Talo iyo Tilmaan: Yaa ku Haboon Buuxinta Jagadii uu Baneeyay Xaaji Cabdikariin Xuseen? (WQ: Omer-sayid Qalonbi)

Ugu horayn aan mar labaad iyo mar sadexaadba Alle s.w.c uga baryo in uu naxariis waasixa siiyo Samotaliye Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdiwaraabe) oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Hargeisa.

Marka labaad, waxa aan bogaadiyo dhamaan shacabka reer Somaliland; Xukuumad, Xisbiyo iyo Shacabkuba sidii qiimaha lahayd ee ay u maamuuseen, una sii galbiyeen Marxuumka. Gaar ahaan bahda Abwaanada reer Somaliland oo si gaara xil iskaga saaray in ay tooshka ku ifiyaan wanaagii iyo waayihii adkaa ee uu Xaaji Cabdiwaraabe inagala soo dabaashay. Waxa aan si gooniya u xusayaa Macalinkaygii Xuseen-Badhaani Cabdi oo kaalin firfircoon ka qaatay tabinta tixaha Abwaanada Somaliland ugu baroordiiqeen Marxuum Xaaji Cabdiwaraabe.

Intaas ka dib waxa aan soo jeedinayaa talo ku aadan sidii loo buuxin lahaa kaalinta uu baneeyay Xaaji Cabdiwaraabe iyo cidda buuxin karta, oo qayb ka noqon karta sida aan wali u muunaynayno wanaagii Xaaji Cabdiwaraabe.

Sidoo kale, waa in aan cashar ka baranaa khaladaadkeenii hore, oo sidii aan u xulnay kuraastay baneeyeen AHN, Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar iyo Sh. Nuux Furre, si la mida aynaan maantana u buuxin kursiga uu baneeyay Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe). Waana in aan ka fiirsanaa buuxinta jagadaa inagu banaanaatay.

Waa in badalka Xaajigu noqdaa, qof leh; Garashadii, aqoontii, dhaqankii, samatalintii iyo haybaddii uu gaarka u lahaa AHN Xaaji Cabdiwaraabe. Waa in aanu ku iman yaa buuxinkara Caruurtii Xaajigu ka tagay ama yay Xaajiga isxigaan oo halkiisii gali karta. Waayo Xaajigu ma ahayn nin qoys iyo nin qabiil midna, waxa uu ahaa nin qaran oo umadda Somaliland iyo guud ahaan gayiga Soomalida oo dhan ka baxay. Waana sababta aan u leeyahay xulashada cidda buuxin karta kaalintii Xaajiga ha laga fiirsado.

Anigu hadaan talo ku darsado; inta garashadayda ah, inkasta oo uu samotaliye meelkasta joogo, hadana waxa aan si gaara u tilmaamilahaa in uu jagadaasi buuxinkaro Alle ha sharfee Sheekh Cabdilaahi Sh. Ali Jawhar (Sheekhal baladka Boorama).

Inta aan ka naqaano waa aqoonyahan diinta iyo sharciga aqoon durugsan u leh, waa siyaasi maamulka nidaamka dawliga ah in mudo ah ku soo jiray; waa Mayor-kii ugu mudada dheeraa ee Boorama, waa mid ka mida aasaasayaashii nabadda Somaliland, waa hormuudka culimada dalka, waa qof umadda oo dhami ama inteeda badani ixtiraam gaara u hayso. Markaa aniga taladayda waxa aan aaminsanahay in uu yahay qofka ugu haboon ee inoo buuxin kara kaalintii Xaaji Cabdiwaraabe.

FG: Sheekh Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar; hore ayuu uga tirsanaa Golaha Guurtida (Hadii aanan qaldanayn), laakiin isaga ayaa iska casilay. Waxa aan se qabaa/aaminsanahay, in hadii lagu maamuso wanaagiisa, lagana codsado inuu xilkaas inoo qabto in uu sida uu isaga oo aan xil haynin ba uu umadda samaheeda ugu adeego si la mida inuu Golaha Guurtidana taladiisa ugu biirin lahaa.

Sidoo kale waxa aan jecelahay in aan dadka qaar xasuusiyo, in nidaamka dhaxaltooyada Golaha Guurtida ee aan caadaysanay in aanu shuruucda dalka iyo danteena guud aanu midna waafaqsanayn, ee uu yahay uun nidaam qaldan oo aan caadaysanay. Isla markaasna uu tirtirayo sharaftii iyo karaamadii dadkii wanaagsanaa ee seeska u dhigay nabadda Somaliland.

Allaa Mahadleh

Omer-sayid Qalonbi