Xisbiga Waddani Oo U Jawaabay Wasiirka Gaadiidka Kana Hadlay Mawqifkooda Ku Aadan Xadhiga Xildhibaan Dhakool

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi ayaaa jawaab ka bixiyay hadallada wasiirrada madaxweyne Biixi kaga falceliyeen dooddii xisbiga WADDANI ee xaaladda degdegga ah waxaanu sheegay in hadalladaasi ahaayeen kuwo muujinaya tayo xumada wasiirrada madaxweyne Biixi. Waxa uu si gaar ah uga jawaabay hadallada wasiir Cabdillaahi Abokor oo uu tilmaamay in shaqadiisii dayacantay isna ku mashquulsan yahay hadallo shakhsi weerar ah oo meeqaamka wasiirnimo aad uga hooseeya.

Xoghaye Khadar ayaa yidhi “Mashaakilaadka ugu waaweyn ee maanta dalkeena ka jira waxa ka mid ah shilalka gaadiidka; haddii aad eegto warbixintii boolisku soo saareen sanadkii 2017 waxa shil baabuur inagaga dhintay 2,585 oo qof. Waa arrin masiibo ah. Saaxiibkay Cabdillaahi Abokor(wasiirka gaadiidka) sanadkii koobaad ee uu joogay ee 2018 arrintaasi xoog bay u korodhay 3,457 qof ayaa shil gaadhi inagaga dhintay. Sababta shilalka baabuurtu u dhacaan waa wax caan ah oo la yaqaan saddex wax baana ugu muhiimsan oo dawladda laga doonaya oo wasaaradda u xilsaaran shaqadeeda tahay oo laga doonaya:-
1. Waa in la hubiyo waddada baabuurku maraya in ay tahay mid leh tayadii uu baabuur dulmari lahaa;
2. Qofka gaadhiga wadaa waa in uu leeyahay masuuliyaddii iyo garashadii xirfadda wadenimo ee ah in uu gaadhiga wado;
3. In gaadhiga waddada maraya leeyahay caafimaad qabkii uu waddada ku mari lahaa.”

Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in aanay saddexdaa arrimood iyo kuwa kale ee shilalka sababa aanay waxba ka qaban wasaaradda ku shaqada leh marka laga reebo maalmo dadka liisamadooda la eego oo waddooyinka cidhiidhi galiya laakiin, ay tahay sida xirfadda wadeyaasha loo hubiya tahay habka lagu bixiyo liisanka iyo imtixaanka laga qaado dadka la siinayo.

Xoghaye Khadar ayaa intaasi raaciyay in wasiirkii masuuliyaddiisu ahayd wax ka qabashada shilalka baabuurtu ka sheekaynayo waxyaabo raqiis ah iyo shakhsi weerar “Nasiib darro wasiirkii arrinta u xilsaarna Muxuu ka sheekaynaya? Muxuu ku mashquulsan yahay? Wuxuu ka sheekaynaya hebel gurigiisa biyo looma doonto, wuxuu ka sheekaynaya hebel carruurtiisii ayuu igala baxsaday, wuxuu ka sheekaynaya hebel waxaas iyo waxaasa xilka looga qaaday, miyaanay ahayn wax aad iyo aad uga hooseeya waxa aynu ka filayno qof wasiir ah xaggee buu ku arkay reer dhan oo harraadan oo nin gurigiisa u biyo doonanaya, runtii waa waxyaabaha ayaan darrada ah ee muujinaya tayo xumada dawladda Muuse Biixi, waxaas oo dhanna marka la isku soo ururiyo waxay jawaab inaga siinayaan iyo sawir cad hoggaaminta madaxweynaheena maanta xilka haya, wasiir aan kartidii lahayn aqoontii lahayn farsamadii lahayn uu dadka dhimanaya ku badbaadin lahaa arrimahaasi waa wax aad iyo aad ugu hooseeya heerka wasiirnimo in aynu halkaas tagnana maaha waa in aynu kor u hadalno waa in aynu siyaasad iyo qorsheyaal ka hadalno maaha in aynu siyaasadda shakhsiyadayno,” ayuu yidhi xoghaye Khadar.

Sidoo kale xoghaye khadar oo ka hadlaya Xildhibaan golaha wakiilada ka tirsan oo xukuumadu xidhay ayaa wuxuu yidhi. ” xildhibaanku arinta uu ka hadlay arim khalad ah bay ahayd, Maalmaha uu Qarankenu leeyahay Waa maalmo Wada mudan. 26 June Waa Maalintii Somaliland ugu horaysay ee ay xornimo Qaadatay, xornimadaasi waynu tuurnay. 18 may waa maalinta aynu xornimadaasi dib Usoo ceshanay. Laba maalmoodba Waa Laba maalmood oo ah inaynu waynayno oo ay qalad Tahay in qofku ka horyimaado.

Xoghaye khadar ayaa gef ku tilmaamay in Xildhibaanka la xidho isaga oo xasaanad leh.

Hoos ka daawo Muuqaalka Warkan:-