Muna meeday? (WQ: Liibaan Awaleh Liibaan “LCL”)

Maalintan aroor ayay ahayd. Habeenimadii saqdhexe ayuu roob da’ay. Wali waan xasuusta. Subaxnimadii ayaa laydh yar oo macaan daaqadda oo aanan habeenimadii xidhin iga soo gashay. Falaadhaha cadceeda oo amar la’aan faamulaydhka kasoo gudbayna, waxa ay toos ugu soo dhaceen furaashkayga waliba qaybta makhadada ee madaxaygu xigo.

“Saaxiib,haddii aan dabeecadayda wax kaga sheego, aniga oo hurda haddii aan iftiin arko maba sii hurdo.” Bal adna? Hurdada ayaa ka booday. Waa 6tii subaxnimo iyo badh. Waxaaba ku cadaynaya ci’da shimbiraha ee codadka kala jaadka le. Ala maxaa ka macaan! Waxa aan bannaanka ugu baxay jawi aan qaboobayn, oo aanan kululayn. Cadceed aad jeclaanayso in aanad ka kicinba. Waxa aan yar hoos fadhiistay, geedka xafadda ku horyaala oo isna saaka laydh cajiiba le. Halkaas ayaan ku yar cadayday. Muddo 30 daqiiqo ayaan isku diyaariyay, kadib ayaan baxay.

Hadda saacadu waa 7dii dii subaxnimo. Xiligan suuqa waxa aad ku kulmaysaan uun, dad shaqo tagaya, kuwa aalamiitaynaya, ardayda madarasadaha quraanka iyo qolyaha nadaafadda meharadaha iyo wadooyinka. Ayduna kama maqna. Muddo markaan socdo, ayaa dariiqa dhinaciisa ku arkay, “City Coffee and Snack Cafeteria” waan fadhiistay waxa aan kula kulmay shaqaale aad u firfircoon oo aan ka helay qaabka uu isoo dhoweeyay iyo cunto tayo leh.

Magaciisa waa ibraahin. Waa nin dabeecad fiican oo cibaado ka muuqato. Waa nin shaqo yaqaan ah oo haddii aad isbarataan, ilaa uu ku salaamo oo uu ku adeego aanan nafiseen. Bal yar booqo! Boowe wali ma la saaxiibtay shaqalaha meheradda aad ku xiran tahay? Miiska xisaabta markii aan soo istaagay, ayaan kula kulmay gabadh joog wanagsan oo aan dhuumnayn, kuus kuusna ahayn,kkk oo dhexdhexaad ah. Oo ilaahay ku galaday midab milicsiga isha u roon oo qofkii arkaayi uu ka mabsuudayo maalmana maankiisa ku haynayo.

Amarka ilaahay bal eeg isku beegyadda dhacay, Markaliya ayaan lacagtii wadda dirnay. Markaliyana meherada ayaan ka wadda baxnay oo isku hal dariiq ayaan marnay. Hal bas na waan wadda raacnay ileen shaw hal meel ayaan u wadda soconaa. Waa Jamacadda Camuud oo aan u xiisnay fasax dheer kadib iyo iyaddda(Camuud) oo nagu soo dhoweysay, dhir qurux baddan iyo dariiqyo kabaha boodhka iyo saxarka u diidaya. Gudoon iyo aqbal wacan.

Bal u soo laabo Gobaadii aan baska wadda saarnayn. Markaliya cagta aan isla helno. Afka aan iskala galo! Ileen haddaan sidaas samayn waayo, dadka nimcaddan ag soc socda waxba kama duwaniye. Barasho kadib, kaftan dheer waxa aan soo gaarnay, halkii aan ku kala weecanaynay. Waxa aan ku balanay in aan hal bas ku wadda laabano. Waxa aan u qorey nambarkayga nasiibdaro nambarkeedana kama qoran! Maalintii dabadeeed jamacadda kuma arag. Magaladdana kuma arag. Bes wax looga ah waxa aan haystaa wajigeeda ku savgaraysan qalbigayga. Magaceeda oo Muna Bes khlaas. Tan iyo maalintaas waxa aan ku heesayaa: “Waxaan dhowrayaa wali, Dhegtuna ay sugaysaa, Telefeeonka soo dhaca.

Mention dhe Muna haddii aad taqaan.

Qalinka: Liibaan Awaleh Liibaan (LCL)