii USC. Jabhaddaa wuxuu sheegayaa qoraagu in lagu eedeeyay inay wadday olole ka dhan ah Daaroodka (oo ah qabiilka Siyaad guud ahaan ka soo jeeday). Waqtigaa Dawladdii Siyaad dhacday, waxaa uu qoraagu soo guurinayaa in xaaladdii faraha ka baxday, oo qofkastaa isagu naftiisii ka masuul noqday. Wax xeerar ah oo qofka qabtaa ma jiraan, ayuu qoraagu inna leeyahay. Sida uu ka soo xiganayo Axmed Cabdulle Cismaan oo ahaa Lataliyihii Jeneraal Cayddiid, wuxuu leeyahay ‘ Qofku qoribuu haystaa, waynna adegtahay in la maamulo..’ Sidoo kale, Odeygu inankiisa ma maammuli karo, waayo qoribuu sitaa.
Labadii nin ee xilka isku qabsaday, waa Jeneraal Cayddiid iyo Cali Mahdi e, ayuu qoraagu ka warramayaa. Intuuna uu aaraaran wuxuu ku yara diganaya Siyaad Barre, maahmaah ayuu u soo xiganayaa, wuxuunna leeyahay; ‘ Waddankan aynnu jaarka nahay ee Itoobbiya waqtigii lagu jiray taliskii Mingistu waxaa jirtay Maahmaah digniin ah oo ahayd iskaga fagow siyaasadda iyo Korontadaba, sida ay kuu dilayaan oo kale (way ku diliye).’ Dabadeed wuxuu ku eedaynaya Xididku qabiilku inuu ninkaa Siyaad Barre ka soo fufay. Cali Mahdi, inu Muqdisho kacdoonka ka hor ku soo laabtay ayuu xusayaa. Halkaa marka ay marayso, wuxuu qoraagu xusayaa in Cali Mahdi Madaxweyn isku doortay ama dadka qaar u doorteen, dabadeed ay diideen hoggaamiyaaal badan oo uu Jeneraal Cayddiid ka mid yahay. Sidoo kale, wuxuu ku darayaa waqtigaa in SNM aynna ku dhawaaqin Goonni isutaaga Soomaalilaan, oo rag ay ka mid yihiin Siilaanyo iyo Buubaa ay ka warramayeen Madaxweynahan isdoortay ee Cali Mahdi iyaguna ay lahaayeen ma garanayo, oo lama dooran. Ugu danbayn SNM waxa ay ka soo horjeesatay Cali Mahdi, oo xagga Cayddiid ayay u yara iilatay, sida qoraagu qabo. Waxase lagu wada heshiiyay in USC ay Koonfur maamusho, SNM na Waqooyi inta xal la helayo. Dabadeed qoraagu wuxuu qabaa in Waqooyi cabashadoodii lagu fashilmay illaa SNM Waqooyi kaga dhawaaqday Soomaalilaan 18kii May 1991kii, koonfurna Cali Mahdi qabsaday.
Dabadeed Cali Mahdi, oo weli rejo ka leh Soonoqashada Waqooyi ayaa nin ka soo jeeda Waqooyi oo Isaaq ah ( Waa Cumar Carte Qaalibe) u doortay Raysalwasaare, sida qoraagu xusayo. Cayddiid, qalaalaase badan ayuu sameeyay sidii uu Cali Mahdi ugu xumeyn lahaa isna uu xilka u qaban lahaa waxyar ka dib wuu qabtay xilkii, oo sida qoraagu ku doodayo waxa uu noqday Siyaad Barre hii labaad ee Soomaaliya.
Hadda gebagebii, ayaynnu buugga maraynaa. Qoraagu intaas ayuu ku soo koobayaa. Waxaanna ku xiga uun arartii uu ku soo xidhayay buugga, iyo xigashooyin tirabeel ah oo badan.
Gebagebo
Haddii aynnu buugga si guud iskula dulmarnay, intii ugu muhiimsanayd ama halkii laxdu u dhimatayna aan kuu soo qadhiidhay, shakhsi ahaan buugga waxa aan dhaliil u hayaa in qoraagu meelaha qaar (waliba gaar ahaan Siyaad Barre) uu ku talaxtagay, oo uu aad u yara jafay. Inta badanna uu ku doodayo in waxa dhacay uu Siyaad abuuray. Sida kale, buuggu waa heersare oo qoraagu xogkasta halkii uu ka keenay wuu sheegayaa, waxaynna u badanyihiin kuwo looga horreeyay oo hortii la sheegay. Aad baan ugu bogaadinayaa qoraaga buuggaa dhaxagelka ah ee uu qoray.
Cidkasta oo jecel taariikhda waxa aan kula talinayaa inay buugga akhrido, si ay ku akhrida.
Dhammaad.
[1] Ka eeg Buugga, Boggiisa 76).
[2] Buugga, Bogga 125.
[3] Bogga 173, ee buugga.
[4] Buugga Bogagga [ 190-191].
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Ardey, Aqoonbaadhe, Gorfeeye iyo Hal’abuur Madaxbannaan.
Boorama, Awdal.
May, 2019