Safiirkii Xamar fadhiyey muxu horta inoo siday? (WQ: Mustafe Kaydsane)

โ€œ Waxay Deeqi tidhi ma nalkii damay inoo daarayaan

maxay doonayeen…

Ina Dafle iyo Ina Daylo kude maxay doonayeen…

Iyagaa dulman oo talo dawladeed

laga dayriyee loo doodayaayee

Laba doqon-maqaar ย maxay dooni…โ€. Cali Sugule โ€œDun-carbeedโ€ AHUN.

Safiirka Xamar u fadhiya dawladiisa marka uu Hargeysa yimaado sow nin bun iska soo doontay ma aha. Hadduu doono dee qaraxyada dawankooda ha kaga soo dhuunto Hargeysa, sow saancadaalaayaashii Sayidku inoogu gabayey nin ku ma aha, dee wacadkii inagu halkii baynu ka haynaaye, maaha!

Waxa aan guna jirin ka ku sheegaya shaqo aanu dalkiisa u haynin oo ah wixii xilka lahaa ee idaacadeena/TVgu inoo sheegaan โ€œsafiirka u fadhiya dawlad hebla Soomaalilaan iyo Soomaaliyaโ€.

Uma fadhiyo dee Soomaalilaan miyaad ka soo leefi waxa ugu qoran waraaqaha uu #Farmaajo ka aqbalay beri hore.

Bal waakaase soo hel MBC muxuu aqblay oo aan ahayn โ€œma ku la soo shaaheeyaaโ€ iyo โ€œhaa, soo dhawoow wakhti kastaโ€.

Qaar baaba ku odhanaya โ€œdoorashada ayey danaynayaanโ€, oo Xamar waxa laga daneeyaba kama hadlaane ee โ€œabu qaraxyadaโ€ kama hadlaanoo ilaa Farmaajo-Khayre iyo wixii ka ag dhow mushahaarooyin ayey ba kuu biiliyaan eh. Waa ba ka raali in ay Xamar sidaa ahaato.

Hargeysa is yeel yeelkeedaan ka yaabay anigu!