Silsiladdii Gorgorka: Q.3aad (WQ: Cabdikariin-Xikmaawi)

Bad weynta silsiladdii Gorgorka ama Baqayaha ayaynnu bilawga kaga jirnaye, bal maantana aan qormadeennan saddexaad ku xifaallo-furno halka uu rag isla maray.

Horta silsiladdan ragga wax ka tirinnaya badankoodu isma yaqaanno, waana ay yartahay rag si gaar ah jaanta iskula haystaa. Nin kastaaba meel ayuu ka fad-kudinnayaa. Ragga qaar ayaa xifaalaha inta ay kor u gannaan, habarhabar iyo xagga reeraha ku dacaayadaynnaaya, ragna xagga siyaasadda ayay ka miisayaan, rag kale xagga siyaarada iyo culimadii ayaad mooddaa in ay ka hadlayaan, rag kalana xaggii dunuubta iyo danbiyada aynnu kasbannay ayay ka eeggayaannoo, waxani waa camalkeennii ayay leeyihiin, intaas ayaan ana hoggaan iskugu jiiddayaayoo, aan qoraalkan kaaga samaynnayaa!!!

Inkaste oo sheekada Xuutii la dillay aad loo hadal hayay, haddana dadka ninba aragti ayuu ka qabay sidaas aynnu kor ku soo sheegnay. Mustafe-Khaliiji, C/Xakiin-Kur-libaa, Axmed Guruuje, iyo C/Samed-Saahid, raggaasi haddii aad mooddo in ay si dhaw bahasha iskugu soo tuurtuurreen, waxa mar kale gabay xifaallo badan tiriyay Axmed Nuur Guruuje.

Axmed wali waxa uu wadaa ammaantii Habaryoonis, gaar ahaanna nimankaas Xirsi Cismaan, ee Reer Wayd, ee Xuurta ku dillay meesha Xalxis la yidhaahdo. Waxa uu leeyahay ‘waar haddaan nimankaa reer Xalxaliseed bahalkaa duullaaya qaban lahayn, Sacad Muuse, Ciise Muuse, Arab, Makaahiil, iyo Ayuub toona uma taag heleen masaa’iibtan duulaysa, kolkaas nimankiinnaa reer Xalxaliseed dacaayadaynnaayaw, nimanku guul wayn ayay soo hooyeenne, yaan la xaasidin’!!

Warka xalay xuseennaw xaggaa, xeebta lala yaabbay

Gaashaamiyo xogtii hawdka sare, lagu xifaaleeyey

Haddii aan xogtaa kuu furfurro, waa xisaab culuse

Col xuduud kasoo duulay baa, laga xagaystaaye

Haddii xuurta samadaa jirtaa, idinku soo xoonto

Duruuruhu haddii ay xidhmaan, xuufta iyo qaylo

Waad xagal wareertaa hadday, idin xafuujaanne

Habaryoonis baa lagu xanibay, xaajayadaa timiye

Haddii aan Xirsi Cismaan ku qaban, Xodayo guudkooda

Oo xaraf xanfalay gashaan, lagu xadreeyeenne

Sacad Muuse tay muu xidheen, haaddu xagataaye

Makiihiilla uma xiiq-tirteen, tan iyo xaafuunne

Ciise Muuse xoog kuma didsheen qoolay xaadira e

Ayuubaan xafuujeen tukaha, oo xarbiya waaye

Arab xuurto kuma soo qabteen, xuurta baalka lehe

Haddaan xoogga Habaryoonis qaban, lama xamaasheenne

Xigaalkeennu guul buu dhacshee, yaan la xaasidin

Halkaas kolka uu tixda dhiggay Guruuje, waxa u soo jawaabbay, dhawr nin oo qaarna ay si toos ah jawaabta u siiyeen, qaarna ay si dadban uga falceliyeen. Haddaba, haddii aan xagga ku horreeyo ragga aan tooska ugu soo halqabsan Guruuje, se sida kaftanka wacan leh uga jawaab celiyay hadallaas garyaqaanka, waxa ka mid ahaa:

Nin la yidhaahdo Muuse Amaan oo Habarjeclo ah, kana sii ah reer Iidle, oo Biciide ayaa gabay xifaallo sare leh, nimankii Habaryoonis na uu ku halgaadaayo Hargaysa ka soo laliyay. Muuse waa nin muddo badan ka soo shaqaynnaayay xawaaladaha dalka, bartayna maamulka. Muuse Amaan waxa uu leeyahay ‘nimankan Habaryoonis way iska faanaan uunne, aniga ayaa xalay lay warramay, waxanina maaha uun haadde, waa ciidan; oo waliba ciidan xul ah weeyaan!! Kaaga sii darane, shinbirahaba Ingiriis ayaa soo dirtayoo, war dhammaystiran ayay Baarliin gaynnayaan’ ku yeh!! Abwaan Muuse isaga oo tixda sii wata ayuu leeyahay:

Waa boqol awoow xiiqan ay, la xantanaayaanne

Xiskoodiyo damiiirkoodu waa, halo xannaaneeye

Saw mar uun xisaab kama bartaan, xeeladda adduunka?!

‘Waaqood iyo waqood nimankaas Habaryoonis, ab ka ab ayuunbay xiiqsanaayeen, oo ay geel iyo hawd gahaydh leh uun noloshooda ku cindanaayeen. Hal xannaanee mooyaanne, waa niman aan kaskoodu wax kale hiddinnayn. Waa niman adduunkaas sii gabaabsiga ah aan wali waxba ka baran, xisaabihiisana aan la socon’ ayuu Muuse leeyahay, kolkaas ayuu gantaalaha riddada dheer leh intuu la kala baxo, sumuc aan laga soo waaqsannayn kaftankii Guruuje qabadsiinnayaa; waxaannu yidhi:

Hadba xuur intay soo dilaan, ha xarragoodeenne

Faan xoogleh iyo tookha jaan, xagaf hasiiyeenne

Xaashida sirdoonnadu warkay, xalayto iikeentay

Waa ciidan xula baqayahay, u xumbullaayeenne

Xog dhammaysa buu geeynnayaa, xerada baarliinne

Ingiriis xaskuu kaga tegay, ku xintamaayaanne

Waa xoolo dhaqatoo halay, ku xigsimeeyaanne

Naftana kuma xurmeeyaan caqlina, kama xoroobaanne

Hadba xabashi geed soo galay, ka xadantoodaanne

Waa boqol awoow xiiqan ay, la xantanaayaanne

Xiskoodiyo damiiirkoodu waa, halo xannaaneeye

Saw mar uun xisaab kama bartaan, xeeladda aduunka?!

Lidkaa culus ee hubabka wax gumaadda ku dhaw kolkii uu hawada ku dikheeyay, waxa in gaaban kaga soo booddaaya nin la yidhaahdo C/Kariim Haabiil. C/kariin tixdii Muuse Amaan inta uu dhugto, ayuu dhan kale ula kacayaa isna abwaankiiba. Haabiil oo lidkii hawada dikheeyay malaha dabiib fudud u soo helay, ayaa tixdii Muuse Amaan ka cillaalaya; oo leh:

‘Muuse Amaan ahaan haddiiba aad garatay raggaas Xuurta dilay gabay ku canbaarree, inaadeerraw miyaad kasi aqoon wayday habar lammaan Ceel Afweyn ku kala furo?! Nin xogtiisa iyo xaalkiisa aan war u hayn ayuunbaa xubinka seegga e, wada dhalashada iyo ehelnimada dhimatay ayaa tixaha ku habboon in lagu nooleeyo e, bal hadda xaggaas …..” Hadalkaas yaabka leh ayuu abwaanku abwaanka kale kaga naxsanayaa; oo yidhi:

Nin xantiisa moog waa inuu, xubinka seeggaaye

Xinjiraa wafaaddaa tixaa, lagu xanteeyaaye

Ninka xuurta dilay garashaadaad, ugu xikaayootay

Miyaad habartan xaalkeedu ba’ay, kula xambaarootid?

C/Kariin Haabiil waa nin Habaryoonis ah, oo Muuse Cabdalle ah, waana bare suugaanneed oo ku nool magaalada Hargaysa, gabaygana waxa uu ka soo shimaal raaciyay Hargaysa.

Kaftanka sheekadu isaga oo heeraab sare garaacaaya, ayuu tix gabay ah soo tirinnayaa abwaan Mustafe-Khaliiji, oo ah ninkii silsiladdan ibo-furay. Mustafe lama haysto labadan nin ee dhexda iska helaye, waxa uu fariin u dirayaa ninkii Axmed Nuur Guruuje. Waxaana uu leeyahay ‘Gurujaw horta waad mahadsantahay, malahayga e xil-gudasho ayaannad waddaaye hanbalyo!! Laakiin xuurtii, shinbirihii iyo baalalaydii oo dhan gam ka siiye reer Xalxaliseed, bahalkii wax cunnaayayna in uu wali noolyahay ayaan si xanna ku maqlay, kolkaas inaadeer sidanina xal maaha e, waar bal bi’i waaye is badh qaba–oo nimankii reer Xalxaliseed guuto xuquuqda xayawaanka u doodda ku saar, hawshaasna bal xilkeeda galoo; waa ku kaa’ waxaannu yidhi:

Guruujoow xil-gudashaad rabtaa, xumana kaa dheerre

Waa laga xidhaa gabay ninkaan, xarakadaynnayne

Xulka gabayga adigaa bartiyo, xarafka suugaanne

Xirsi Caamir tiisii ayaan, kuu xawilayaaye

Xadka sare xaguugiyo Xalxalis, xerada gaashaamo

Xubintooda waa loo ogaa, tan iyo xaataaye

Xasad kuguma ogi xeelad iyo, badi xajiimaaye

Inyaroo xifaale ah haddaan, xayga kacaddeeyo

Anigoon ku xamannaynin oo, xuma abuurraynnin

Adigoo xigaal ii ah iyo, xuladka reerkayga

Xidinxiid inaad sahayatood, xowda kaga gowso

Ood libin usoo xaadirtaa waa, xujiyo yaabbe

Xuuraha inaad gawracdaa, xaasha waa halise

Gaalada ninkii xaaqayoow, hays xajiimayne

Haddayse haatan xuurtii go’doo, lana xalaalaystay

Xuunshadiina waw baqannayaa, innay xasuuqaanne

Hadday xuurta bahal soo dileen, reer xal xaliseedku

Inu bahalkii xay yahay ayaan, helay xogtiisiiye

Uunka innaydun xagal daacisaan, waa xujiyo yaabbe

Xaquuqaha mayeedhaanka iyo, xaakinno udoodda

Xaqiiqada inaad raadisood, xoonka sare gaadho

Guddi inaad u xulatoo Xalxalis, xuuto ku ekaado

Gurruujoow adaan xaajadaa xaynka kuu sudhaye.

Mustafe-Khaliiji haddii uu arrinkii Guruuje u xilsaaray, oo inta uu guurti kaxayso–oo Xalxalis tag ku yidhi, ayuu halkaas warka ku soo idleeyay. Silsiladdu kolka ay halkaas marayso, waxa soo galay nin weyn oo gabyaaya, oo aad u culus. Xuseen Xaamud Afmadaw, ayaa giraanta halkan leeddo-fuul ugu soo boodday.

Horre ayaynnu u sheegnaye, Xuseen raggan isaguna lama haysto, in kaste oo Axmed Guruuje ku soo halqabsannaayo,  haddana Xuseenna waxa uu leeyahay “Dhaaxba suugaan waa la wadaye, kolkii cid weelaysa, iyo cid wax ku fashaba la waayay, ayay gar iyo daw noqotay in abwaan kastaaba iskaga aamuso. Kaaga daraanne, iminka cid wax xiftin kartaaba ma jirto’ ayuu abwaanku leeyahay.

Xajiin bay u qaataan bulshadu, uma xubeeraanne

Mar haddaannay xiisa ba lahayn, xidhay afkiisiiye

Xaydaanki dhaqankiyo sharciga, laga xawaareeye

Culimadu xadiiskiyo wacdiga, uma xadeeyaanne

Duul aan xafidin baynnu nahay, xarafka diimeedde..

Falsafad kale oo aad u sinno balaadhan ayaa gabayga xaggiisa danbe abwaanku ku sheeggayaa. Ma se rabo in aan fasirro waxa uu abwaanku halkaas innoogu hulubbay, sababta oo ah, isaga ayaa ka afeeftay oo yidhi:

Waxba xamarka bari loo wadiyo, maydallada xiimay

Haddaan duul xafidayaaba jirin, xaraf kastaad sheegto

Innaan sii xiddigiyaa abwaan, xiise iimalehe

Yaab badannaa!! Yaan se kaa dhex galinne, Xuseen Xaamud Afmadaw waa ruug caddaa tiirarka culus ee suugaanta wakhtigan ka mid ah. Xuseen Hayb ahaan waa Arab oo Cabdalle Arab ah!! Waxaana uu hadda ka shaqeeyaa shirkadaha dhismayaasha ee, dalka. Waxaana uu ku noolyahay magaalada Hargaysa, gabayganna uu ka soo giraangiriyay. Gabaygii oo dhanna waxa uu yidhi:

Axmedaw xilligan yaabka badan, xaaladaha taagan

Xuuraanki saadaashu wuu, xaalufoo lumaye

Xidiggiyo maluugtii gedmade, xaasilka ahaaye

Xidaar godadka eegiyo kuhaan, xarakadii daaye

Xikmad iyo abwaan lagama qoro, garasho xeeldheerre

Inkastuu xaqiiqada murtida, ku xabad-qaadaayo

Xajiin bay u qaataan bulshadu, uma xubeeraanne

Mar haddaannay xiisaba lahayn, xidhay afkiisiiye

Xaydaanki dhaqankiyo sharciga, laga xawaareeye

Culimadu xadiiskiyo wacdiga, uma xadeeyaanne

Duul aan xafidin baynnu nahay, xarafka diimeedde

Xayskiyo wajiinihi ka da’ay, xeebta laga waaye

Xuunshada na soo weerartiyo, xuurta iyo haadku

Xinjirtooda may daadiseen, xayn carruuro ahe

Xogteennay heshee ubadka may, soo xagagateenne

Waxba xamarka bari loo wadiyo, maydallada xiimay

Haddaan duul xafidayaaba jirin, xarafkastaad sheegto

In aan sii xidiggiyaa abwaan, xiise iima leh.

Xuseen Xaamud Afmadaw

Maxaa dhici doonna?

La soco qaybta 4-aad.

W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi