Waxaan maqaalkan ugu jawaabayaa wadaadkaa maqaalkan qoray (Illaah haku cafiyee adna cafi walaalkaa (WQ: Cabdinaasir Xasan Macallin)
Masaajid ayaan fadhiyay casar, wadaad ayaa cafiska ka hadlay, markaas ayuunbaan maqaalkan ugu imid oo bandhige.com lagu soo qoray.
Maqaalkan iyo wadaadkii masaajidkii aan fadhiyay isku qodobo ayay ka hadleen, is it coincidence or intended to some person. Ma wax isku beegmaybaa mise cid ayaa war loo dirayaa, dadkow idinka ayay idiintaal, waxa jira dad igu dabtaagan oo intaa si dadban iila dagaalama, maqaaladaydana aan inta badan kaga hadlay, markaa maqaalkan arintaa ayaa igu kaliftay.
Cafis ayuunbaan inta badan maqlaa, laakiin suaal ayaa mudan in lays waydiiyo, goorma ayaa qofka la cafiyaa, amase goorma ayuu qofku wax cafiyaa ?
Qisooyin dhawr ah oo labada wadaad ay soo qaateen bal aan is dul taago.
Mid waa markii Rasuulku scw furtay Maka.ย Maxay ku tusaysaa in uu Rasuulkii ka guulaystay kuwii ay is hayaan.
Ta labaad waa qisadii Abuubakar dhex martay saxaabigii ay qaraabada ahaayeen ee uu waliba biilin jiray ee hadana ka qayb qaatay dacaayadii Caaisha, goorma ayuu cafiyay?ย wuxu cafiyay, markii illaahay arinkii kashifay,.
Qisadii nabi yuusuf, goorma ayuu cafiyay?ย markii wax walba caddaadeen, ee ay dambigoodii qirteen, nabi yusufna illaahay guushii siiyay.
Qisada ninkaa saalaxa ah dhex martay iyo gabadhii jaariyada u ahayd, taasina waxay ku tusaysaa, in uu marwalba ka awood badanyahy qofkaa jaariyada ah.
Isku soo xoori sheekooyinkaas oo dhan mid walba waxay ku tusaysaa qofka la dulmiyay oo guulaystay ayuu cafisku dhacay.
Garaad gaabku yaanu u fahmin in aan u jeedo in aan lays cafiyin illaa uu ka guulaysanayao qofka ladulmiyay uma jeedo caynkaa.
Sida ay culumada nafsigu sheegaan, cafisku qofka ayuu caafimaad ahaanย u wanaagsanyahay.
Tusaale macalin ayaa doonayay inu ardaydiisa cafiska baro, markaasuu yidhi qofwalowba, inta aad u cadhaystan oo baradho ah qaado oo hayso, marka aad baradhada mudo sido maxaa dhacaya way uraysaa, qofba qofka uu ka baradho badanyahay ayay urtiisu ka badanysaa, qofka intaas oo cadho ah wataa waa qof baradhooyin badan oo qudhmay sita isaga ayuun bay dhibaysaa.ย Taas nin wal oo caqli lihi wuu garanayaa.
Hadaba isla garanay in cafiska qofk laftiisa u wanaagsanyahay.ย Waxa imanaysa goorma ayaad cafiyaysaa, ma qofka oo aad ka guulaysatay, ma qofka oo toobad keenay, ma qofka oo wali dulmigii gacanta kula jira ?ย Bal ka waran qofku isaga oo dulmigii wali gacanta kula jira hadii inta uu axaadiis iyo aayada quraan soo dalliishado oo uu iskaa soo hortaago, ku yidhaa ha lays cafiyo,ย anigu taas oo kale waxaan u arkaa jeesjees.
Dulmiguna laba ayuu u kala baxaa mid aad illaah ka gashay iyo mid aad qof baniaadam ah ka gashay, labaduba shuruudo ayay leeyihihiin, culumada ayaa ka hadashay.
Anigu si kale ayaan uga hadlayaa dulmiga aad qofka ka gashay laftiisa ayaa laba usii kala baxaya, mar uu qof ku kooban yahay, iyo mar uu farah ka baxay oo bulshada inta la dhex dhigay ay bulshadii wado.
Qof ayaa qof kale dacaayad ka fidiyay, waa gaalo ayay ahaayeen inu ka toobadkeeno dacaayadii u fidiyay ayuu doonay, wadaadkoodii ayuu u tagay arinkii ayuu u sheegay, waayo gaalada wadaadadka ayaa toobada ka dhaafa, wadaadkii ayaa ku yidhi baalal kiish ka soo buuxi iina keen, qofkii ayaa sidii sameeyay, wadaadkii ayuu kiish baalal ah u keenay, wadaadkii ayaa amray inu kiishka baalalka ah suuqa ku soo dhexdaadiyo, wuu sameeyay markaasuu ku soo noqday wadaadkii, waadaadkii ayaa yidhi orod hadaba baalashii soo ururi, qofkii ayaa yidhi sideen usoo ururin, dabayshii ayaa la kala tagtay eh, wuxu yidhi dacaayadii aad samaysay waa sida baalashaas oo kale.
Hadaba sheekadaa waxaan usoo qaatay marka aad qofka sharaftiisii sidaa udishay ee aad bulshadii dhexdhigtay, inaad hadana tidhaa ha lays cafiyo, waxaan u arkaa jeesjees, markii hore ayay mudnayd inuu qofku ka fiirsato wixii uu fidinaayay.
Hadal iyo dhamaantii imika talo farah ayay ka haaday, halka ay ku biyo shubatan waa loo wada taagnaan.ย Somalida ayaa tidhaa nin qoyani biyo iskama dhawro, meel noo angagan maba jirtee maxaa lays cafiyi caruurta iyo dumarka ayaaba nagu shimbira waaqleeya eh.
Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com