Xagee Qaranka Soomaaliland U Socda?! (Xasan Xuseen Cabdi “Haidaro”)

 

Qaranka Somaliland waa ummad gaadhay guulo faro badan oo ka soo bilaabma 1991, ka bilow jabinti xirfada sare ku dhisnayd ee kaligii taliyihii Siyaad Bare oo ay hormoodka ka ahayd Jabhadii xaq u dirirka SNM, ilaa imika oo ay ka soo wareegtay ku dhawaad 20 sano waxa bulshadu gaadhay guulo isdabo jooga, aan soo qaato labo cashar oo si aan toos ahayn bulshada caalamku uga faaiidaysatay Somaliland, waxa ka mida golaha dhaqanka ee Afganistan ee loo yaqaano Loya Jirga oo laga dheegtay guurtida Somaliland si talada dalka qayb uga noqdaan madax dhaqameedku, iyo Koonfurta Sudan oo isticmaashay khibradii iyo waayo aragnimadii gaarka ahayd ee hubka dhigistii Somaliland.

Isbadalka aan muuqan ee ka socda Somaliland waxa uu bilaabmay markii dawladii hore labadalay, taas oo dadwaynuhu isticmaalay codkooda oo muujiyay in dadwaynuhu wax badali karo, madax cusubna dooran karo. Waxay ahayd tallaabo geesinimo leh in hogaanka dawlada cusubi soo xusho goole Wasiiro oo aqoon leh iyo hal abuurnimo. Xulashada dad aqoon lihi waxay soo kordhinisaa isbadal dhinacyo badan leh, waxaana ka mida arimaha soo socda:

  1. Ugu horeeyn, waxa dadka aqoonta leh xulashadooda goolaha Wasiiradu dhiiri galinisaa in dadku waxbarto.
  2. Waxa ay tijaabo u tahay dadka aqoonta leh iyo waxa ay qaban karaan ama soo kordhin karaan
  3. Waxa isbadalkani bilaw u yahay in ay meesha ka baxaan dadka dawlad kunoosha ah, dadkaas oo aan shaqo cad iyo masuuliyad toosa dawlada u hayn, kuwaas oo siyaabo farabadan uga faaiidaysta dawlada, dawlad ka-macaashayaashu waxa ay galaan gal xad dhaafa u lahaayeen madaxdii sare ee xukuumadii hore.
  4. Dadkii aqoonta iyo xirfadaha lahaa waxa ay ka shaqeeyaan Haayada caalamiga ah, NGOyada iyo shirkadaha madax banaan, dawlada cusub waxa laga dhawrayaa in haayadaha dawlada ka dhigaan meel dadka aqoonta lihi u soo shaqo tagaan, taasina waxa ay ku iman kartaa in daryeelka iyo toborada shaqaalaha la xoojiyo.

Waxa qudhee dadku isla ogyahay waxa weeye in la raadiyo ictiraafka iyo horumar, waa in uu jiraa meel loo socdaa hadii kale waxa aynu ku sifoobinaa xikmada tidhaahda hadaanad  meel ku socon meel kasta oo aad tagtaa waa halkii aad tagaysay. Maqaalkani waxa uu bilaw u yahay dooda ah qarankani wadada uu u marayo horumarka.

Xukuumada Somaliland waxa looga fadhiyaa in ay soo bandhigto qorshe mudada dheer (National Development Plan) kaas oo ku eeg 5 sano, qorshahaas oo qiimayntiisu ama dib u eegistiisu tahay sannadle.

Talobixin ku Saabsan Hayaanka Qaranka

  1. Waxa qaranku aanu lahayn siyaasad horumarineed(National Development Plan), waxa loo bahan yahay qorshe horumarineed oo la jaan qaadi kara duruufaha dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed ee qaranka, waxa jira qorshe Qaramada midoobay samaysay oo layidhaah qorshaha dib udhiska iyo horumarin (Reconstruction and Development Plan).
  2. Waa in siyaada guud ee qaranka ay qayb ka noqoto qorshe bulshada caalamka Somaliland lagu barayo, marka dadka dunida daafaheeda ku nooli maqlaan Somaliya waxa maskaxdooda markiiba ku soo dhacda budhcad badeen iyo rajo beel sidaas awadeed waa in bulshada caalamka laga dhadhiciyaa guulaha iyo casharada umada Soomaaliland kaga duwan yihiin Somaliya taas oo aan filayo in ay xiiso u yeeli doonto qadiyada ictiraaf raadinta, wadada bulshada caalamka lagu gaadhi karo waxa ugu horeeya war baahinta kala duduwan ee caalamiga ah iyo suxufiyiinta oo laga dhigto saaxiib dhaw. Inta badan wararka Somaliland iyo Somalia ee dunida gaadha waxa laga diraa Nairob sidaas awadeed waa in haayada warbaahinta  ee afka dheer dawladu casuumadado u dirtaa, si ay barnaamijyo qadiyadeena ka turjumaya ay caalamka u gaadhsiiyaan.
  3. Waa in Wasaarada Arimaha Dibadu u hawlgashaa in qadiyada Somaliland uu taageero mid ka mida dadka saamaynta wayn ku leh dunida ee afkaartooda la qaato sida madaxwaynayaashii hore ee wadamada waawayn, dadka heesa ee caanka ah ama dadka filimada matala kuwa ugu caansan mid ka mida. Qof ka mida dadka caanka ah ee dunidu hadii uu taageero qadiyada Somaliland wax badan buu soo kordhin karaa sida aduunyada looga dhaadhicin lahaa Somaliland iyo qadiyada ictiraafka.
  4. Waxa muhiima in aan Wasiirada cusubi inta badan haayada caalimiga ah iyo kuwa qaramada midoobay xaafiisyadooda ugu tagin ee ay ugu yeedhaan xafiisyada dawlada, kalana hadlaan waxa ay ka qabanayaan qorshaha dawlada ee guud, qorshaha guud ee qaranka waxa aan rajaynayaa in dawlada cusubi miihimad siin doonto samayntiisa.
  5. Qaranka Somaliland waxa uu tabayaa hayado dawladeed oo xoogan oo aan macnaheedu aanu ahayn dad xoogan oo aan laga furfuri karin xilka, waana in uu jiraa nidaam wada tashi oo joogta ah si xidhiidhkoodu u noqdo mid ka turjumaya danta bulshada, khilaafaadka haayadaha dawliguna u yaraado.
  6. Waxa Madaxwaynaha looga baahan yahay in xilka masuuliyiinta loo magacaabay lagu dabo galo.
  7. Waxa muhiimad leh in dan yarta loo shaqeeyo, waxa dhici jirtey dawladii hore in loo shaqeeyo dadka ladan (elite) taas oo macnaheedu noqon karo “wan wayn subag ku shub”, arintani waa ta keentay in reer waliba Wasiir doono maxaa yeelay muwaadinku kama adeegan karo danihiisa dawlada kaga xidhin haadanu wadin masuul qaran.
  8. Madaxwaynaha iyo bulshada waa in aan loo dhaxayn ee sidii markii uu murashaxa ahaa siiyaa wakhti uu dadwaynaha kula kulmo, waxa dhacda madaxda Afrikaanka ah iyo bulshada in ay kala qariyaan madaxdii loo xulay in ay dadka ushaqeeyaan, kuwaas oo garab yaaca hadii ay dhacdaba in uu madaxwaynuhu soo baxo.
  9. Waa in la helaa jawi wax waliba cad yahay (Transparency), oo ay ugu horeeyso in shaqada dawlada la xayaysiiyo, si muwaadiniinta qaban karaa u soo codsadaan shaqooyin ka banaan, si cadaaladana loo xusho qofka la qaadanayo.
  10. In shaqaalaha ajaanibka ah dib loo eego, lana raaco sida uu dhigayo xeerka shaqaalaha Somaliland (Labor law) oo sheegaya in shaqaalaha ajaanibka ahi ay qaban karaan shaqooyinka aan muwaadiniintu aqoonteeda lahayn. Waxa aan filayaa in arrintani dawlada cusub u tahay war fiican, maxaa yeelay hadii arintan lagu dhaqaaqo waxa fursado ka heli doona dhalinta reer Somaliland.
  11. In aan Parliamaanku iyo dawladu aanay tirin oo qudha inta sharci ee ay sameeyeen ee waa in la hubiyo waxtarkooda iyo waxa ay bulshada ku soo kordhiyeen iyo dhaqan galkooda.
  12. In la helo Booliis fahamsan in uu u shaqeeyo bulshada oo aan ushaqayn oo qudha madaxda iyo dadka ladan.
  13. Waa in haayadaha la dagaalan musuqmaasuqa laxoojiya, madaxdeeda iyo shaqaalaheedu waa in uu qaataa mushaar sare si aanay u dhicin in ay la xidhaan kuwii la yidhi daba gala.
  14. Waa in Wasaarada Diinta la xoojiyaa, lana socdaa dhaqdhaqaaq maxda qaranka ee cusub si aanay u dhicin in ay luuqluuqyada maraan, tusaale xuna bulshada ugu noqon.
  15. In la dhawro xuquuqa muwaadiniinta sida uu dhigayo dastuurka Somaliland gaar ahaan in la dhagayso dadka aan codkooda la maqal oo ay ka mid yihiin dadka Naafada ah iyo dadka laga tirada badan yahay, horumarka iyo ictiraafka umadu waxa uu ku jiraa daryeelka dadka nugul, qofka u naxariista kuwa dhulka jooga, waxa laga fasaxaa samada ama eeg heshiishkii caalamiga ahaa ee aduunyadu gaadhay 1945 dagaalkii labaad ee dunida markii maryo dhiigle la kala furtay (Universal Declaration of Human Rights).

Waxa aan rajaynayaa in xukuumada cusubi guulo la taaban karo ay gaadho mudada ay xukunka hayso, waxa aan leeyahay madaxda kala duduwan ee dawlada cusub haku nasanina dhaliilaha xukuumadii hore ee idinka ayaa manta jaanis wax lagu qabto haya, waxa jirtay sheeko odhanisa nin xafiis madax ka ahaa ayaa laga badalay shaqadii uu umadda u hayay, markaasu markii u xilka wareejinayay ayuu udhiibay labo warqadood qofkii shaqada kala wareegayay waxaanu ku yidhi marka ugu horeeysa ee aad yaabto warqada koowaad fur, marka kale ee hawshu kugu adkaatana warqada labaad fur waxa aad ka heli xalka mushkilada, waxa dhacday mudo ka bacdi ayay hawluhu ku yara adkaadee masuulkii cusbaa, sidii taladu ahayd waxa uu furay warqadii koowaad waxana ku qoran wax kasta oo khaldan dusha u saar masuulkii kaa horeeyay, sidii ayuu yeelay waxaanu yidhi khaladaadkan oo dhan waxa ka tagay kuwii hore, hadana mudo ka bacdi ayay xaaladu ku adkaatay waxaanu furay warqadii labaad waxa ku qoran waar imika waa lagu fahmaye meesha iskaga tag.

 

Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Bare Sare iyo Cilmi baadhe

+ 252 2 4418302

hhmadaxyare@hotmail.com