Xuutiyiinta ayaa mar kale gantaan ku ganay Riyaadh

Xuutiyiinta ayaa mar kale gantaal ku ganay Sucuudiga, sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka ee Sucuudiga.

Waxaa sidoo kale warkan ku xaqiijiyey af-hayeen u hadlay Xuutiyiinta oo magaciisa la yidhaa Maxamed Al-Bukhaiti.

Gantaalkan ayaan wax dhibaato gaysan, waxaana la rumaysan yahay in uu ku jihaysnaa madaxtooyada Riyaad.

Sucuudiga iyo Maraykanka ayaa dhawaan ku eedeeyey Iiraan  in ay siisay Xuutiyiinta gantaallo gaadhi kara dhibaatana ka gaysan kara dhul-waynaha Sucuudiga.

Waa gantaalkii saddexaad ee saddex bilood gudahood ay Xuutiyiintu ku ganaan Sucuudiga.

Gantaalkan ayaa sababi kara xamaasad hor leh oo ka dhalata labada dal ee baryahanba  isku maatmaatinayey.

bandhige@gmail.com