Sideen u qaabilnaa Ramadaan, bishii khayrka iyo qur’aanka Q.5aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Qayb’talabaad (البرنامج اليومي للفتاة المسلمة)

BARNAAMIJKA GABADHA MUSLIMADA AH, EE MAALINLAHA RAMADAANTA.
Dumar badan, khayrkani waxa uu ku dhaafaa, shaqooyinka guriga iyo caruurta ama waxyaabo kale. Waxa haboon qodobadan soo socda in laga faaiidaysto.

1. In wakhtiga suxuurta, marka la suxuurta, Duco iyo dikhri lagu camiro, salaadana laga seexan.
2. In salaada subax loo diyaar garoobo, Aadaanka la sugo, kadibna labada sunee ajarka wayn leh la tukado.
3. In salaada ka dib Adkaarta la akhristo
4. In aad fadhido halkaad ku tukato ilaa cadceedu, soo baxayso, adoo quraanka malintii kuu qorshaysan akhrinaya, intaad ka gaadho, kadib Adkaartii subaxa akhrido.
5. In aad qaadato nasasho, iyo hurdo yar, hadaan shaqo jirin, ka dibna Salaatu Duxaa tukato.
6. In aad samaysato, qorshe Quraan, habeenka iyo maalinta, waayo waa bishii quraanka, soona dagay, ugu yaraan hal mar dhamee
7. Aadanka markaad maqasho ka daba dheh, hana hilmaamin Adkaarta Salaada ka dib.
8. U istaagida adeega guriga, sida diyaarinta cuntada iyo diyaarinta waxa xaafadu u baahan tahay, iyadoon lagu xeeldheeraanayn, israafna ahayn.
9. Wakhti khaasa oo ducada iyo Adkaarta habeenkii samayso, Maqrika kadib waa wakhti ijaabee.
10. Haddii aadaanka maqrib dhaco, ku dagdaga afrurka.
11. U diyaar garaw salaada cishaa’i iyo taraawiixda iyadoo arrimahan la ilaalinaayo
• Iyadoo sunuhu yahay in sida fadli badan guryahooda ku tukadaan, hadana Nanigu Scw waxa uu yidhi ha udiidin adoomaha rabbi masaajidada, waxaana marka ay yimaadaan, in aanay cadar soo marsan, asturaad dhamaystirana soo qaataan, in aanay is dhexqaadin raga iyo dumarku marka salaadu dhamaato.

12. Ku dadaal in aanad soojeedin habeenkii, taasi oo dhaqan u noqotay dhalinyaro badan keentana, in maalintii la hurdo habeenkiina lagu soo jeedo, aflaan iyo waxa aan dhaamin. Bishani waa sida kaalin shidaal oo sanadkii ina soo markta oo la doonayo in aad si caqli iyo xikmadleh uga dhiishaan dhaansano.

Xigasho: dagalka Saed.com
Dhamaad.wixi sixidi waa xagiina, Mahadsanidiin. Jzkhayr.
المـصـدر : صـيد الفـوائـد
Allaa Mahadleh