Muxuu Jarmalku u guul daraystay maalintii geeridda? (WQ: Ahmed Nour Guruje)

6-June 1944 , waa maalin aduunyaddu ku xasuusato maalintuu ay dhaceen , sadex xaalo oo is barkani , sadexdaas xaalo oo kala ahaa .

Weerarkii aduunka ugu waynaa .

Geeridii aduunka ugu badnayd ee maalin qudha dhacda .

Guuldaradii soo gaadhay Xoogagii jarmalka ee Naasigga .

Sanadkii 1940 kii jarmalku wuxuu xoog ku qabsaday guud ahaan wadanka faransiiska  muddo lix wiig ahna wuu ku qabsaday , sidaa darteed , xulifadii kasoo horjeeday Jarmalku waxay qaateen go’aan ay ku doonayeen in ay dib ugaga qabsadaan Jarmalka wadanka Faransiiska .

Go’aankaas ay qaateen iyagoo ka duulaya ,ayaanay diyaariyeen ciidamo ka socda 10 oo la isugu geeyey wadanka Ingiriiska , si ay ugaga soo duulaan France .

Duulaankaasina wuxuu dhacay 06-june 1944 , waanu guulaystay , ciidamadii jarmalkana si xun baa loo jebiyay .

Hadaba  akhirste waxaa is waydiinle , Jarmalku muxuu maalintan u guul-daraystay .

Taariikh yahanaddu waxay isku raaceen in guuldaradda soo gaadhay maalintan Jarmalku ay ku timi keliya hal meel , meeshaas oo ah Madaxwaynihii Jarmalka Hitler sababahan awgood .

1- Hitler wuxuu isku koobay awoodihii wadanka oo dhan oo ay ku jiraan kuwii hogaaminta ciidamadu , isagga ayaana wax waliba go’aankiisa ku socdeen .

2- Hitler wuxuu soo saaray wareegto odhanaysa in aan qaybaha ciidamadu samayn karin wax dhaqaaqa ilaa isaga ay amar ka helaan , waxaanu si gaara u go aamiyey in aanay socon karin qaybta ciidamadaee taangiyada loo yaqaan punzer .

3- Hitler wuxuu ka shakisanaa madaxda ciidamadiisa oo dhan iyaguna waxay ka shakisanaayeen isagga .

4- Ciidamadda wardoonka ee jarmalku waxay heleen xogta weerarka saacaddo ka hor , hassa yeeshee cid ku dhacda in ay hitler u sheegto waa la waayay .

5- Subaxnimadii horre markii weerarku bilaabmay hitler wuxuu hurday gurigiisa ilaa 10 subaxnimo , wasiiradiisiina waxay siiyeen war qaldan iyagoo ka cabsoonaya .

6- goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ayuu heley wararkii rasmiga ahaa , waxaanu amray in ciidamo ku sugnaa Paris oo dhamaa 120 kun ay u gurmadaan goobtii Normandi hassa yeeshee waxay ahayd goor danbe oo aanay wax badan qaban karaynin .

7- Ugu danbayn galabnimadii 6 june ayuu Hitler kula kulmay goobta loo yaqaano Salzburg wasiirkii arrimaha dibedda ee Austaria ,qolkii fadhiga ee uu Hitler fadhiyay markii wasiirku soo galayna , wuxuu yidhi sidan ” Waxaa bilaabmay dhamaadkeenii ” .

Mararka qaar waxaan is idhaahdaa macalin taariikhda dhiga ma iska noqotaa .