Cyril Ramaphosa: Madaxweynaha dhexda ku soo jira ee Koonfur Afrika

Madaxweyne-Xigeenka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa shalay dirqi kaga guulaystay xaaskii hore ee madaxweynaha Koonfur Afrika Nkosazana Dlamini-Zuma. Waxa loo tartamay guddoomiyenimada xisbi-siyaasadeedka ugu Koonfur Afrika ee la yidhaa African National Congress (ANC).

Ramaphosa wuxu ku guulaystay 2,440 halka Dlamini-Zuma’s ay ku guulaysatay 2,261.

Xisbiga ANC waa kii uu hoggaamin jiray Nelson Mandela oo ku guulaystay in uu Koonfur Afrika ka xorreeyo nidaamkii midab-kala-sooca ahaa. In kastoo muddadii uu hoggaaminayey madaxweynaha taladaha haya Jacom Zuma ay sumcadda xisbigani aad hoos ugu dhacday, haddana waxa si weyn loo aaminsan yahay in qof kasta oo ku guulaysta guddoomiyenima ANC uu noqonayo madaxweynaha soo socda ee Koonfur Afrika. Waan taas sababta hadda loo aamisan yahay in Cyril Ramaphosa uu yahay madaxweynaha soo socda Koonfur Afrika.

Waa kuma Ramaphosa?

Ramaphosa wuxu ku dhashay Koonfur Afrika 17kii November 1952kii. Waa siyaasi iyo ganacsade aad looga yaqaan dalkaas.

Ramaphosa wuxu ahaa ganacsade aad looga yaqaan Koonfur Afrika ilaa sannadihii 80maadkii, wuxuuna taageeri jiray jabhaddii ANC oo ah xisbiga uu haatan madaxda u noqday. Ilaa haddana wuxu ka mid yahay dadka ugu qanisan Koonfur Afrika.

Sannadkii 1991 wuxu noqday xoghayaha guud ee xisbiga ANC xilkaas oo uu hayey ilaa 1997. Ramaphosa wuxu ahaa qofkii uu Nelson Mandela doonayey in uu ku wareejiyo madaxweyneimada dalkaas, markii ay suurtogeli wayday ee uu jagadaas cidhiidhsaday madaxweynihii hore Koonfur Afrika Thabo Mbeki, wuxuuna Ramaphosa isaga laabtay ganacsigiisii.

Haseyeeshee 2014 ayaa Jacob Zuma uu Ramaphosa u magacaaba madaxweyne-xigeenka dalkaas, wuxuna sidaa mar kale ku soo qabsaday jaranjarada madaxweyninimo xilkaas oo uu ilaa yaraantiisii ku taamayey.

Nelson Mandella iyo Cyril Ramaphosa

Dadweynahya Koonfur Afrika ayaa aaminsan in Ramaphosa maamulka kaga wanaagsanaan doono Jacob Zuma isla markaana dhaqaalaha dalka kor u qaadi doono.

Waxase beryihii ugu dambeeyey sumcaddiisa waxoogaa dhaawacay kadib markii 37 shaqaale ah oo macdanta ka shaqeeya ay boolisku maalin kali ah ku toogteen Koonfur Afrika kadib markii ay mudaharaad sameeyeen, falkaas oo lala xidhiidhiyey Ramaphosa maadaama uu wakhtigaa madax u ahaa iskaashatooyinka qota macdanta loo yaqaan Platinum.

Isku soo xooriyoo, haddii doorashada dhaxaysa 2019 uu Ramaphosa ku guulaysto madaxweynenimada, waxa la filayaa in Koonfur Afrika u dhaqaaqdo jiho cusub oo ka maamul wanaagsan hoogaanka hadda.

Bandhige@gmail.com