Waxaa saaxiib ahaa saddex nin oo saddexdaba xaasaskoodu qurbaha kagaga maqnaayeen iyaguna joogay dalkii saddexda nin midna muu shaqayn jirin hadna maalin walba way qayli jireen, sababtoo ah biil yar baa bishii u soo dhici jirey, haddaba maalinbay meel maqaaxi ah fadhiisteen oo ay ku cunay jaad/Qaad fara badan, iyagoo ka bilaabay ijabanihii
kuna hadaaqayey” ijabane arooryaad naftuu aamin geliyaa”, waxay ku xigsiiyeen qaylidaadii aakhirkiina waxay raaciyeen biyo raaciskii oo ilaa goor dambe ku gaadheen sidii ay u qaylayeen , Saddexdii nin aad bay u mirqaameen. Markii ay goor dambe oo habeenimo ah noqotey ayey damceen in ay tagaan guryahoodii oo ka fogaa meesha ay ku qaylayeen, dibedda ayey u soo baxeen waxaanay istaageen wadadii si ay tagsi u kiraysatan, gaadhi wadada marayey eyey joojisteen, walaal gaadhiga imisaad nagaga kirayn ama aad nagaba siin, ninkii gaadhiga watayna wuxuu ku yidhii” xaafadee ayaan idin geeyaa?
Waxaan degan ahay xaafada la yidhaahdo geed kaama dambeeyo ee guryaha waaweyn ee jiigadaha cas cas leh.
Markii uu arkay fogaanta xaafada ayuu ku yidhi $20 labaatan doolar keena, waayahay ayey ku yidhaahdeen iyagoo ku hadalaya hadalo kale duwan oo is dhaaf ah sidii wax sarkhaansan oo kalena u hadlaya , ninkii tagsilaha ahaana waabu u fikiray intii ay gaadhiga soo korayeen ee ay had halayeen waxaanu ku yidhi , suumanka xidha gaadhigu wuu dhaqaaqayaaye, waayahay ayey mar qudha wada yidhaahdeen, ninkii dirawalka ahaa intuu gaadhigii istaadhay ayuu gaadhigii oo taagan leewarka cagta saaray isagoo iska dhigay sidii wax dhaqaajinayaa kagagana siiyey xaam , xaam, xaaam.
Isagoon halkiiba ka dhaqaaqin ayuu ku yidhi waan soo gaadhnay xaafadii aad rabteen ee soo degga. Ileen wuxuu u arkayey niman sarkhaansane.
Saddexdii nin ee mirqaasanaana intay daaqadihii iska fureen ayey soo degeen, kii koobaadna wuxuu ku yidhi, hoo lacagtaaddi waatane waanu siiyey, kii labaadna wuxuu ku yidhi, waad mahadsan tahay dirawal laakiin mar baad na dhaafin gaadhay meeshii aanu u soconey, kii saddexaadna intuu xanaaqay ayuu bahal dhirbaaxo ah isla kala jiiday oo uu labada indhood ku dhuftay ninkii dirawalka ahaa, dirawalkiina intuu naxay ayuu is yidhi malaha saddexda nin kan baa ku fahmay oo caadiya sidii labadii kale oo wuu ku ogaaday in aanad meeshiiba ka dhaqaajin gaadhiga, walee waadigaa ceeboobay ee kashifmay, dirawalkii oo naxsan oo yara baqanayaa lacagtiina gacanta ku haya ayaa yidhi maxaa dhacay?
Ninkiina wuxuu ku yidhi, gaadhiga aayar wad markaad rakaabka sido, imika waanu siganay oo marbaad gaadhiga nagu rogi gaadhay oo uu kurka naga jari gaadhay.
Ninkii dirawalka ahaa wuxuu ogaaday in nimankani aanay sarkhaansanayn laakiin ay qaad badan cuneen oo ay mirqaameen waxaanu dareemay dhibaatada qaadku leeyahay iyo sida uu u saamaynayo maskada ummadda, in kasta oo uu isaga laftiisu qaadka cuni jirey haddana habeenkaasuu go’aansaday in aanu dib dambe cuni doonin jaad dambe.
WQ: Kamaal Xasan Isaaq
00252-634402758
Email: kamalcadow@hotmail.com
Hargeysa Somaliland.