Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxu kormeer booqasho ku tagay Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland si uu ugu kuur galo xaaladda shaqo ee Wasaaradda iyo xaaladda shaqaalaha caafimaadka Somaliland. Hadal uu Wasaaradda dhexdeeda ka jeediyey madaxweynuhu waxa ka mid ahaa:
“โQofka isaga oo hurda soo kac la leeyahay ee isaga oo buka oo Neeras ah la leeyahay adigu ha bukoone kaalay ka kale dawee ee iyada oo hooyo ah ka imanaysa si ay cid kale u daweyso qarankaa lagu leeyahay inuu masuuliyad iska saaro daryeelkooda, xuquuqdooda iyo karaamada ay mudan yihiin, qarankuna dawladda ay oo saddex waaxood ka kooban, laba qolona ixtiraam gaar ah bay dalka ka mudan yihiin, kuwaas oo kala ah ciidamada iyo bahda caafimaadkaโ ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.