Maraykanka oo codka “veto” ku riday qaraar ay u codeeyeen Golaha Ammaanku kaas oo lagu diidanaa aqoonsiga Trump ee Quddus

U.S. Ambassador to the United Nations Nikki Haley vetos an Egyptian-drafted resolution regarding recent decisions concerning the status of Jerusalem, during the United Nations Security Council meeting on the situation in the Middle East, including Palestine, at U.N. Headquarters in New York City, New York, U.S., December 18, 2017. REUTERS/Brendan McDermid

Dawladda Maraykanka ayaa codka qayaxan ee veto ku ridday qaraar ka ay u codeeyeen dhammaan xubnaha Golaha Ammaanka 14 ah marka laga reebo Maraykanka, kaas oo lagu diidanaa aqoonsigii Maraykanku Quddus u aqoonsaday magaalo-madaxda Maraykanka.

Qaraarkan waxa Golaha Ammaanka keenay xukuumadda Masar oo diiddan aqoonsiga uu Donald Trump u fidiyey Quddus.

Maraykanka ayaa weji-gabax kala kulmay in uu u waayo hal dal oo Golaha Ammaanka ah oo taageera qorshihiisii uu ku diidanaa in Golaha Ammaanku meel mariyo qaraar lagu diiddan yahay Quddus in ay noqoto magaalo-madaxda Israa’iil, taasina waxay sababtay in uu adeegsado awooddiisa u dambaysa oo ah codka “veto”.

Arrin kasta oo Golaha Ammaanku ay cod u qaadaan haddii shanta quwadood ee awoodda veto-da leh ay codka veto ku ridaan macnaheedu waxa weeyi qaraarkaas waxba kama jiraan.

Madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in uu dalban doono kulan guud oo Golaha Ammaanka oo ay ka soo qayb-galaan 193, kaas oo mar kale loogu codayn doono qaraarkan.

Haseyeeshee codka Golaha Ammaanku ma laha awood sharci wuxuse u noqon doonaa Falastiiniyiinta taageero niyadeed.