Marka hore Illaahay Marxuum Maxamed Baashe Xaji Xasan hawnaxariisto jannooyinkiisa qaaliga ahna Alle haku casuumo, ย Caruurti iyo qoyskii & innagana ย Samir iyo iimaan ย haynaga siiyo aamiin.
Maxamed Baashe Xaji Xasan ย waxan la kulmay markii iigu ย horraysay ย sannadkii 1989-kii, goobtu waxay ahayd ย Waddankii laysku odhan jiray ย “Jukuslafaakiya Magaaladda Prag” waxaanu ka koobnayn 7-Ruux. ย Wakhtigu wuu adkaa annaguna socdaal dheer ayaanu soo galnay cid kamanaan garanayn Waddanka aanu nimi waxaanu ย aragnay Nin ย Itoobiyaana markaanu Garoonka Diyaaradaha ka soo degnay .
Si deg deg ah ayaanu u waydiinay inuu garanaayo cid Soomaali ah oo Waddanka degan . ย Waxuu nagu yidhi “Wax Soomaaliya Ninbaan aqaana” Wuxuu ย noo keenay Maxamed Baashe ย Xaji Xasan Alle Hawnaxaristo ย marxuumku ย xiligaa arday ayuu ย aha waxaanuu ku ย jiray qol-yar oo kamid ah meelaha ardaydu seexato. ย Maxamed Baashe Xaji Xasan waxuu todobayadii Ruuxba ku qaabilay waji faraxdi ku ย dheehantahay waxuuna na ย geeyey meel aanu wax ka cuno . ย Huteel naamuu ย dajin karayn maadaama oo uu arday aha markiiba wuxuu go’aansaday inuu qolka yar ee ย uu daganyahay nagu marti galiyo.
Waxaanan ย ilaabin marnaba ย inuu isagu seexday halka kabaha la dhigto isagoo wixii ย la huwanaayey ama la goglanaayey annaga na siiyey . Aroornimadii intuu na quraaciyay ayuu na geeyey meesha Tareenka laga raaco isgoo noo tilmaamay qaabka aanu Sweden ku ย gaadhi karno iyo tallooyin dhaxal gal aha oo uu nagula sii dardaarmay. ย Wuxuu waligiiba aha Nin Dhaqan, wuxuu aha Shakhsi qalbi fiican oo garasho dheer. ย Alle Hawnaxaristo innagana Samir iyo Iimaan haynaga siiyo Amiin.
waxa qooray Sir Maxamuud Cumar Cabdi