Robert Mueller oo ah dacwad ooge khaas ah ayaa baadhaya macquulnimada in Madaxweyne Donald Trump uu hor istaagay caddaaladda, sida ay ku waramayso warbaahinta Maraykanku.
Waxay sheegeen in saraakiisha sare ee sirdoonka la waydiin doono in Trump uu isku dayay in la soo afjaro baadhitaankii lagu hayay lataliyihiisii ammaanka qaranka ee shaqada laga eryay.
Qareennada Madaxweyne Trump ayaa sheegay in macluumaadkan u dambeeyay ee warbaahinta lala wadaagay uu yahay mid aad looga xishoodo.
Mueller ayaa dusha kala socda baadhitaan ay waddo hay’adda dambibaadhista Maraykanka ee FBI oo ku saabsan in Ruushku uu farogaliyay doorashadii Maraykanka ee sannadkii 2016-kii iyo in Trump uu wax lug ah ku lahaa arrintaas.
Madaxweyne Trump ayaa ku celceliyay in aysan jirin wax calaaqaad ah oo dhexmaray isaga iyo Ruushka, baadhitaanka hadda socdana wuxuu ku tilmaamay warar is khilaafsan.
Warkan u dambeeyay waxaa markii hore daabacay wargeyska Washington Post, intaas ka dibna waxaa iyanana qoray the New York Times iyo Wall St Journal
Wargeyska Washington Post ayaa Arbacadii sheegay in go’aanka uu Muller ku baadhayo dhaqanka madaxweyne Trump uu yahay mid bog cusub u furaya baadhitaanka oo markii hore Ruushka oo kali ah diiradda saarayay.