Sababta aanay Warbaahintu u mudnayn kalsoonidaada (WQ: Kamaal A. Cali)

 

Sahamin ay samaysay xarunta Maraykan ee Gallup ayaa muujisay in boqolkiiba 60 dadka Maraykan aanay ku kalsoonayn ama si buuxda u wada rumaysan warbaahinta. Haweenayda qoraaga ah ee Sophie McAdam oo iyaduna dhowr sano ka hor isla arrintan wax ka qortay ayaa taabatay qodobbo door ah ay sheegtay in dartood aanay warbaahintuba mudnayn in si buuxda loogu kalsoonaado.

Haddaba arrimahaas oo in badan oo ka mid ah aynu la wadaagno dunida iyo duruufta u gaarka ah warbaahinteenna oo aan xogogaal u ahaa tobankii sano ee u dambeyey, inbadanna aan isweydiiyey illaa xadka ay mudan tahay kalsoonida dadka ay u warramayso ayaa igu dhaliyey in aan bulshada la wadaago sababo dow ka dhigaya in dadku aanay kalooni buuxda ku qabin warbaahinta.

Warbaahinta maantu waa ganacsi faa’ido doon ah:

In kasta oo ay warbaahintu caan ku tahay halkudhegyo qurux badan oo leh macnayaal ku soo ururaya in aanay faa’ido doon ahayn, una taagan yihiin in ay dhisaan bulshada wacyigeeda iyo waxbarashadeeda iyo in ay runta u adeegayaan, haddana biyo-kama-dhibcaanku waxa uu yahay, dunidan maanta ee uu Hantigoosadku ka sayid caleeyey in warbaahintiina ay isu beddeshay ganacsi faa’ido doon ah, oo la mid ah ganacsiyada kale ee caadiga ah, waxa aanay arrintani sababtay in barnaamijyada, wararka iyo dhammaan baahinaha ay gudbinayaan aanay inta badan ku dooran anfaca ay bulshada u leeyihiin iyo xooganaanta xaqiiqada ay ku dhisan yihiin, laakiin ku qiyaasaan halbeegyo ganacsi oo gaar ah. Taas oo ka mid ah sababaha in badan warbaahinta loogu arkayo barnaamijyo, warar iyo maqaallo hoosta ka xordan oo aan xambaarsanayn macne sii ridan iyo fikir isu-dheellitiran midna.

Tifatirayaasha daahsoon:

Maadaama oo sida aynu xusnay uu ujeedka koowaad ee warbaahintu u sii dhuranayo faa’ido doon, waa arrin dabiici ah in hay’adaha iyo meheradaha wax ku xayeysiista warbaahinta, iyo gaar ahaan shirkadaha iyo ganacsatada waaweyni ay marar badan saamayn ama ugu yaraan tixgelin ku yeeshaan baahinta dadka la gaadhsiinayo. Tusaale ahaan warbaahinta waa ay ku adagtahay in ay baahiyaan warar dhaawici kara ganacsatada iyo dhinacyada kale ee ay xidhiidhka wada-shaqayneed leeyihiin, xitaa haddii warkaasi uu yahay mid danta bulshada iyo qarankuba ku jiraan. Waana halka uu Andrew Marc, oo ah warfidiyeen caan ah oo hore uga tirsanaan jiray BBC, mar uu arrintan ka hadlayey ka yidhi, “Maadaama oo ay xayeysiisyadu jaangooyaan jadwalka wararka. Suurtogal kuu noqon mayso in aad iska indho tirto danaha ay leeyihiin kuwa jeegagga qoraa (Lacagta bixiyaa)”

Warbaahinta oo gacanta u gashay dowladda:

Xidhiidhka ka dhexeeya warbaahinta iyo dowladaha ee inta badan dibadda u soo baxaa waa colaad iyo loollan, dadkuna waxa uun ay maqlaan, hay’ado warbaahineed oo rukhsaddii lagala noqday, warfidiyeen la xidhay, kuwo la maxkamadeeyey iyo xitaa mararka qaarkood kuwa naftooda dhibi ka soo gaadhay ama ku waayey mu’aamarado dowladuhu ka dambeeyaan. Sidaa awgeed waxaa laga yaabaa in marka ugu horreysa ee aad isha ku dhufato qodobkan aad u fahamto in aynu ka hadlayno isla arrintaas, maya, waxaa jirta masalo kale oo inbadani aanay ka warqabin.

Aalaaba waxaa dhacda in warbaahinta awoodda badani ay cabsi ku hayso siyaasiyiinta iyo madaxda, maadaama oo ay xog badan ka helayaan goldaloolooyinkooda qarsoon, waxa ay si gaar ah warbaahintu u baqo gelisaa siyaasiga xilka haya oo si aanay u dhicin in ceebihiisa la faydo, ku dadaala in warfidiyeenka uu la yeesho xidhiidh saaxiibtinimo oo dhow. Marar badanna ku dadaala in, si xidhiidhka uu la leeyahay warbaahintu u adkaado, uu noqdo mid ku dhisan dano is-dhaafsi, uu warfidiyeenka ama hay’adda wareed ku helaan abaalmarinno dhaqaale, hawl u fududayn iyo xitaa mararka qaarkood in uu siyaasiga xilka hayaa si qarsoodi ah u siiyo wararka muhiimka u ah warbaahinta ee aan isaga dhibta ku ahayn iyada oo ujeedadiisu ay tahay uun in uu iska duwo indhaha warbaahinta iyo in uu isu dhigo saaxiibka warbaahinta, si isaguna uu markiisa warbaahinta uga dhigto faras uu ku gaadho halka uu rabo iyo haatuf uu hadalka u mariyo bulshada uu damacsan yahay in uu ka dhaadhiciyo ajandayaashiisa.

Marka si kale loo yidhaahdo warbaahinta iyo maamulka mar walba waxaa ka dhexeeya xidhiidh dano is dhaafsi ah oo aad u ballaadhan, waana sababta ay warbaahintu marar badan dhacdooyinka qaar uga samayso warar iyo warbixinno aan lahayn miisaankii ay mudnaayeen ama aanay uga hadlin dhacdooyin xaqiiqo ah, iyo sababta ay qalinka uga ilaaliyaan boogo badan oo u baahnaa in la damqo.

Warbaahinta oo marar badan indhaha dadka ka leexisa dhacdooyinka muhiika ah:

In badan waxaa dhacda in warfidiyeenka oo aan lahayn aqoontii mihnaddan iyo fahamkii waaqaca awgeed ama isaga oo sabab uun darteed u badheedhaaya, in warka uu ka soo diyaarinayo dhacdooyinka muhiimka ahi, uu noqdo mid dadka indhahooda ka duwaya mucda iyo qadiyadda muhiimka ah ee muwaadinka ama bulshada taabanaya, kuna leexiyo dhacdooyin ku lammaan warka, oo laga yaabo in xiise iyo indho-soo-jiidasho ay leeyihiin balse aanay muhiimad durugsani ku jirin. Tusaale kooban oo dalkeenna ah waxa aynu u soo qaadan karnaa dhacdadii ay feedhka isu miciinsadeen guddoomiyaha wakiillada iyo ku xigeenkiisa koowaad, [Mudane Cirro iyo Mudane Baashe], waxa ay ahayd dhacdo yaab leh oo u qaadan waa noqotay, laakiin gacan-ka-haddalkaasi kama duwanaanayo laba nin oo sida marar badan dhacda isu gacan qaaday, haddii aan si mug leh looga hadlin sababta dagaalka keentay iyo arrinka illaa xadkaas xasaasiga ah ee kallifay in labada masuul uu dhex maro gacan ka hadal.

Waxana ay ka mid yihiin sababaha aynu odhan karno waxa ay keeneen in dad badan oo aqoonyahan ah, ama leh wacyi ay ku akhriyi karaan dhacdooyinka iyo waxa dhiirri geliyey, in ay aaminaan in warbaahinta warkeedu aanu taabanayn halkii loo baahnaa, ama warfidiyeenku aanu lahayn aqoon uu ku fahmi karo waxa ka dambeeya inta indhihiisu arki karaan, sidaa awgeed aanay kalsoonidooda mudnayn.

Inta aan ka ogahay dhibaatooyinkaas aan xusay waa kuwo Soomaalida ay la wadaagaan in badan oo ka mid ah warbaahinta kale ee dunidu, laakiin waxaa jira kuwo aanan ogeyn illaa xadka ay dadyowga kale inala wadaagaan, waana ta aan is leeyahay waxa ay u baahan tahay in si dhab loo daraaseeyo loona raadiyo xal cilmiyeysan. Waloow aanu maqaalkani isagu kaalintaas qaadanayn imika:

  1. Dhaqanka:

Soomaalidu waa bulsho dhaqanka iyo ilaalinta caadooyinka aad ugu adag. Malaha waana sababta ay u gaadhsiiyeen illee heer ay halqabsi ka dhigtaan, “Caado la gooyaa cadho Alle ayaa ay leedahay” Arrintan wanaaggeeda in badan ayaa laga hadlaa, mana’ aha ta aynu qalinka u qaadannay, laakiin waxaa jira dhinac kale oo aan aad looga warqabin.

Dhaqanku waxa uu carqalad ku noqdaa waxyaabo badan oo ku lammaan nolosha casriga ah iyo nidaamka hadda dunidu u shaqayso. Tusaale; Dhaqankii waxa uu dhexgalay siyaasaddii, waxa aanu dhib aan la dhayalsan Karin cawaaqibkeeda ku hayaa dowladnimada iyo hab-dhaqanka casriga ah, taas oo keliya ma’aha ee waxa kale oo uu dhaqanku marar badan taako u dhigaa xorriyadda warbaahinta maanta. Maxaa ii caddayn ah?!, Dhaqanka Soomaalidu waxa uu meel adag ka taagan yahay in nin waayeel ah ama reer haldoorkii iyo qabiil hoggaamiyahood ah, wax laga sheego iyo in haweenka sidoodaba sheekada ragga dhex taalla lagu soo daro, waa arrin aad u fiican in badanna lagu soo ammaanayey dhaqankeenna quruxda badan, laakiin maanta labadiiba nolosha casriga ah waxa ay ku yeesheen saamayn togan iyo mid tabanba; Haldoorkii beesha iyo hoggaamiye dhaqameedkiiba, dantii jufada iyo qabiilka kuma ay ekaan, oo waxa ay si weyn ugu milan yihiin siyaasaddii, mucaarad iyo muxaafad ayaabay la kala safan yihiin, ama siyaasi hawl qaran wada oo la dhaliilayo ayaa ay difaaciisa u darban yihiin, ama iyagii ayaaba xilal ka haya dowladdii oo la dhaliilsan yahay.

Soomaaligii biri-ma’geydada ka dhigayey dumarkuna, halkii uu ku ogaa ilbaxnimadii ayaa ka soo rartay oo haweenkii siyaasaddii, dhaqaalihii, dantii reerka iyo taladii dowladnimo ayaa ay kaalintooda ka qaataan ama doonayaan in ay ka qaataan; Waxa ay qabteen mansabyo siyaasi ah oo mudan in laga hadlo dhaliishooda iyo ammaantoodaba, waxa aanay soo saaraan warar iyo hadallo ay siyaasad ku difaacayaan ama ku dhaliilayaan.

Arrintani waxa ay qasab ka dhigaysaa in qolyahan iyo cid kasta oo hore carrabka looga dhowri jiray warkooda bannaanka la soo dhigo, musuq-maasuq baa gelaya, ballan qaadyo been ah iyo wacadkii siyaasadda ee aan dhammaan jirin ayaa ka dhacaya ama hawl-qabasho la’aan iyo gaabis ayaa lagu arkayaa, dhaliil iyo ammaan wixii siyaasadda iyo xilka siyaasiga ahi leeahayba waa ay yeelanayaan. Laakiin nasiibdarro warbaahintu kuma dhacdo in ay sidii la rabay u durto ama uga hadasho qolyahan, waayo xeerarkii dhaqanka ayaan geeddigan cusub la’ soo guurin oo weli iyagu halkii ayaa ay taagan yihiin, taas oo keenta marar badan in warfidiyeenku ay qariyaan wararka gala labadan qolo iyo kuwa la midka ah ama runtiisa ay ka baydh-baydhayaan.

  1. Qabiilka:

Qabiilka iyo dhismaha qabiil ee bulshada oo marka si loo eego, leh dhinacyo badan oo togan, ayaa haddana Soomaalida ku noqday cudur qabyaalad la yidhaahdo oo qof kastaa xumaantiisa ka hadlo, hase ahaato ee marka aad ficillada u fiirsato aad dareemayso in aanu qofna diyaar u ahayn in uu ka bogsado.

Waa nidaam isku xidhnaaneed sida uu doono ha ku yimaaddo ee, oo bulshadu waagii noloshu bilowga ahayd aad ugu badbaadday, col ay iska dhiciyaan iyo kaalo ay isa siiyaanba waa uu u lahaa, laakiin markii qabiilkii uu soo galay siyaasaddii iyo dowladnimadii waxa uu la soo baxay cudurnimadiisii dhabta ahayd oo qabyaaladda ah, waana kaas maanta Soomaali idilkeed dowladnimadii ka curyaamiyey.

Cudurkaasi warbaahintana waa uu galay, oo marka aynaan waxba ku sii tiigaalin waxaa tusaale innaagu filan boqollaalka adeeg-wareed ee jilib-jilib iyo juf-jufo loo furtay, ama ujeeddo fiican laga lahaa balse bulshada bugta ugu suntan qabiil. Sida oo kale qabyaaladdii waxa ay saamayn taban ku yeelatay warfidiyeenka, oo ay marar badan ku kallifto in masuulka qabiilkiisa ah, uu ugu yaraan wararka aad ugu liddiga ah ka gaabsado. Haddiiba ay dhacdo in uu wariyuhu si uun u baahiyana arrintu xorriyad warbaahineed ma noqoto ee waxaa markaba loo fahmaa doqonniimo uu qabiilkiisa difaaci kari waayey, am acid kale u soo adeegsatay.

Waxaa in badan dhacda, war ama warbixin si uun u taabanaysa masuul ama ganacsade iyo cid uun muhiim ah, in isla markaba lagu macneeyo, in uu ku dhisan yahay aragtida warfidiyeenkii baahiyey, iyo in ay tahay naxli iyo uur-ku-taallo uu wariyuhu qabiilkaas u hayo, kuna metelayo aragtida qabiilkiisa. Waxa aana ka dhasha in qofkii u arkayey in baahintaas lagu weeraray uu warfidiyeenka xidhihiisa uga gudbiyo ashkato, ugu yaraanna ka hortago in war noocaas ahi mar dambe ka yimaaddo. Caaqilkii iyo oday-dhaqameedkii loo cabasho tegeyna xorriyad warbaahineed ma yaqaanno ee waxa uu yaqaannaa in warfidiyeenkani yahay wiil uu isagu xidhe u yahay, amarkiisa ayuun baana jiraya.

Arrintani waxa ay ka mid tahay caqabadaha warbaahinta ka hor istaaga in ay taabtaan qaladaad badan oo ka dhaca siyaasiga, ganacsadaha ama xitaa dadka jooga jagooyinka sare ee rayidka ah. In badan ayaa la arkaa in baahin ka hadlaysa shakhsiyaad ku hawlan arrimo aan bulshada ama dalka dantiisu ku jirin, ay markaba ka soo ergeeyaan dad ay cabasho u timid oo ah haldoor laga yaabo in masuuliyiinta iyo mulkiilayaasha haayadda warbaahineed ay gacal la’ yihiin ama ehel ab iyo abti mid uun ah yihiin, kadibna culays lagu saaro warbaahinta in ugu yaraan qofkaas ama haayaddaas aan mar dambe wax laga sheegin.

Waxa ay ka mid yihiin sababo qof kasta oo si dhugmo leh ugu fiirsadaa uu ku garan karo in xogta iyo wararka warbaahintfeenna ka baxayaa ay yihiin kuwo xakamaysan, ama aynu odhan karno waxa ay baahinayaan xog kor-ka-xaadis ah marka loo eego xaqiiqada uu ogaa warfidiyeenka diyaariyey.

Waxa aan ku soo xidhayaa in qodobbadaasi ay yihiin kuwo dow ka dhigaya in bulshada loo warramayaa aanay kalsooni buuxda ku qabin warbaahinta maanta.

FG: Maqaalkani waa ku celis. Waxa uu hore ugu soo baxay wargeyska Geeska Afrika: Jan 23 2016)